Friday, December 1, 2023
Home Siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheek - Khilaaf Ma Kaga Badbaadin Doonaa Ra’iisulwasaaraha Ku Xisbiga...

Madaxweyne Xasan Sheek – Khilaaf Ma Kaga Badbaadin Doonaa Ra’iisulwasaaraha Ku Xisbiga ah?

Jamhuriyadda

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Arbacadii June 15, 2022, Xamsa Cabdi Barre ka soo xushay xisbiga “Midowga Nabadda iyo Dimuqraadiyadda (UPD),”. Ra’iisulwasaaraha cusub oo laga soo doortay Jubbaland, waa xildhibaankii ugu horreeyay ee muddo konton sano ah kaddib qabta xil ra’iisulwasaare.

Soddonkii sano oo la soo dhaafay, Soomaaliya waxaa dhaqan u ahayd in madaxweynayaasha ay yeeshaan muddo xilhayntooda in ka badan hal ra’iisulwasaare, taasoo sabab u ahayd aragti wadaag la’aan ka dhalato maqnaashaho mabda’ siyaasadeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh, oo malahaa ku cibrad qaatay khatarta had iyo jeer ka dhalata isqabqabsiga hoggaanka sare, ayaa soo xushay xoghayihii xisbiga “Peace and Development Party (PDP),” oo horudhac u ahaa xisbiga Midowga Nabadda iyo Dimuqraaddiyada (UPD). Farriintu waxay u muuqata in xukuumadda uu dhisayo ay tahay mid xisbiyeed.

Xasan Sheekh waxuu Xamsa Cabdi ku doortay isku aragtida ka sokow, indheergaradnimo, khibrad iyo karti. Balse, falanqeeyaasha siyaasadda oo saluugsan magacaabiddiisa ayaa rumaysan in hantida siyaasadeed ee ugu muhiimsan ay tahay inuu “rafiiq dhow” la yahay Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo lagu tilmaamo mid u dhego nugal Nairobi.

Koox kale, ayaa ku andacoonaysa in madaxweynuhu uu ku ballanfuray Saciid Cabdullahi Deni oo ay ku midoobeen rididda madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Haseyeeshee, Cumar Cabdirashid Cali Sharmaarke ayaa qaba in Saciid Deni uu isaga uun isdhisayay, halka Xamsa Cabdi uu ku tilmaamay siyaasi mug leh oo kaabi kara Xasan Sheekh (VOA Somali 18/06/2022).

Saadaashu waxay tahay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu muddada  xilhayntiisa kala kulmi doono barlamaanka dhibaato aqlabiyadeed, haddii uusan dhinacyo badan ka tixgelin qaab dhismeedka xukuumaddiisa, si ajandahiisa dibuhabaynta uga helo sharcidejiyaasha aqlabiyad buuxda.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxuu dhawaan ku qanciyay maamul-goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed inay ku biiraan isbahaysi uu hoggaamiyo oo ay ku midaysan yihiin gobolladii iskaga soo horjeeday (nidaam-doon iyo nidaam-diidba) siyaasadda.

Xamsa Cabdi Barre oo noqon doono ra’iisulwasaariha 21aad ee dalka haddii la ansixiyo, ayaa hore uga soo shaqeeyay doorar bulsho iyo kuwo siyaasadeedba. Waxuu la taliye ka ahaa Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka. Sidoo kale, waxuu guddoomiye ka soo noqday guddigii doorashada maamul-goboleedka Jubbaland, ka hor intii aan December 2021 loo soo xulin xildhibaannimada.

Xukuumadda Xamsa Cabdi Barre waxaa halbeeg u ah tii Xasan Cali Khayre, balse jagada ra’iisulwasaarenimo waxuu ka beddeli doono Maxamed Xuseen Rooble oo 22kii bilood ee uu hayay dalka hareeyay khilaaf ba’an. Sharcigu waxuu siinayaa Xamsa Cabdi bil si uu u soo dhiso xukuumad heli karta kalsoonida Golaha Shacabka ee baarlamaanka 11aad.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments