Saturday, September 30, 2023
Home Diblomaasiyadda Diblomaasiyad Indho-Shareeran - Maxuu Xasan Sheekh Ugu Deg Degay Abu Dhabi?

Diblomaasiyad Indho-Shareeran – Maxuu Xasan Sheekh Ugu Deg Degay Abu Dhabi?

Jamhuriyadda

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa June 19, 2022, booqasho laba maalmood ah ugu ambabbaxay dalka Imaaraadka. Boqashada ayaa ahayd mid aad muhiim ugu ah karkaridda  xidhiidhka Dowladda Federalka Soomaaliya (DFS) iyo Isutagga Imaaraadka Carabta oo wixii ka dambeeyay khilaafaadkii khaliijka (2017) gaaray heerkii ugu hooseysay taariikhda.

Madaxweynuhu waxuu martiqaad ka helay Madaxweynaha Iskutagga Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed Bin Zayid Al Nahyan oo aysan muddo ka badan lix sanadood is arkin, inkastoo hab-maamuuska lagu soo dhaawey uu ahaa mid wasiiru dowlo. Kulanka waxuu u muuqday mid la xidhiidho himilooyinka Imaaraadka ee gobolka mana ahayn mid diiradda lagu saarayay asbaabaha kala irdhayay labada dal.

Soomaaliya ayaa ku degdegtay inay si fagaara ah uga raalli geliso Imaaraadka lacag si sharcidarro ah ay ku soo geliyeen dalka oo lagala wareegay. Waa nadir in dowlad ka raalli geliso hawlgal lagu carqaladeeyn lahaa xasilloonideeda.

Si kastaba ha ahaate, Abu Dhabi ayaa raadinaysa dariiq ay kaga baxsato go’doomin in muddo ah ku soo fool lahayd. Waxay doonaysay inay ballaariso xulafadeeda xilli uu sii xumaanayay xidhiidhkii kala dhexeeyay Riyadh iyo Washington. Taas ayaa keentay inay dib uga gurato siyaasadeedii cudud sheegashada ahayd lana heshiiso dalalka Iran, Turkiga iyo Qadar.

Dhinaca kale, dad badan ayaa walaac ka muujinaya ballanqaadyada madhan ee Imaaraadka, inkastoo Xasan Sheekh uu isku dayayo inuu la jaanqaado isbeddelka gobolka kol haddii mowqifkii ay Soomaaliya isku qoonsadeen uu meesha ka baxay.

Sideedaba, socdaalka ugu horreeya ee madaxweyne uu dalka dibeddiisa ku tago waxuu tilmaan u yahay jahada ay u heellan tahay siyaasadiisa dibedda. Walow, soo afjarida diblomaasiyad cakiran ay faa’iido u leedahay maalgelinta iyo xasilloonida dalka, haddana waxaa laga yaabaa in socdaalku fogeeyo Dooxa, oo kaalin mug leh ka qaadatay dib u soo kabashada dowladnimada Soomaaliya, xilli Imaaraadku uu dubbe u sitay.

Isu soo dhawaashuhu uma muuqado mid iska yimid  marka la eego ku soo beegmida xilli lagu wado in Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu booqasho ku imaan doono Riyadh. Maxamed Bin Zayid Al Nahyan waxaa muhiim u ah inuu Riyadh la tago isagoo qool ku sita Itoobbiya, Soomaaliya iyo Sudan si doorkiisa goboleed uu mug u yeesho. Shaxdase waxay kala fogeeyn kartaa Sacuudiga iyo Soomaaliya!

Marka laga eego xaaladda dalka, waxaad mooddaa, in booqashada aysan dhicin waqtigii ugu habboonaa. Madaxweynaha wuxuu saaxadda cidleeyay mar looga baahan yahay inuu diiradda saaro dhismaha xukuumadda, si Ra’iisulwasaaraha looga ansaxiyo Barlamaanka oo tashwiish badan ku furmay kaddib markuu guddoomiyaha Puntland ku dhawaaqay dagaal cad, xildhibaannadii Koonfur Galbeedna aan faraha lagu hayn.

Qaybta keliya oo ka  shaqaynaysa dowladda Xasan Sheekh waxay noqotay NISA oo maamulkeeda cusub uu horyaalka u yahay dabaggalka dembiyadii dhacay shanti sano oo uu Maxamed Cabdullahi Farmaajo talada hayay, inkastoo Madaxweynuhu ballanqaaday in  “Xukuumaddiisa” aysan ku dhaqaaqaynin aarrgoosi. Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ahaa wafdigiisa waxay qudheeda caddaynaysa jihada loo socdo.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments