Thursday, September 21, 2023
Home Gudaha Kanna Siib Kanna Saar – Maalintii Xurriyadda Jamhuuriyadda Soomaaliya

Kanna Siib Kanna Saar – Maalintii Xurriyadda Jamhuuriyadda Soomaaliya

Jamhuriyadda

Dadka Soomaaliyeed ayaa meel kasta ay joogaan u dabbaaldegaya 62- guuradii 1da Luulyo 1960; maalintaas oo gobollada Waqooyi iyo Koonfur ay midoobeen, kana kala xuroobayn guumaysigii Ingiriiska (Great Britain) iyo Talyaniga. Tan iyo Jimcihii Jalmhuuriyadda Soomaaliya ay dhalatay (1960), waa markii sagaalaad oo dabaaldegga 1da Luulyo ku soo beegmayo maalin Jimca ah.

Dadka ka sheekeeya sooyaalka Soomaaliyeed ayaa taariikhda guumaysi-diidka Soomaalida ka soo billaaba 1528, kolkaas oo Imaam Axmed Garaad Ibraahim, Axmed Gurey uu la dagaalay gumaysiga Itoobbiya. Haseyeeshee, xurriyada loo dabbaaldagayo ayaa ka dhalatay dhaqdhaqaaqyadii bilowday dagaalkii labaad ka dib.

Waayahaan dambe, maalinta xurriyada waxaa lagu suntaa sawirka wadajirka dadka iyo dalka iyadoo ay gobollada qaarkood sida kuwa waqooyin ku tallamayaan gooni isutaag. Lixdan iyo labadii sanadood ee uu dalka xurta ahaa Soomaaliya waxaa soo maray mashaakil badan oo inta badan ka dhashay maarayn-xumada nidaamka siyaasadda dalka.

Kacdoonkii shacabka Muqdisho (1991) oo uu dadweynuhu sida geesinimada leh uga dhiidhiyeen nidaamkii kalitalisnimada dabadii dalka ma helin xasillooni siyaasadeed. Balse, waxaan dood ka taagnayn in kacdoonka uu ka dhashay seddax shey oo muujinaya astaan rajo: (b) In xuriyatul qawl dib loo helay – dhaleecayn bareer ah oo loo jeedin karo hoggaanka talada haya;  (t) In dimuqraadiyad liciif ah ay hirgashay – kol haddii awoodaha layskugu wareejinayo si nabad ah; iyo (j) In Dastuurkii dalka dib loo qorayo iyadoo inta badan ay talo ku leeyihiin haba yaraatee.

Markii ugu horraysay taariikhda Soomaaliya ayaa May 15, 2022 waxaa dalka ka dhacday doorashadii seddexaad taniyo markii dowladdii dhexe ay burburtay, taasoo mar labaad lagu doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hore xilka u soo qabtay (2012 – 2017). 

Dib u doorashadu waxay astaan u tahay in dalku hiigsanayo xasillooni siyaasadeed, inkastoo 62dii sanadood ee la soo dhaafay dalku uu ku jiray kufoo-dhac. Dalku waa xur, haddana waxaa muuqata inuu ku jiro gacan dowlado shisheeye, iyadoo loogu talinayo gerger dhaqaale, xasilloonidarro siyaasadeed iyo mid amni.

Si kastaba ha ahaatee, ummadda Soomaaliyeed waxaa u xaqiiqowday in xornimo aan lagu hanan karin oggolaasho ku hoos noolaasho dulli gumaysi, qaybsanaan, iyo isxaqiraad. Hal shay oo istaahila in la xuso maalinta xurnimada ayaa ah, si kastoo Soomaalida looga horistaago inay doortaan cidda ku matalaysa siyaasadda, haddana wadaniyiintu kama quusan doonaan himilada dimuqraadiyadda.

Sarreeyow ma nusqaamow
an siduu yahay eego e
kaana siib kanna saar

Abdullahi Sultan Timacadde

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Soomaaliya: Qareen Dudaaye oo Qaawiyey Hannaanka Caddaaladda 

Jamhuriyadda   Maxkamada Gobolka Banaadir waxaa ka socda maxkamadeynta eedaysanayaal ka tirsanaa shaqaalaha waaxda maaliyadda, iyo socdaalka...

Recent Comments