Jamhuriyadda
Waxaa maragmaddoonto ah, in abaaraha mar waliba marka ka dambeeya ay ka sii daran yihiin. Sababaha ugu horreya oo sidaas ka dhigaya waxaa loo kala saari karaa sabab shisheeye iyo kuwo maxalli ah.
Sababaha dibadda ka yimmaad oo uusan dalka lug ku lahayn waxna ka qaban karin waxaa mas’uul ka ah waddamada qaniga ah oo ay ugu horreeyaan dalalka Galbeedka oo warshadahooda adeegsadaan shidaal iyo dhuxul dhaliya gaasas dhawr ah oo loogu magacdaray GHG (Greenhouses gasses).
Gaaskaas markuu gaaro hawada waxuu xabbisa kulka, taasoo keenta in kulka sii kordho kaddibna uu sababo dhibaatada ina haysato. Dalalka saboolka ah ama aanan hormarsaneen ma soo saaraan GHG fara badan oo masiibada sababa. Kuwa sababana ma oggola inay dhibaatada yareeyaan oo ay adeegsadaan wax dhimi kara GHG faa’iido doon awgeeda.
Sababaha “maxalli, local” ah oo la xiriirto dhirta oo si xaad dhaaf ah loo jaro – dhuxul ahaan, amaseba gas adeegsi la’aan, iyo iyadoon jirin barnaamij wacyigelin dadweynha ama dib-u-abuuris dhir, sannad walibana dadka iyo xoolaha oo sii kordhaya isla markiina sii kordhinayo masiibadii (xaalufintii) horey u jirtay.
Sababo kale waxaa weeye in doorka dawladeed ka maqan yahay dalalka sabaoolka ah sida Soomaaliya. Abaaraha waa dalagga, daaqa, ama biyihii oo yaraaday.
Mas’uuliyadda dowladda waxaa ka mid ah inay ka baaraan degto inay taasi dhicin: webiyada oo la hago biyahooda, waxaa weheliya ceelal dhadheer oo la qodo si biyaha looga cabbi karo, loona adeegsan karo waaraabinta beeraha iyo xoolaha.
Koonfurta Soomaaliya ceelasha waxaa ku filan 100 m kana yar 150 m, halka Bari iyo Mudugh loo baahan karo 200 iyo ka badan. Biyaha roobka qudhooda waa la kaydin karaa iyadoo baraag iyo waro loo adeegdsado farsamo casri ah lagu dhaqaaqayo.
Waxaa kaloo la hanan karaa tamarta cadceedda ama dabaysha oo ka kharaj yar tamarta kale deegaankana wax u dhimmaynin.
Waxaa la yaab leh in 1950-yadii iyo 1960-dii ceelal fara badan ay ku shaqayn jireen dabeesha (Ceel wareegow), balse haddeer oo shidaalka qaali iyo macduun yahay waa dhif inaad aragtaa ceelashaas.
Abaaraha dalka saboolka ah ma aha mid lagu xallin karo deeq la helay balse waa in dadweynaha iyo dowladdooda ay u duubtaan.
Dowladda Soomaasliyeed waxaa waajib ku ah inay diyaariso qoorsha guud (Master Plan) ee hormarinta biyaha dalka: webiyada, waadiyada, roobabka, biyaha hoose, iwm ee 20ka ama 30ka sono oo soo socda, kaddibna ay taabbageliso hirgelinta qoorshahaas.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.