Saturday, April 1, 2023
Home Dib U Eegis Buug Taariikh Nololeedka Qoraa: Kaaha Maxamed Aadan

Taariikh Nololeedka Qoraa: Kaaha Maxamed Aadan

Axmed Qaasim Cali

Kaaha waxay ku dhalatay magaalamadaxda Xamar (Muqdisho) sanadkii 1966 waxaanna dhalay Takhtar Maxamed Aadan Sheekh oo ahaa takhtarkii ugu horreeyay Soomaaliya oo ku takhusasay qalliinka. Wuxuu ahaa indheergarad iyo siyaasi can ah. Wuxuu ka mid ahaa indheergaratadkii horusocdka ahaa oo taageeray Kacaankii ka dhashay afgembigii 1969. Haseyeeshee, kuma raagin taageeraddiisa mar allaale marka uu gartay in talisku yahay diktatooroyad military ah.

Maxamed Aadan hal mar keliya lama xirin, balse xabsiga Labatanjirow oo lix sano uu ku jiray qol keli ah uusan cidna arag ayaa geliyay halis noloshisa, markaasoo axsaabta bidixda Talyaaniga ay cadaadis adag ku saareen keligiitalkiyahii in laga daayo xabsiga.

Kaaha waxay ku nooleed Muqdisho oo dugsiyada Soomaaliya wax ku baraty taniyo 1987 oo ay u guurtay magaalada Pavia oo ku taal woqooyiga dalka Talyaaniga una jirta magaalada Milan soddomeeya kiilomitir. Waxay ka qalinjabisay Jaamacadda Pavia qaybta Dhaqaalaha, waxayna shahaadada masters-ka ka qaadatay mac-had sare ee Midowga Yurub oo ku yaal Pavia.

Kaaha waxay kaga duwan tahay qoraayada Soomaaliyeed oo af talyaaniga wax ku qoro, inay waxbarashadeeda hore oo idil ay kusoo qaadatay dugsiyada af Soomaaliga burburkii dalka ka hor. Waxay qoraallo fara badan ka qortay mawduucyo aad u kala duwan oo la xiriira Soomaliya, qaxootiga ku sugan Yurub, doorka hiddaha, iwm.

Sidoo kale, waxay wax badan ka qortay dhacdooyinkii 1991 oo ahaa wejiga hore ee dagaalka sokeeye iyo burburka dowladnimadii Soomaaliya, waxaase qoraalleeda ka maqan qaybaha kale sida lollankii Cali Mahdi iyo Maxamed Faarax Caydiid, iyo dagaallada sokeeye iyo abaaraha ee isbiirsaday sababeyna masiibada 1992-1994 misna illinka u furay in lagu soo dasadgureeyay dalka ciidamada maraykanka iyo kuwa kale.

Kaaha waxay qortay dhawr sheeko gaaban. Mid ka mid ah sheekooyinkaas gaaban oo  cinwaankeedu yahay: “ 1982 Fuga da Casa” [“1982: Ka Cararkii Guriga”] oo ay kaga hadlayso xariggii iyo kadeedkii aabbeheeda uu u geystay diktatoorkii talada dalka hayay. Kaasoo dabcan u saameeyay si taban nolosheeda iyadoo da’ yar.

Waxaa jira qoraal kale oo ay qortay oo laga sameeyay filim-dokumentari ah oo cinwaankiisu ahaa: “La Quarta Via” [Waddada Afraad] oo la xirira caasimadda Soomaaliya.

Nasiibdarro, qoreaallada Kaaha aad ayay u fara badan yihiin waxayna ku qoran yihiin afka Talyaaniga. Innaagu fursad uma helin inaan qoraalladeeda akhrinno oo aan ka ahayn halka buug aan dhawaan uga faalloon doonno bogga Wargeyska Jamhuuriyadda. Kaasoo ah: “Dalmar, iyo Hayaanka Maroodiyada.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Five Tips for Cardiovascular Patients Fasting During Ramadan

By Daily Sabah Those who suffer from cardiovascular diseases can fast during Ramadan with the approval of their...

Laas Caanood – Caalamka Ma ka Hortagi Doonaa in Soomaaliya Ka dhacdo Xasuuq?

Jamhuriyadda Xiisadda ka aloosan gobolka Sool ayaa u muuqata mid maalinba maalinta ka dambaysa ka sii dheeraanaysa soo...

Diblomaasiyaddii Sanadka – Riyadh iyo Tehran oo Si Lama Filaan ah u Heshiiyay Toddoba Sanadood Kaddib

Jamhuriyadda Wadahadallo aan loo kala kicin shan maalmood kaddib, ayay Boqortooyada Sacuudiga iyo Iran ku dhawaaqay Jimcihii March...

Xagee Soomaaliya Loo Wadaa – Dimuqraadiyad Xisbiyo Siyaasadeed Lahayn

Jamhuriyadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay March 8, 2023, munaasabadda saxiixa sharciga Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman,...

Recent Comments