Friday, December 1, 2023
Home Dib U Eegis Buug Faallo La Xiriirto Buugga: Dalmar, La Disfavola Degli Elefanti

Faallo La Xiriirto Buugga: Dalmar, La Disfavola Degli Elefanti

Axmed Qaasim Cali

Qoraaga Kaaha Maxamed Aadan waxay ararta buuggeda (Dalmar, La Disfavola Degli Elefanti, Edizioni Unicopli, 2019, Milano, Italy – Dalmar iyo Hayaanka Maroodiga) ku sheegtay in waxyaabaha sababy qorista buuggani ay ahaayeen dhacdooyinkii 1991-kii.

Keligiitaliyihii wuxuu ku kacay waxa laga filaayay inuu ku dhaqaaqo keligiitaliye aan la jeclayn oo waqtigiisu dhammaaday oo ah inuu awood u sheegto cid kastoon jeclayn isagoo addegsaday booliska, nabadsugidda, iyo xitaa ciidamada dalka inuu cadaadiyo waxashnimana kula dhaqmo dadyowga, reeraha iyo culimada dalka.

1991kii waxaa magaalamadaxda soo galay maleeshiyooyin isku sheegay inay ka takhallusayaan nidaamkii keligiitaliyaha iyo kooxdiisa. Waa loo riyaaqay, balse farxaddii waxaa ka dambaysay qoomamayn, aargoosi iyo aano qabiil oo ay ku dhaqaaqeen.

Kaaha waxay doorbidday inay adeegsato sheekooyinka xoolaha oo ka mid ah sheekaxariirooyinka hiddaha Soomaaliyeed. Haseyeeshee, waxaa yaab leh xoolaha ay u adeegsatay Kaaha, kuwaasoo ah raxan maroodi ah oo hayaan ah iyo “bulsho”  madaxkuuti ah.

Maroodigu wuxuu can ku yahay xusuustiisa xoogga leh iyo urin xoog leh. Waxaa la  yiraahdaa in ruuxa dakano ka galay uu kasoo dhex saari karo boqol qof. Madaxkuutiga bulshadiisa aad iskuma xirna wuxuuna u badan yahay  qoysas yar oo rixin ah ama inuu keligiisa   qaraabto .

Waa dugaag weyn, xoog weyn urin xooggan leh, ku quuta waxa allaale wuxuu heli karo sida, kalluun, hilib, miro geed, iyo dhir, misna caqli badan lana qabsan og isbeddelka uu la kulmo.

Sheekadu waa mid ku habboon da’yar, dhallaan, iyo dadka waaweynba. Waxaa jira dugsiyo Talyaani ah oo u adeegsaday akhriska carruurta.

Raxan maroodi ah ayaa dantu ku kallifaysaa inay ka hayaamaan deegaankoodi waxayn rarka ku furteen xeebta jasiirad ay madaxkuuti iyo shinni kelya deggan yihiin. Weli labada nooc ee dugaagga ah iskama war hayaan. Maroodiga wuxuu ku nool yahay dhul caws leh oon jiq ahayn oo ah dhulka kuleelaha ah.

Haseyeeshee, jasiiradda ay degeen waa mid jiilaal qabow badan leh, balse war uma hayaan. Raxanka maroodiga ah waxaa ugu da’yar Dalmar oo lab ah hooyadiina waa qalanjo suura miiran ah, Bilan. Habaryartiisana waa qalanjo madax ah  magaceeduna  yahay Idman, halka xoghaynteeduna tahay Sagal. Boorka amniga qaabbilsan waa Geesi.  

Dalmar durbadiiba sida da’ yarta lagu yiqiinnay wuxuu billaabay sahan iyo dalbarasho. Wuxuu bartay inan madaxkuutiyad ah oo dushiisa kortay iyadoo dunduma  moodday. Dalmar oo aan ka warqabin xeerka u yaal labada nafley, shinnida iyo madaxkuutidga, oo qeexaya inaan lagu dhawaan halka ay kabarta malabka ku kaydsan tahay, waxaa ku qamaantii askar shinni caraysan, waxaa durbadiiba u gurmatay saaxibtiisa cusub Dirita oo kaddib shinnidii ku qamaantay ilaa ay qaniinyo la suuxdo.

Dalmar oo argaggaxay ayaa gurmad uga doonay raxankiisi, halkaasoo habaryartiisa Idman ay soo qaadday Dirita si loo daweeyo. Waxaa soo raacdy Buruuna, Dirita hooyadeeda oo Idman iyo reerka cusub baratay, waxayna la yaabtay in martidii ay u gurmatay inanteedi halka reereheeda aysan far u dhaqaajin. Taasoo xoojisay saaxibtinimada Buruuna iyo maroodiyada.

Buruuna markay ku noqotay reereheedi waxaa ka hor yimid madaxkuutiyadii oo la yaabsan inay iyadoo bedqabto kasoo noqotay Ilka dheerta oo dantoodu tahay inay wax waliba la wareegaan. Buruuna waxay u sheegtay inay yihiin dad wanaagsan oo daweeyay inanteeda si suubbanna usoo dhaweeyay qudheeda waxayna u shegtay inay casho ku casuntay.

Inkastoo cashada si wacan loo qabanqaabiyay haddana labada qolo isma aqoon oo gaar ahaan madaxkuutiga ma ayasan ogayn in maroodiyadu ay dhir keliya cunaan oo aysan cunin kalluun iyo hilib toona. Maroodiyada waxaysan ka warqabin iyagana in uu jiro xilli Jiilaal la yiraahdo oo xoolaha aan  dhogor weyn lahayn aysan ku badbaadi karin jasiiradda. Balse arrinka xal ayaa loo helay oo ah in  madaxkuutiyada ay dhogortooda u jaraan maroodiyada, maaddaama waqtiga dhaxanta iyaka ay seexdaan xilligoo idil.  Maroodiyadiina abaalcelin ahaan waxay soo jeediyeen inay caws ku cufeeyaan derbiyada gododka madaxkuutiyada si uu kulka u kaydsadaan.

Waxa door weyn ka cayaaray in la heshiiyo madaxda dugaagta oo idil: Sarreeye gaas oo madaxkuuti ahaa oo haddeer dagaal iyo colaad ka towbad keenay, boqorad Bilqiis ee shinnida oo aaragtay in saalada maroodiga ay bacrin u tahay dhulka oo ubaxa si wanaagsan ugu baxayso, iyo Idman. Sidaas ayaa heshiis nabaded uu u noqday shay u dan ah dhammaan khalqiga ku nool jasiiradda.

Idman waxay ogaatay in madaxkuutiyadu ay dagaal ogayaal ahaan jireen oo ay dhammeeyeen dugaagtii kale oo idil, haseyeeshee waxay la labalaabootay sidee baa xusuustan aysan u dhumin nabaddana ay u badbaaddaa?

Waxay dood la gashay sarreeyihii oo haddeer nabaddoon ah, balse arrinkan kuma aysan furin qoladeeda si xiriirka uusan u xumaan. Dembiyadii la galay haddaan la xusuusan mustaqbalka way soo noqon karaan. Nabaddu waxay u baahan  tahay dibuheshiisiin dhab ah iyo in la xusuusto xasuuqii dhacay inta aan la furin bog nabadeed oo hor leh, ayaa ah murtida ay sheekadu xambaarsan tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments