Jamhuriyadda
Maalintii la doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa ka soo wareegatay lixdan (60) maalood. Waxuu jeexday qoorshe boqol maalmood ah oo ku eg August 08, 2022 oo uu doonayoo inuu ku fulinayo ballanqaadyadii uu wacadka ka dhigay – May 12 ilaa 15ka, 2022, kuwaasoo ugu muhiimsanaa:
- Amniga: In Dalka laga xureeyo argaggixisada, waddooyinka magaalooyinka isku xira laga dhigo meel dadka iyo badeecadaha si xor ah isugu gooshaan.
- Waxaa amniga barbarsocda Garsoorka oo u baahan in la askumo Guddi Dastuuri ah, la ebyo shurrucda dhiman oo ay ku jiraan dibuqaabaynta shuruucda dalka.
- Qodabkan waxaan isu keennay laba ballanqaad oo ahaa: “In Dadka sharaftooda iyo karaamadooda la ilaaliyo””, iyo “In muwaaddin fekerkiisa awgiisa lagu cabburin loona cadaadin”.
- Dibuheshiisiin: In dalka ay ka hirgasho dibuhwshiisiin dhab ah oo laba weiji leh: Dibuheshiisiin degaannada (Beelaha) iyo Dibuheshiisin siyaasadda, marka lagu heshiyo Dastuurka. Wejiga hore oo ku salaysa dhaqaankii suubbanaa ee Soomaalida; wadatashi, xeerarkoo la ixtiraamo laguna dhaqmo. Wejiga kale wuxuu khuseeyaa Axsaabta siyaasadeed oo ah halka lagu soo bandhigayo aragtida siyasadeed ee dalka lagu hagayo.
- Hay’adaha Dastuuriga ah iyo Hay’adaha Dowladda: In la abuuro nidaam suuraggelinaya in dadweynuhu ku kalsoonaado hay’adaha aysanna u arkin kuwa u adegayaan dano gaar ah.
- Nidaamka federaalka: In la gaarsiiyo heer degmo iyo heer tuulo. Federaalka waa in xukunka dadka loo dhaweeyo taladooda iyo dantooda.
- Dhaqaalaha: In dakhliga la kobciyo, kharajka dowladda ku tiirsanaado canshuurta iyo dakhliga gudaha. Halka kaalmada dibadda loo igmo horumarka.
- Siyaasadda Arrimaha Dibadda: Waa inay ku qotantaa aragtida ah: Soomaali heshiis ah, dunida heshiis la ah.
- Xorriyadda: Laguma xallin karo qori caaraddiisa. “Ninka Soomaaliga ah waa inuu xor ka ahaado caqliga iyo damiirka, inuusan ku noolaan cabsi marka uu cabbiranayo ra’yigiisa”. Xorriyadda hadalka iyo isu imaatanka dadka uma baahna fasax dowladeed”.
- Aargoosi : Inuusan jiri doonin ka-aargoosi siyaasadeed. “Ma illoobi karno wixii shalay dhacay, balse waan cafin karnaa, waana cafinaynaa Ilaah idinkiisa.” Dadkii siyaasad looga aarsaday oo shaqadooda laga eryay waa lagusoo celinayaa shaqadooda, “Waa waa cusub, bog cusub, iyo meel cusub”.
Qodobka 8aad ee siyaasadda dibadda waxaa muuqata in madaxweynaha uu ku socdo aragtigda uu jeexay oo uu soo celinayo xiriirrada xumaaday. Waxaa laga yaabaa in xiriirka Jabuuti la badbaadin karo, laakinse Kenya iyo Isutagga Imaaraaadka Carabta waa laba dal oo kula dhaqma quursi Soomaaliya misna aaminsan inay haystaan hub [xulufo] ay ku baadi karaan, xirrirkoodana waa wada shuruudo.
Madaxweynuhu waxuu ka dhergsan yahay danaha Kenya iyo faraggelinteeda gurraca ee joogtada. Isutagga Imaaraadkana haddeer bay taagan tahay: “Car Qadar hasoo dhawaato,” sidii shalay ugu xirteen Xukuumaddii hore shardigii ahaa “aniga ama Qadar.”
Indhaha lagama qabsan karo sida Imaaraadku u gashay Yaman oo ay kala dhantashay, furdadeheeda la wareegtay, kana abuurtay meleshiyooyin iyada keliya daacad u ah oo fuliyo rabitaankeeda. Imaaraadka waa dal horror ah oo xakamayntiisa adagtahay.
Xagga amniga waxaad mooddaa in Xasan Shekh uu rabo dhaxal ah inuu noqdo ninkii Soomaaliya kusoo dabaalay nabad iyo amni. Haseyeeshee, amniga ma keeni karo guul sugan hadduusan dalka lahayn hay’ad sirdoon hufan, ka madaxbannaan gacan shisheeye. Hoggaanka gacanta loo geliyay NISA ma aha mid sugi karo inta uu u haysto in hawshiisu tahay aargoosi.
Hay’addu waxay uga baahan tahay madaxweynaha inuu hawl intii hore ka badan uu geliyo. Waxaa muuqata in dhqankeedu ka hor imanayo wacadkuu maray madaxweynaha oo ahaa inaan dowladdiisa ku dhaqaaqaynin aargoosi. Taas waxay halis gelinaysa kalsoonidii iyo garab-istaaggii uu ka heli lahaa dadweynaha waxuuna soo jiidi kara fashal ku yimaad hammiigiisii weynaa.
Falcelinta xamaasadda leh ee dadweynaha waxay soo dhaweeysay tallabooyinka madaxweynaha ku soo celinayay ciidamadii tababbarku u jiray Eritrea, halka meelo badan ay ku muujiyeen sida ay uga welwelsan yihiin aayaha NISA.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.