Jamhuriyadda
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo warbaahinta iyo dadweynahaba isweydiyaan habboonaanta socdaaladiisii hore ayaa safarkiisi afraad ku tagay Jimcihii July 16, 2022 dalka Kenya oo ay wax fara badan naga dhexeeyaan.
Isweydiintu waa wax dabiici ah, sababtoo ah hawlo fara badan oo mudnaan leh ayaa horyaal Madaxweynaha oo ay ka mid tahay dhismaha xukuumaddii fulin lahayd barnaamijkii lagu doortay.
Taa waxaa wehelisa in safarkiisi koowaad oo u ku tagay Imaaradka Carabta ay ku noqotay Soomaali badan mid kedis ah. Halka, safaradii uu kukala tagay dalalka Turkiga iyo Eritrea uu ku helay dhibco aan yarayn.
Waxaa habboon inaan caddayno in dhaqan wanaagsan uusan ahayn in madaxweynaha oo lagu aaminay amuuraha dalka oo idil lagula xisaabtamayo safar kastoo uu u bixitimo. Waxaase habboon kolka hore inaan isweyniinno haddii safarkiisii Kenya uu ku dhacay waqtigiisii?
Bisha August horraanteeda, Kenya waxay u dareeraysaa doorasho guud. Waxaa hubaal ah inuusan awoodin Uhuru Kenyatta oo dhammaystay labadii muddo-xileed ee uu dastuurka u oggolaa inuu u qaado go’aan madaxweynaha soo socda xitaa haddii uu kusoo baxo mid ka tirsan xisbigiisa.
Waxaa la xusuustaa in siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay uga digeen Maxamed Cabdullahi Farmaajo inuu saxiixo heshiis masiiri ah, isaga qudhiisana uu faray xukuumaddii xilhaynta ahayd inaysan la gelin heshiis shirkado ama dowlado kale xilliga kalaguurka.
Waxaa hubanti ah inuusan Xasan Sheekh moogayn arrintani, balse uu u bareeray. Xisaabtankiisa gaasirka ahaa waxaa muujinaaya natiijada arrimaha la moodayey inuu la tagayo Kenya:
- In ganacsiga qaadka oo aad mihiim u ahaa Kenya la dhaafsado wax u qalma oo dalka u baajiya lacagta adag oo ku baxaysa; iyo
- Inay Kenya oggolaato xukunkii Maxakamada adduunka ee soohdinta biyaha badda Soomaaliya.
Qodobka labaad (ii) Warmurtiyeedka la saxiixay kuma xusna xitaa in lasoo qaaday, laakinse wargeysyada Kenya sida The Nation iyo East African waxay sheegeen in arrinkan uu yahay mid khuseeya dowladda cusub ee Kenya. Halka qodobka kowaad ee wax-ku-beddelashada qaadka uu leeyahay sidatan:
“ 6. Waxay kaloo ay ku heshiiyeean inay fududeeyaan, badiyaan noocyada, ayna dallacsiyaan iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha labada dal u dhexeeye. Waxay fareen in si dhakhso ah loo oggolaado suuqaynta kalluunka labada dhinicba [Vice versa] kan Soomaliya [iyo kan Kenyaba], iyo dib-u-billaabidda ganacsiga qaadka (miirowga) ka yimadda Kenya kuna socdo Somaliya, si dhakhso ahna loo dhaqangelyo.”
Inkastoo, afyhayeenka Villa Soomaaliya oo isku dayay inuu itaalka faa’iidada kasii qurxiyo sida ka muuqata warmurtiyeedka haddana dhabtii isweydaarsiga uma eka mid waxtar u leh Soomaliya. Alla nooma gartee, haddii Kenya ay kalluun badan ka soo xaalufiso baddeenna, oo aannnan awood u lahayn ilaaladeeda, riyada soo celinta kaydka lacagta adag maxay noqonaysaa habeenkii xalay ee tegay.
Teeda kale, waxaa wax laga xumaado ah in afhayeenka dowladdeenna uu riyadan noo qurxiyo isagoon waxba ka oran in qaadka, oo dowladda Soomaaliya horey u qiratay inuu yahay maandooriye halis ah, oo xaalufinayo kaydaka lacagta adag ee qaranka, oo aafeeyo qoysaska, uusan ahayn quudka dadweynaha balse ay quudato bulshada inteeda ragga u badan oo hiwaayad ka dhigatay wax qaranka ugu fadhida khasaaro weyn.
Rajdu waxay tahay in dhinaca Soomaalida ee guddiga iskudhafka ah ee labada dal JCC – Joint Comission for Cooperation oo shirkiisa hore lagu qaban doono Xamar bisha soo socoto uu ku doodo wax guul leh.
Ma aha in la saluugayo muhiimidda wannajinta xiriirka deriskeenna ama xadka in la furo, taasoo naruuro u ah Soomaalida labada dal deggan, iyo fiisaha oo la fududeeyo inkastoo arrimahan ay yihiin mindi daabkeeda ku jiro gacanta Kenya.
Horta waxa xiriirka labada dal silciyay ma aha Farmaajo balse waa kibirka, quursiga, iyo faraggelinta Kenya ay ku hayso Soomaaliya oo ay u aragto dal maquuna ah oo la saluugo. Aragtidan oo ka duwan midda madaxweynaha uu qabay oo aad moodoo inuu hankiisa ahaa in la saxo gef laga galay Kenya oo ah aragti caad ka saarayso dadka ujeeddada dhabta ah.
Waxaa lagu han weyn yahay in safarrada madaxweynaha ay noqdaan kuwa si habsami ah loo qorsheeyay, waqtigoodana ku dhaca misna suraggeliya ujeeddada laga lahaa.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.