Jamhuriyadda
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii July 21, 2022, martiqaad gaar ah ku tegay Shir Madaxeedka 22aad ee Waddamada Bariga Afrika (EAC) oo lagu qabtay Arusha (Tanzania) oo ah xarunta isbahaysiga. Ururka waxaa ku bahoobay dalalka Kenya, Tanzania, Uganda, Rwanda, Burundi, South Sudan iyo DR Congo oo mar dhow albaabka loo furay.
Khudbad uu Xasan Sheekh u jeediyay madaxweynayaasha ayuu ku soo bandhigay inay Soomaaliya dhab ka tahay ku biirista koox-goboleedka. Ma aha markii ugu horraysay oo Soomaaliya isku daydo inay ku biirto ururuka. Codsigeeda ayaa taagnaa tan March 6, 2012, waxayna dib u cusboonaysiisay 2019 iyadoo had iyo jeer looga xaglinayay dalal kale.
Oggolaashaha Koonfurta Sudan waxuu u muuqdaa mid indhaha laga qabsaday shuruudaha EAC oo ay ka mid yihiin: Ku dhaqanka mabaadi’da maamul-wanaagga, dimoqraadiyadda, dhowrista sharciga, ilaalinta xuquuqda aadanaha, caddaalada bulshada; iyo hirgelinta dhaqaale la jaanqaadi kara wax isweedaarsiga suuqa.
Walow, loo tixgeliyay arrimo ay ka mid yihiin shidaalka ay qani ku tahay, haddana Koonfur Sudan kuma soo bixin sidii la filayay, waxayna ku dhacday meerto xasillooni darro siyaasadeed, iyo mid dhaqaaleba.
Shaki kuma jiro, in Soomaaliya ay saamayn ku yeelatay sanadihii ay ku jirtay hubanti la’aan ka dhalatay doorashadii raagtay. Balse, DR Congo oo dhawaan ooda laga qaaday lafteedu kuma ammaanna xasillooni siyaasadeed iyo mid amniba. Xisbiga madaxweynihii hore Joseph Kabila ayaa weli gacanta ku hayaa qaybo ka mid ah dowladda, dalkuna waxuu maaro u leeyahay 120 kooxood oo hubaysan.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynayaasha Soomaaliya iskuma dayaan inay dadweynaha u fasiraan tillaabooyinka ay qadanayaan. Xasan Sheekh wuxuu tilmaamay inay Soomaaliya ku soo biirin doonto “guuto” ganacsadayaal hawlkar ah oo ay ka faa’iidaysteen dalalka Kenya, Tanzania, iyo Uganda.
Sideedaba, hantida iyo raasamaalka waddaniga ah ma hoggaamiyaan horumar haddii aysan helin xasillooni siyaasadeed, ammaan, kaabayaal dhaqaale iyo xeerarka lagama maarmaanka u ah hawlaha maalgashiga fududeeya.
Xasan Sheekh wuxuu ku faanay inay Soomaaliya leedahay xeeb dheer iyo bad qani ku ah khaydraadka dabiiciga ah oo horey u dhigi doono dhaqaalaha isbahaysiga ee loo yaaqaan “buluugga”.
Badda iyo xeebta dheer oo cambaartoodu tahay burcad badeed iyo dacwad gaartay Maxkamadda Adduunka, misna dowladdii Maxamed Siyaad kaddib aan mashaariic horumarineed laga hirgelin (inta aan ka ahayn Berbera oon faraha ugu jirin DFS), tababbar farsamedeedna aan loo fidin dadkii khayraadka soo saari lahaa waxa laga sheegaba waa riyo iyo dhalateed iyadoon horta la diyaarin hawlaha loo baahan yahay.
Teeda kale dhammaan waddamada EAC waxay u badan yihiin kuwo leh adeegyada latalinta iyo hindisaha (Consultancy), waxbarasho sare oo tayo leh, warshadeeyana alaabta dhismaha, mirahaa beeraha, iwm. Halka Soomaaliya waxayda oo idil joogaan alif-waxmale. Taas miyaysan micneheeda ahayn, dalku suuq ha u noqdo xubnaha kale iyagoon canshuur bixinaynin?
Waxaa maragmaddoonta ah in Soomaaliya aysan diyaar u ahayn inay ku biirto isbahaysiga EAC. Waxaa muuqata inaysan madaxweynayaashii arjiyada gudbiyay aysan ku samayn daraasad cilmiyaysan dheefta ama dhibta lagala kulmi karto ku biiridda isbahaysiga. Mashruuc aan laga baaraandegin ma noqon karo mid haakaalle lagu yiraahdo, balse waxaa u dambayn doonto inuu ku bakhtiyo meeshuu ka billowday.
Tobankii sanadood ee la soo dhaafay, Soomaaliya waxay dib ugu soo laabatay xeendaabkii dowladnimada, waxaa laga helay baddeeda shidaal, waxayna u ololaynaysaa in Geeska Afrika (Soomaaliya, Itoobbiya, Eritrea, Sudan iyo Jabuuti) uu ka dhasho isbahaysi. Waa arrinkan midka ku kallifaya EAC, gaar ahaan Kenya soo xeraggelinta Soomaaliya si aysan ugu jeedsan Waqooy.
Isbahaysiga seddax-geesoodka Geeska Afrika oo ballaarta waxuu bahweynta EAC kula baratamayaa maalgashiga caalamka, waxuuna saamayn ku yeelanayaa soo dejinta iyo dhoofinta badeecadaha sida xorta ah u dhex goosha dalalka xubnaha ka ah.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.