Saturday, April 1, 2023
Home Dhaqaalaha Nus Qarni Kaddib - Soomaaliya oo Albaabka u Furtay Bankiyada Shisheeyaha

Nus Qarni Kaddib – Soomaaliya oo Albaabka u Furtay Bankiyada Shisheeyaha

Jamhuriyadda

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya (BDS) ayaa shati siiyay labadii banki ee ugu horreeyay oo shisheeye tan iyo wixii ka dambeeyay May 7, 1970, kolkaasoo dalku qarameeyay bunuugta aajnabiga ahayd. Go’aanka lagu fasaxayay bunuugta shisheeye oo ku soo beegmay toddobaadyo uun ka dib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud xilka la wareegay ayaa hadal hayn dhaliyay.

Dadka soo dhaweynaya fasaxa ayaa rumeysan in dalku uusan la dagaallami karin faqri ilaa uu dibedda ka helo raa’sumaal fiican. Halka kuwa ka walwalsan dhaawaca bankiyada shisheeyuhu u geysan karaan hantilayda waddaniga ah ku doodayaan in sharuucda dalka nugushahay khatartooduna ka badan tahay faa’iidooyinka la xiriira.  

Bankiga dhexe waxuu horey u fasaxay ilaa iyo 13 banki oo maxalli ah kuwaasoo qaarkood bixiya adeegga xawaaladaha keliya, halka kuwa kalena adeegyadoodu isku dhafan yihiin. Tirada sii kordhaysa ee bankiyada iyo adeegga isdhaafsiga lacagta moobillada waxay marqaati u yihiin horumarka dalka.

Balse, wixii burburkii ka dambeeyay, dhaqaalaha dalku waxuu u jahaysnaa habka “monopoly,” qaabkaasoo suuqa u gacangeliyay koox kooban xadiday wax la tartama. Haddaba, fasaxa Banque Misr iyo Ziraat Katlim,  waxay qayb ka yihiin dadaalka lagu furfurayo suuqa. Tartanku waxuu guud ahaan kor u qaadi doonaa tayada adeegyada bangiyada.

Intii u dhaxeysay 1960kii iyo 1970kii, dalka waxaa ka hawlgali jiray Banco di Napoli iyo Banco di Roma oo uu Talyani lahaa, National Grindley’s Bank oo Ingiriis (UK) ahaa, iyo midka Masaarada Banque de Porte Saide. Balse Bankiyadii Ganacsiga iyo Amaahda oo uu kacaanka hawlgeliyay waxay muujiyeen in khasaaraha bunuugta dowladdu uu aad u sareeyo, inkastoo  ay gacan ku lahaayeen dhalashada hanti waddani ah.

Maalgashiga mashaariicda waaweyn ee soo maraya bankiyada cusub ayaa la filayaa inuu soo afjaro farqiga u dhexeeya kaydka gudaha (domestic savings) iyo raa’sumaalka dibedda (external capitals). Kayka gudaha waa wixii ka soo hara kaydka raa’sumaalka dalka marka la bixiyo kharashka dibedda wax looga soo iibsay laguna bixiyay.

Haseyeeshee, bunuugta shisheeye waxay sababaan dhibaatooyin aan la xakamayn karin sida la baxsiga hantida qaranka amaseba u fududeynta quwadaha shisheeyaha ku soo qulqulinta xulufadooda gudaha lacago, si ay saamayn xun ugu yeeshaan siyaasadda. Intaba waxaa looga hortegi karaa in dalka leeyahay shuruuc adag, hoggaanka dalkuna uusan faraha la geleyn nidaamka maaliyadda.

Si kastaba ha ahaatee, dalku waxuu ku wajahan yahay ka gudubkii barnaamijka deyn cafinta dalalka saboolka ah ee loo yaqaan “completion point.” Tan iyo Juun 2013kii, ayaa IMFta ku hawlanayd dibuhabaynta nidaamka maaliyadda iyo lacagta. Soomaaliya waxay diyaar u tahay in lala ganacsado.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Five Tips for Cardiovascular Patients Fasting During Ramadan

By Daily Sabah Those who suffer from cardiovascular diseases can fast during Ramadan with the approval of their...

Laas Caanood – Caalamka Ma ka Hortagi Doonaa in Soomaaliya Ka dhacdo Xasuuq?

Jamhuriyadda Xiisadda ka aloosan gobolka Sool ayaa u muuqata mid maalinba maalinta ka dambaysa ka sii dheeraanaysa soo...

Diblomaasiyaddii Sanadka – Riyadh iyo Tehran oo Si Lama Filaan ah u Heshiiyay Toddoba Sanadood Kaddib

Jamhuriyadda Wadahadallo aan loo kala kicin shan maalmood kaddib, ayay Boqortooyada Sacuudiga iyo Iran ku dhawaaqay Jimcihii March...

Xagee Soomaaliya Loo Wadaa – Dimuqraadiyad Xisbiyo Siyaasadeed Lahayn

Jamhuriyadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay March 8, 2023, munaasabadda saxiixa sharciga Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman,...

Recent Comments