Jamhuriyadda
Madaxweyne Xasan Sheekh konton maalin kaddib markii la caleemasaaray, iyadoon weli la dhisin xukuumadda dowaladdiisa, ayuu u bixitimay toddobo socdaal oo badidooda uu ku tagay dawladaha deriska ah. Haddii safarkii uu ku tagay Imaaraadka kedis iyo amakaag uu ku noqoday dad badan kuwa dalalka Turkiga iyo Eritrea waxay noqdeen kuwa loo riyaaqay.
Mabda’ ahaan cidna ma dhaliili karto dalalka safarrada uu ilaa haddeer ku tagay sababtoo ah dhammaan waa waddamo deris ah ama xiriir sokeeye aan la leenahay. Balse, wuxuu muran ka taagan yahay kala hoorraysiinta booqashooyinka iyo mandaqa ama aragtida ka dambaysa in laga tillaabsado Itoobbiya oo aanu la wadaagno soohdinta ugu dheer.
Sideedaba, diblomaasiyadda waa geed nugul oo hinaasid yaqaan. Xumaashaha xiriirka Imaaradka waxuu ka dambeeyay u jallecidda dhanka Qadar. Waxgarad badan oo Soomaali ah ayaa qabaan in Itoobbiya ay qoonsatay safarrada qaarkood oo weheshaday ragaadidda booqashadeeda oo laga hormariyay Kenya oo ay ka dhexayso tartan sida saameyn daran loogu yeelan lahaa Soomaaliya.
Marka dhaliisha safarka Masar ay aad u saaqday gayiga oo idil ayuu afhayeenka madaxtooyada isku dayay inuu u miciino madaxweynaha isagoo dafiray in labada madaxweyne ay ka hadleen biyaha Niil. Taas waxay ka caraysiisay Masar, waana arrinka keenay in Villa Soomaaliya ay raalligelin ka bixiso.
Falcelinta ugu horraysa oo Itoobbiya kasoo baxday waxay ahayd dibudhigidda safarkii May 24, 2022 uu ku tegi lahaa Madaxweyne Xasan Sheekh iyadoo ku marmarsiinyootay in jadwalka dowladda uu aad u buuxo. Dadka qaarkood waxay ku darayaan inay iyaduna faraggelisay arrimaha gudaha Soomaaliya kaddib markii ay gacansaar la yeelatay maamulgoboleedyo federal ah iyo jahado nidaam diid ah.
Runtii saxaafadda Itoobbiya si rasmiga ah ugama faalloon Warmurtiyeedkii labada madaxweyne ee Qaahira. Haseyeeshee, May 27, 2022 waxay si rasmi ah uga hadlayeen dagaalka Al shabaab: “Al-Shabaab damacoodu waxuu ahaa inay ka gudbaan degaanka Ceelkarri, si ay u gaaraan dhulka jooggiisu sarreeyo ee ka billowday halkaas iskuna xira deegaannada Soomaalida iyo Oromada, iyagoo ku biiraya kooxda Shene.”
Waxaa xigtay, in madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Maxamed Cumar Cagjir oo May 28, 2022, ka warramay guulihii laga gaaray Al Shabaab inuu kusoo celiyay hadal uu ku sheegay degaanka FerFer; kaasoo ahaa “in la sameyn doono aag ka caagan argagaxisada oo ka baxsan degaanka Soomaalida.”
Kaddibna waxuu damcay inuu si qaab daran uu u fasiro ku-xadgudubka dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed waxuuna yiri, “Haddii marka ay weerarka soo qaadayaan la arkayo oo aysan jirin cid wax ka qabanayso, waxay ka dhigan tahay cid daaradda kugu xigta ka imaanaysa oo gurigaaga soo dhagax-tuuraysa maalin walba, ninkii daaraddaas lahaana uu kaa qaban waayo ma soconayso, waa inuu isagu kaa qabtaa kaas, markaa walaalladeen Soomaaliya masuuliyad baa ka saaran arrinkaas inay wax ka qabtaan”.
Inkastoo hadalkani uu ka soo baxay afka Mustafe Cagjar, haddana sida dhabta ah, ishiisa waa Addis Ababa, waana jawaabta Abiy Axmed oo ah “digniin.” Intaas ka badanna waa wax la filan karo.
Ku xadgudubka dhulka Soomaaliya iyadoo aan lagala tashan dowladdeeda waa go’aan aan fududayn oo si sahal lagu qaadan karin. Waa guluf colaadeed oo haddeer afka laga yiri waxna layska tusay.
Xadgudubkaas horey ayuu uga jiray dhanka Kenya iyo Itoobbiyaba, balse midka Addis Ababa aad ayuu u darsaday beryahan kumana eka Liyu booliska.
Tan iyo July 28, 2022 dayaaradaha iyo ciidamada Itoobbiya si joogta ah ayay usoo galaan una duqeeyaan aagagga Bakool, taasoo dowldda JFS ay ka aamusan tahay. Wararka ka imanaya Bakool waxay sheegayaan in Liyu Booliska uu dhibaateeyo shacabka aaggaas.
Madaxweyaha waxaa ku habboon in si hufan uu u qoorsheeyo tallaabo walba iyo eray kasta oo la xiriira diblomaasiyaddiisa oo saameyn ku yeelan kara siyaasadda dibedda ama sababi kara falcelin la qoomameeyo ama soo jiidi kara duufaan diblomaasiyadeed iyo raalligelin xigta.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.