Thursday, September 28, 2023
Home Gudaha Duullaanka Argagixisada ee Itoobbiya Ma Lagu Baraarugi Doonaa?

Duullaanka Argagixisada ee Itoobbiya Ma Lagu Baraarugi Doonaa?

Jamhuriyadda

Hawlgallada Al Shabaab aad ayay u ballaarteen labadii sano oo uu dalka ku jiray marxalad kalaguur ah. Arbacadii 20ka  Juulaay 2022 ayay ku qaadeen duullaan kedis ah saldhigyada ciidamada Liyu boolis ee  Dowlad degaanka Soomaalida Itoobbiya (DDS).

Duullaanku waxuu dhacay kaddib markii argagixisada ka baxisay hawada, dhammaan isgaarsiinta teleefonnada Koonfur Galbeed. Dagaalka oo socday saddex maalin waxuu ka dhacay Yeed, Aato iyo Washaaqo oo dhammaan ka tirtsan gobolka Bakool oo xaduud la wadaaga gobolka Afdheer ee Deegaanka Dowladgoboleedka Soomaalida.

Waxaa laysku raacsan yahay in dagaallada ay ahayeen kuwa argaggixisada ku arbushayeen ciidamada Liyu si aysan ugu suurtoobin inay horstaagaan unugyada u gudbay guduha Itoobbiya.

Sarreeye Gaas Tesfaye Ayalew ayaa u caddeeyay ENA – Wakaaldda Wararka Itoobbiya, inay “argaggaxisada isku dayeen inay maalmo yar gudohooda ka gudbaan shan meelood oo ka mid ah xadka, balse laamaha amniga ay caabbiyeen.” “

Dayaaradaha Itoobbiya ayaa si baahsan uga hawlgaleen dhulka Soomaaliya, waxaana ugu dambaysay duqayntii Coomaad ee degmada Matabaan ay ka fuliyeen Axaddii July 31, 2022. Taas waxay muujinaysa in Itoobbiya aysan u kala baxsanayn laba dal oo seeraha u dhexeeya uu yahay “xad beeneed”.  

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli way ka aamusan tahay ku xadgudubka qayaxan. Malahaa waxaa caado noqotay in cid waliba ay kusoo xadgudubto ciidda Soomaaliya.

Argagixisada waxay ka gudbeen Afdheer (Xadka Bakool) iyo Shabeelle (Xadka Hiiraan). Sida wararka sheegayaan ujeedkooda wuxuu ahaa Ceelkarry, Baale, iyo dhulka buuralayda ah. Dagaalka ka dhacay Yeed, Aato, Shilaabo, iyo Feerfeer khasaaraha labada dhinacba gaaray aad ayuu u weynaa, mana jirto cid madaxbannaan oo soo tirakoobtay.

Mustafe Maxamuud Cumar Cagjar Madaxweynaha Deegaanka Soomaaliya ee Itoobbiya wuxuu July 31, 2022 Barlamaankiisaa ka hor sheegay “in tobanka maalmood oo uu dagalka socday ay Liyu Boolis dileen 600 argagixiso”, inkastoo Tesfaye Ayalew uu July 29, 2022 sheegay tiro intaas aad uga yar.

Maalmo ka hor intuusan duulllaanka billaaban, warbaahinta Koonfur Galbeed waxay tebiyeen in abaabul weyn uu socdo oo cutubya ka trirsan Al Shabaab ay kusoo qulqulayaan gobolka Bakool kuwaasoo ka yimid Tieeglo, Ceel Berde, iwm., qaarkoodna ay ka soo ambabbexeen Jubbaland.

Weriye Abow Asharow oo ay soo tebiyeen Amaandhoorey, Baidoa News, iyo Jugta Culus waxuu ku nuuxnuuxsaday inuu jiro abaabul ka dhan ah Koonfur Galbeed. Wuxuu kaloo ku daray saadaashiisa in haddii la juqjuqeeyo Itoobbiya ay aargoosan doonto. Nasiib darro, maamulka Cabdulcasis Xasan Maxamed Laftagareen oo welwelkiisu yahay sidii uu ugu negaadi lahaa kursiga, dheg jalaq uma siin khatarta.

Warbaahinta VOA waxay kasoo tebisay Duqa magaalada Xuddur inuu ku farxayo inay wadashaqeeyaan Liyu Booliska, wuxuuna soo dhaweeyay aagga aragaggixisada ka caaggan oo ay Itoobbiya damacsan tahay inay ka samayso dhulka Soomaaliyeed. Waxaa fekred taas ka duwan qaba Guddoomiyaha Gobolka Bakool Cabdi Maxamed Toll oo uu dhawaan Laftagareen  ku magacaabay halkii Ibraahim Macallim Nuurow Shine oo ka horyimid muddokorosigiisa.

Cabdi Toll oo aan ku jirin edegta Laftagareen, wuxuu farta ku fiiqay in weerarka Argagixisada uu  si cad u muujinayo fashalka sirdoonka Dowladda Federaalka iyo maamulgoboleedka Jubbaland oo ay ka yimideen badida argagixisada oo in mudda ah lagu tababbarayay (Hargeysa Yarey), iyo  agaggarka Tiyeeglow. Wuxuu kaloo sheegay, in DFS iyo kuwa gobolka KG-ba la ogeysiiyay cutubyada kusoo qulqulayo Bakool.

Sida dhacdooyinkii dambe ay muujiyeen halhayska Soomaali Heshiis Ah, Dunida La Heshiis Ah,  waxuu u muuqdaa mid mudnaanta kowaad aan siin amniga. Warbaahinta madaxbannaan waxay marar badan tebiyeen in hay’adda sirdoonka ay  ku mashquulsan  tahay dabaggalka maamuulkii Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Waxgaradka dalka waxay filaayeen in duullaanka Al Shabaab ee Itoobbiya iyo cawaaqibta dabasocota ay yihiin kuwa lagu baraarugo loona jeedsto amniga si loogu jahaysto sidii loo turxaanbixin laha diblomaasiyada dalalka aan soohdinta la wadaagno.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Soomaaliya: Qareen Dudaaye oo Qaawiyey Hannaanka Caddaaladda 

Jamhuriyadda   Maxkamada Gobolka Banaadir waxaa ka socda maxkamadeynta eedaysanayaal ka tirsanaa shaqaalaha waaxda maaliyadda, iyo socdaalka...

Recent Comments