Saturday, June 3, 2023
Home Diblomaasiyadda Istiraatiijad Abiy Axmed oo ku Wajahan Soomaaliya - Lafa Geri Iyagaa Laysku...

Istiraatiijad Abiy Axmed oo ku Wajahan Soomaaliya – Lafa Geri Iyagaa Laysku Jabshaa 

Jamhuriyadda

Waxaa dhawaannahan soo ifbaxay daldoollada siyaasadaha gudaha iyo tan dibadda ee dowladda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaase kasii daran in labada iin ee siyaasadihiisa ay isku nudmeen oo ay isbiirsadeen marka ay Itoobbiya si xoog leh faraha ula soo gashay Soomaaliya kaddib xaluulashadii Al-Shabaab ee dalkeeda.

Diblomaasiyadda “dabadheer” ee Xasan Sheekh waxay dowladda Itoobbiya ku beertay welwel  iyo cabsi ah inay dalka Masar ka hesho Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) taageero siyaasadeed, iyo saldhig militeri. 

Dhinaca kale, Xasan Sheekh, oo kolkii hore ka gaabiyay dedijinta dhismaha xukuumaddiisa ayaa ku mashquulay xulashadii golaha, xilli Abiy Axmed uu si shanqar la’aan ah u jeexay istiraatiijad saddex weji leh oo ka dhan ah Dowladda Soomaaliya:

1.      Aamusnaan ka caaggan afka oo la kala qaado kana duwan xeeladihii hore ay adeegsan jireen dowladihii isdabjoogay ee Itoobbiya; 

2.     Ku qotonta habdhaqankii laga dhaxlay TPLF oo ahaa addeegsiga “ruuxaanta,” sirdoon goobjoog ah ee aagaagga soohdin la leh Itobbiya. Dhamaan dowlad-goboleedyada waxaad mooddaa in loo askumay dheefaynta Itoobbiya, giddigoodna waxay la wada leeyihiin soohdin ku dhammaato badda;  

3.     Siyaasad ugub ah oo lagu soo koobi karo Lafa Geri Iyagaa Laysku Jabshaa, taasoo  soo gelisay saaxadda dowlad degaanka Soomaalida (DDS) oo fududaynaysa habsami u socodka istiratiijiyada cusub “dareen la’aan.”

Ciidanka Itoobbiya (ENDF, Ethiopian National Defence Force) oo kaashanaya ciidamada cirka ayaa usoo gurmaday kuwa Liyu oo iska caabbiyay Al-Shabaab oo ka soo gudbay gobollada Bakool iyo Hiiraan. Mustafe Maxamuud Cumar Cagjar ayaa ku dhawaaqay in si looga gaashaanto duullaankaas ay  ciidamadiisa samayn doonaan aag ka caaggan aragaggaxisada oo aan ahayn dhulka dowlad deggaanka Soomaalida. 

Dowladda dhexe ee Itoobbiya kama hadlin arrinkan mana faafaahin. Ciidamada Liyu ayaa horeyba uga gudbi jireen xadka waxayna  xaadir ku ahaayeen dhanka Soomaaliya halkaasoo ay ka wateen hawshooda. Waxaase billowday in maamul-goboledyada Galmudug, iyo Puntland ay la galan heshiisyo aysan la socon Dowladda dhexe oo aan aad u iclaamin sida ay u dheceen duullaamadyadii iyo halka ay ka dheceenba.

Itoobbiya waxay horey ugu dirtay wafdi Soomaaliland. Waxaa kaloo Jigjiga laga abaabulay bannaanbaxyo dadweyne oo ka dhan ah dowladda madaxweyne Xasan Sheekh oo dusha laga saaray waxa dhacay oo idil oo ay ka mid yihiin soo xaluulashada Al-Shsbaab iyo siyaasadda ka dhanka ah biyaxireenka GERD.

Wafdi ka isugu dhafan Ciidamada Itoobbiya ee Federaalka iyo kuwa Liyu ayaa yimid bishan billowgedi  Gobolka Hiiraan oo  ay hoggaaminayaan Janan Tesfayew Ayalew[i] oo ka sokow xilkiisi masuul amni,  dhawaan loo xilsaaray isuduwaha taliska nabadsugidda KMG ee DDS oo uu weheliyo taliyaha ciidamada gaarka ah ee DDS janan Maxamed Axmed. 

Wafdiga ujeeddada badan oo ku soo qulqulayay Soomaaliya ayaa wadahadallo la yeesheen saraakiisha hawlgallada dowlad-goboleedka iyo federaalka. Halka taliyaha guud ee ciidamada maleeshiyaadka DDS  janan Cabdullaahi Dheere uu isla maalintaas (2/8/2022) tagay Baydhabo.

Intaba waxaa ka daran, in guddoomiye goboleedka Koonfur Galbeed Cabdilcassis Xasan Laftagareen loo qaaday Addis Ababa kaddib markii loo soo dayaarad military ah si uu masuuliinta dowladda Itoobbiya wadahadallo khusseeya labada dhinac ula yeesho.

Warbaahinta waxay si baahsan uga warbiyeen inay August 4, 2022 deegaanka Farjanno (Hiiraan) waxgaradka iyo odayaal dhaqameedyada beelaha deegaanka ay ugu yabooheen ciidamada Liyu toban (10) neef oo geel ah. Waxaana meesha ka hadlay Suldaan Warsame oo askarta guddonsiiyay neefefkii geela ahaa. 

Isagoo hadalkiisa wata wuxuu yiri waxaan diyaar u nahay  dagaallada lagula jiro Al-Shabaab. Wuxuu kaloo ku nuuxnuuxsaday suldaanka: “Waxaan diyaar u nahay inaan u hurno naf iyo maalba dowlad degaanka Somaaliyeed”, waxuuna guddoonsiyay boqol (100) dhallinyado oo dagaalka  ka qayb qaadata.

Faraggelinta Itoobbiya oo ku wajahneed maamul-gobolledyada ayaa iyadoon laysku shiddayn in la soo maro ama lala tashado Muqdisho ku guulaysatay inay xiriir toos ah la yeelato lana gasho heshiisyo dhammaan maamul-goboleedyada. Waxaa kaloo xusuus mudan in ciidamadda Itoobbiya ku sugan yihiin gobollada badidooda. Waxaa ugu dambayay gobolka Gedo oo ay August 6, 2022 kasoo gudbeen xadka Dolow iyagoo ku socda dhanka Beled Xaawo oo  ay saldhigyo ka samaysanayaan.

Waxaa aad u caddaatay in faraggelinta Itroobbiya si qayaxan ugu tumanayso madaxbaannanida qaranka una gelinayso khatar amniga taasoo gaartay heer aan laga aamusi karin.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.


[i] National Defense Force Deployment Head and Acting Security Command Post Coordinator, Major General Tesfaye Ayalew

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Iftin: The Band that Soundtracked Somalia’s Golden Age

By MEE Correspondent Iftin Band defined an era of post-independence positivity and spread messages about public health and...

Recent Comments