Jamhuriyadda
Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa Axad August 7, 2022 ku ansixiyay 229 cod Golaha Wasiiradda ee uu Ra’iisulwasaare Xamsa Cabdi Barre soo maagacaabay. Codbixinta ay ka qaybgaleen 237 xildhibaan oo soo afjaraysay laba sanadood oo waxqabad la’aan ah ayaa waxaa diideen 7 xildhibaan midna uu ka aamusay.
Markii uu Ra’iisulwasaare Xamsa Cabdi Barre ku dhawaaqay golahiisa oo guud ahaan waafaqsan habqaybsiga 4.5 ayaa furmay buuq ay wadeen siyaasiyiin ay ka mid yihiin xuldhibaanno, madax maamul–gobolledyo, iyo madax- dhaqameedyo siyaasadeeyay arrimaha beeshooda.
Waa gar ah, in muwaaddiniinta oo idil ay ka hadlaan xukuumadda cusub oo iskugu dhafan dad markii hore xil ka soo qabtay xukuumadihii kale duwaan ee dalka soo maray, farsamayaqaanno “technocrat” cusub, iyo 33 xildhibaan oo uu mideeyo “hirgelinta qorshe hawleedkii” dib loogu doortay Xasan Sheekh Maxamuud.
Balse, waxaa “kaaf iyo kale dheeri” ah buuqa kooxda danahooda gaarka ah waxwaliba ka eegaya, iyo bisaylka waxgaradka waddaniga ah iyo anshaxa muwaaaddinka wacyiga leh uga hadleen xukuumadda cusub, kuwaasoo eegayay haddii xukuumadda la magacaabay ay noqon karto mid samatabixin karta dalka oo fulin karta barnaamijka loo dejiyey.
Marka hore bal aannu meel isla dhigno dhawr arrimood oo mihiim ah:
1. Ra’iisulwasaare waxaa magacaaba madaxweyne, sida uu farayo Dastuurka dalka. Waxuu waajibkiisa yahay inuu soo xusho wasiirro ka mid noqda Golahiisa Wasiirrada. Golaha wuxuu dejinayaa isla markaasna fuliyaa barnaamijlka xukuumadda;
2. Golaha Shacbiga ayaa xaq u leh kalsooni siinta ama u diididda xukuumadda.
3. Madaxweynaha magacaabay Ra’iisulwasaaraha, ayaa kala dira xukuumadda marka ay ku fashisho helitaanka kalsoonida Golaha Shacbiga.
Ra’iisulwasaaruhu waxuu soo bandhigay barnaamij hawleedkiisa ku aadan: (1) Arrimaha amniga oo ay qeyb ka tahay dhameystirka hannaanka amniga qaranka iyo la dagaallanka argaggixisada; (2) Garsoor madax-bannaan, (3) Isku filnaansho dhaqaale; (4) Horumarinta arrimaha bulshada; (5) Qabyatirka iyo dhameystirka dastuurka KMG ah; (6)Horumarinta hannaanka federaalka; (7) Dib-u-heshiisiinta; (8) Hirgelinta nidaam doorasho midaysan oo dimuqraaddi ah; (9) Dardargelinta wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland, (10) Maamul-wanaagga; iyo (11) Xoojinta xiriirka caalamiga ah, iyadoo laga duulayo aragtida madaxweynaha ee “Soomaali heshiis ah, dunida heshiis la ah.”
Ra’iisulwasaare Xamza Cabdi Barre wuxuu haystay kalsoonida BF oo la siiyay kaddib marka uu magacaabay madaxweynaha. Haddii aysan jirin wax muujinaya shakhsiyaad ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirrada oo uu soo xushay inay leeyihiin iin Dastuuri ah amase awood qaybsigu khaldan yahay, waxaa bisayl siyaasadeed ah in laga warsugo oo uu goluhu qabsado hawshiisa kaddibna lagu qiimeeyo waxqabadkaas.
Nasiib darro, dood aan bisilayn, laablakac, ama dan gaar ah bursigeeda kama turjumayaan xaaladda aragtida ummadda. Soomaaliya waxay mareysaa marxalad kalagguur ah oo ay siyaasiyiinteedu ku jiraan kuwo u adeegga dano shisheeye amaseba raacda danahooda siyaasadeed ee gaarka ah, iyo kuwa kooxdooda.
Guusha iyo fashalka xukuumadda waxay tunka u saran tahay Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaarahiisa. Iyaguna waxaa la xukumi karaa keliya barnaamijkooda iyo waxqabadkooda oo si xaq ah loo qiimeeyay. Waxaa gef weyn ah in saadaal khaldan, nab siyaasadaysan, iyo qabqablayn lagu carqaladeeyo hannaanka iyo habka masuuliinta lagu aaminay masiirka Dalka ay ku gudanayaan waajibkooda.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.