Saturday, June 3, 2023
Home Gudaha Maxuu Al-Shabaab u Doortay Waqtigan inuu Isku Fidiyo Itoobbiya?

Maxuu Al-Shabaab u Doortay Waqtigan inuu Isku Fidiyo Itoobbiya?

Jamhuriyadda

Duullaankii Al Shabaab ku qaaday bisha  July 2022 Itoobbiya, cawaaqibteeda waxay caadka ka qaadday in cadaawadii soo jireenka ahayd oo u dhexaysay Soomaaliya iyo Itoobbiya ay si dhakhso leh dib ugu soo noolaan karto, kaddib markii uu madaxweyne Xasan Sheekh ku turunturrooday diblomaasiyadda, Abiy Axmedna uusan uga turin.

Afar sano oo ay aagga ka jirtay nabad qosolkujab ah ka dib, waxaa dalka kusoo qulqulayo ciidamada Itoobbiya iyadoo marmarsiinyadu ay tahay tii 2006 iyo tii Kenya ee 2012. Itoobbiya iyado ismoogeysiinayso inay dowlad dhexe ka jirto Xamar (Muqdisho) ayay heshiisyo baalmarsan qaanuunta caalamka iyo maamuuska deris wanaaga la gashay gobollada dalka, waana shariciyadda Abiy Axmed isasiiyay kol haddii Dowladda Federaalka ay maqane tahay, halistuna mahiigaan tahay.

Taniyo maalintii uu dhacay duullanka argagixisada waxay dunida isweydiinaysa su’aal ah: Muxuu Al Shabaab U Doortay Waqtigan Inuu Isku Fidiyo Itoobbiya?

Aftahano badan ayaa isku dayey inay qaadaa-dhigaan afeefyo dhawr ah, haseyeeshee ilaa maantadan jawaab sugan waa la la’ yahay. Walow, afeefya-da laysla dhexmarayay aysan yarayn, balse aanu isku dayayno inaan seddaxda ugu maangal badan dul istaagno:

  1. Ma Al Shabaab ayaa baqdin ka qaaday soo daabbulinta ciidamada ku sugan Eritrea, Turkiga oo kuwo dheeraad ah tababbarayo, Maraykanka oo soo celiyay tababbarkii iyo taakulayntii dalka, magacaabidda Roobow, iwm?
  2. Ma dano shisheeye (geopolitical) ayaa argaggixisada dabada ka riixayay? mise
  3. Al Shabaab ayaa iskood u qaateen inay isku  ballaariyaan Itoobbiya.

Haddii afeeftu noqon lahayd argagixisada ayaa baqday, qoorshuhu wuxuu billowday xilligii kalagguurka oo aysan cabsi ka qabin AMISOM iyo Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) toona. Waa waqtigii sirdoonka Maraykanka uu sheegay inay noqon doonaan ururka ugu weyn ee daacad u ah Al Qaacida – lacag ahaan, iyo dagaallamayaalba, qoorshaynayayna inay galaan dalal hor leh sida Mozambique.

Inkastoo, madaxweyne Xasan Sheekh uu ballanqaaday sugidda amniga dalka, ka guulaysiga argagixisaduna siinayoo mudnaanta kowaad, haddana fulinta barnaamijkaas muddo dheer ayuu qaadanayaa, taas ayaana keenaysa inaysan dowladda dhinaceed ka baqin.

Cunaqabataynta hubka weli lagama qaadin dalka, taasoo adkaynaysa in Xoogga Dalka iyo AMISOM ka guulaystaan argaggaxisada, sababtoo ah waxay heestaan hub isku tayo ah. Sidaas daraddeed, afeefta ma muujinayso sabab ay kaga guuraan mustaqbalka dhow Soomaaliya.

Afeefta leh waxaa abaabulay shisheeye sida “Midowga Yurub amase Imaaraadka” oo ciqaabaya Itoobbiya ama Soomaaliya ma tahay mid maangal ah. Midowga Yurub oo ah haya’ad burooqraadhi ah (bureaucratic) aad ayay ugu adag tahay inay la yeelato gacansaar argaggaxiso.

Doorashada taas waxay noqon lahayd tallaabo qar-iskatuur ah. Haddaba, suuraggal ma tahay in tallaabo ceynkaas ah ay qaadato iyadoo ebyin adeegsiga xeelado kale, sida mucaarid la adeegsado, jabhado la taakuleeyo, cunaqabatayn dhaqaale iwm.

Badanaaba Imaaraadka (UAE) waa duul ku dhaqaaqi kara wax kasta, sida adeegsi calooshood-ushaqaystayaal, maamul-goboleedyo, khaarijin shakhsiyaad, adeegsi lacag si ay u gaaraan ujeeddadooda, halka Qadar ay ku caan baxday la xaajoodka argaggaxisada.

Lagama yaabo in argagixisadu si fudud kalsooni u siiso Imaaraadka oo muddo dheer ka maqnaa saaxadda Soomaaliya. Sidaas daraaddeed, afeefta qabta Imaaraadka oo doonaysa inay ciqaabto Xasan Sheekh oo ay ka heli wayday muraadkeeda oo kaamil ah ayaa dabada ka riixaysa duullaanka argagixisada suuraggal uma eka.

Waxaase dhici karta in Al Shabaab ay duullaanka isa sii ballaarinta u geyso damac maaliyadeed iyo dagaallamayaal. Marka ururka uu guulaysto oo uu dal weyn sida Itoobbiya galo waxuu soo jiidan  karaa dad badan oo fekradda xagjirka uu janjeera, iyo xitaa kuwo kasoo faquuqmo  ururro kale sida Daacish iwm. Teeda kale fidinta aaggooda wuxuu badinayaa dakhliga baadda iyo qaniimada dagaalka.

Taas ayaa ka dhigaysa duullaanka mid la qoorshaynaayay muddo dheer. Waxaa lagu qayaasayaa marka lasoo yareeyo lix ilaa siddeed bilood. In qoorshaha la diyaariyay waqtigii Axmed Cabdi Godane ayaaba suuroggal ah oo gadaashiis masuuliyadda tababbarka iyo fulinta qaateen Axmed Diiriye iyo Cali Diyaar oo labaduba reer Galbeed ah. Sidaas waxaa qaba Cabdi Maxamed Tool (Guddomiyaha Bakool) oo waraysi siiyay Haaruun Macruuf  (VOA 28/7/2022).

U kow ma aha in argagixisada dal kale u gudubto. Waxaa tusaale nagu filan Kenya. Haddii Kenya ay Ciidamo ka jooggaan Soomaaliya ama  gobol Soomaali deggan tahay ka mid yahay dalkeeda, Itoobbiya waxay iyaduna leedahay astaamahaas oo kale.

Itoobbiyada Abiy Axmed waxay ku jirtaa waqti xun oo ay ku furan yihiin dagaallo goboleedyo fara badan iyo mucaarad,  ciidamadeedana waxay ku baahsan yihiin dhul fara badan. Sidaas daraaddeed, waa fursadda ugu fiican oo ay xagjirta haweysan karto isku fidinta dalkaas.  

Afeeftan ayaa u dhaw inay muujiso suuraggalnimada in argagixisadu iskood u qoorshaysteen inay isku-ballaariyaan Itoobbiya oo ah mesha ugu suuraggal badan isku fidintooda. Haseyeeshee, isku dayga duullaanka ay ku taamayeen way qoomameeyeen waxaana ka raacday guuldarro weyn, waxaase ku guulaysteen inay foodda isu geliyay laba dowladood oo jaar ah.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Iftin: The Band that Soundtracked Somalia’s Golden Age

By MEE Correspondent Iftin Band defined an era of post-independence positivity and spread messages about public health and...

Recent Comments