Wednesday, June 7, 2023
Home Siyaasadda Maamulka Muuse Biixi Ma Ku Cibradqaadan la’ yahay Koonfurta?

Maamulka Muuse Biixi Ma Ku Cibradqaadan la’ yahay Koonfurta?

Jamhuriyadda

Bannaanbaxya nabdoonaa oo ay madaxda mucaaradka Somaliland ku dhawaaqeen si xisbiga talada haya “Kulmiye” uu u qabto doorashada madaxtooyada xilligeeda November 13, 2022, ayaa Khamiistii August 11, 2022 isu rogay rabshado kaddib markii boliisku uu adeegsaday rasaas noolnool. 

Warmurtiyeed Boliiska iyo Maamulka Muuse Biixi Cabdi iska soo daba saareen ayay ku sheegeen inay rabshadaha ku dhinteen shan qof, halka mucaaradku uu sheegay inay dhimashadu ahayd lix ruux, seddax Hargeysa ah, laba Burco ah, iyo mid Ceerigaabo ah, iyadoo dhaawucu kor u dhaafay boqol.

Wakiillada xisbiyada mucaaradka – Waddani iyo UCID – ayaa August 7, 2022 qoraal ku ogaysiiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha codsigooda fasaxa dibadbaxyada. Laba maalmood kaddib ayay Wasaaraddu warsaxaafadeed ku sheegtay xilliga iyo goobaha xaddidan ee lagu qaban karo bannaanbaxyada.

Ka hor bannaanbaxyada ayuu Wasiirka Gudaha Maxamed Kahin ku eedeeyay musharraxa madaxweynaha ee xisbiga mucaaradka Cabdiraxmaan Cirro inuu lug ku leeyahay askar laga soo abaabulay Muqdisho. Cabdiraxmaan Cirro oo iska seyray eedaynta ayaa isna sheegay in waxa uu sheegayo ina Kaahin ay yihiin been aan sal iyo raad toona lahayn.

Xuddunta ismaandhaafka ayaa loo aaneeynayaa inay tahay wadahadallada cakiran ee doorashada madaxweynaha iyo xisbiyada siyaasadda Somaliland. Muranka ayaa bilawday kaddib markii maamulka Muuse Biixi ku adkaystay in la qabto diiwaangelinta iyo xulashada xisbiyada siyaasadda cusub  lix bilood ka hor inta aanu dhamaan waqtiga (December).

Dabinka arrinkan ku nudan ayaa ah aqbalidda xulashada xisbiyada cusub waxay keenaysaa in doorashada madaxweynaha dib loo dhigo; taasoo la mid ah mudda-xileed kororsiin. Sidaas daraaddeed ayay mucaaradka u arkeen hormarinta xulashada xisbiyada hor leh inay tahay xujo dabada ku wadata muddo-xileedka madaxweynaha oo la kororsaday. Muuse Biixi iskuma hubin in isaga iyo xisbiigiisaba (Kulmiye) ku guulaysan karaan doorashada, balse rajadu tahay in xisbiyada cusub laga helo xulafo.

Walow, indhaha caalamku ay soo jiiteen horumarka nabadaynta bulshadaba iyo xasilloonida siyaasadeed ay Somaliland ku tallaabsatay, haddana rabshadaha Hargaysa, Burco iyo Ceerigaabo ee dhiigga ku daatay ayaa ku soo beegmay xilli wafdi Mareykan ah uu booqanayo gobolka. Taas waxay soo deddejisay in beesha caalamku cambaareeyaan adeegsiga xoogga uguna baaqdaan siyaasiyiinta Somaliland inay wadaxajood wax ku ool ah ku dhameeyaan qorshe-hawleedka doorashada.

Inkastoo, xisbiga Kulmiye ee talada haya iyo madaxda xisbiyada mucaaradka Waddani iyo UCID isku dayeen inay wuxuun meel isla dhigaan, haddana dadaalladaas wax natiijo ah ma dhalin. Xisbiyada mucaaradka Waddani iyo UCID ayaa ku doodaya inaysan xulasho xisbiyo cusub dhici karin ka hor in tan madaxweynaha oo xilligeedu ku aaddan yahay November 13, 2022.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo aaminsan inay weli jirto fursad wadaxaajood ayaa ku booriyay hoggaamiyayaasha siyaasadda Somaliland inay dib ugu soo laabtaan miiska wadahadallada. Dhowr dhexdhexaadin oo ay garwadeen ka ahaayeen odoyaal iyo guddoonka baarlamaanka Somaliland ayaa miro dhali waayay.

Marka laga yimaad fara isku fiiqa labada dhinac, dhibaatada dhabta ah ee Somaliland ayaa waxay u muuqata inay sabab u tahay hoggaanka gaboobay ee gurtida oo aan awood u lahayn in si madaxbannaan uu u dhaqangeliyo heshiisyada dhexmara xisbiyada mucaaradka iyo maamulka Muuse Biixi.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Soomaaliya – Doorashada Dowladaha Hoose ee Puntland oo Xiisad Siyaasadeed Abuurtay!

Jamhuriyadda Shacabka ku dhaqan maamul goboleedka Puntland ayaa cashar siyaasadeed u dhigay qawlaysatada siyaasadda, kaddib markii ay u dareereen...

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Recent Comments