Jamhuriyadda
Doorashadii guud ee Kenya oo la qabtay August 9, 2022 ayaa ka mid noqotay doorashooyinkii muranka badan ee dalkaas, kaddib markii Guddoomiyaha Guddigii Doorashooyinka Madaxabannaan (IEBC) Wafula Chebukati ku dhawaaqay August 15, 2022 in William Ruto uu si dirqi ah (50.49%) ugu guulaystay tartanka, iyadoo inta badan guddiga uusan ku raacsanayn.
Sideedaba, ku guulaystaha doorashada wuxuu u baahan yahay inuu la yimaad ugu yaraan in ka badan 50% codadka guud. Raila Odinga oo markii 5aad u tartamay madaxtinimada ayaa helay boqolkii 48.85 keliya. Isbahaysigiisa ayaa gebi ahaanba diiday natiijada, una muuqdaa mid aadi doono maxkamadda.
Kala qaybsanaanta guddiga ayaa carqalad hor leh gelinaysa dimuqraadiyadda dalkaas oo weligeedba dhaqan u ahayd rabshado iyo cagajugleyn fool-ka-fool ah. Odinga ayaa kolkaani maleeynayay inuusan seegi doonin madaxtooyada Kenya kaddib markii uu xulufaysi siyaasadeed la yeeshay Madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Kenyada maanta waxay tii hore kaga duwan tahay in colaaddii qawmiyadaha ay yaraatay. Taas waxaa daliil u ah in labada musharraxba ay ka heleen codad qomiyado kala duwaan. Xilligan dadweynaha Kenya, gaar ahaan dhallinyarada ayaa dib u qeexay siyaasadda, kaddib markii ay awood u yeesheen inay sanduuqa codbixinta ku beddelaan isbahaysigii ku qotomay shakhsiyadda (reer Kenyatta, reer Odinga, iwm.) iyo qowmiyadaha iska soo horjeeda.
Qowmiyadda Soomaalida oo degta gobolka Waqoy Bari, Kenya ayaa u kala codeeyey labada musharrax. William Ruto oo intii uu ololaha doorashada ku jiray tagay gobolkaas ayaa Soomaalida u ballanqaaday saddex shay inuu wax ka qaban doono:
- Cunsuriyadda ka haysata xagga warqadda aqoonsiga sharciga sida “Kipanda iyo Baasabboorka”;
- Dilka sharcidarrada ah iyo dadka la waayo; iyo
- Dhisimaha waddooyin isku xira degmooyinka waaweyn ee gobolka.
Dhinaca kale, waxaa soo baxday in codbixinta afti u ahayd dhaqaale, musuqmaasuqa, iyo xasilloonida qaranka. Waxii ka dambeyay aafadii Covid-19, dowladda Kenya waxaa ku adkaatay sidii ay u heli lahayd ilo dhaqaale. Sidoo kale, dagaalka Yukrain, qiimaha shidaalka oo cirka isku shareeray, iyo sicir bararka maciishadda waxay saamayn xun ku yeesheen dadweynaha danta yar.
Madaxda dalalka gobolka, gaar ahaan Itoobbiya iyo Uganda ay si degdeg ah ugu hambalyeyey madaxweynaha la doortay, halka Uhuru Kenyatta, oo xiriirka kala dhexeeya William Ruto uu hareeyay xiiso, uu ilaa maanta ka aamusan yahay natiijada doorashada.
Waxyaabaha la yaabka ah ee laga calaameeyey doorashadan ayaa ah in gobolka Meru ee uu qaadka ka baxo uu ku guulaystay Ruto. Isbahaysiga Uhuru – Odinga waxba kuma dheefin fasaxidda ganacsiga qaadka ee uu la soo degdeggay Xasan Sheekh Maxamuud.
Ilo wargaleyn ah ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu la shiray Raila Odinga, oo uu mooday inuu doorashad ku soo bixi doono, iyadoo ay suubanaan lahayd inuu dhexdhexaad ka ahaado arrimaha dalka jaarka ah. Dabcan William Ruto kuma faraxsana wixii ka dhacay Nairobi, waxaana soo ifbaxaysa inuu codsaday in dib loo dhigo safarkiisa.
Inkastoo, arrinka cawaaqib uu ku yeelan karo xiriirka labada dal, haddana ka daba taga gebidhaca diblomaasiyadeed waxay wax ka teri doontaa is-aaminaadda. Siyaasadda dibedda ee Kenya ma aha sida tan Soomaaliya ee aan weli salka dhigan, waxaana loo malaynaayaa in William Ruto uu Soomaaliya ku handidi doonin Somaaliland sidii Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga. Waa dhif inuu waddan Afrikaan ah uu khilaafo mabaadii’da Midowga Afrika.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa soo ifbaxday in haddii dadku helo fursad codbixin oo xur ah ay soo saari karaan siyaasiyiin heysta kalsoonidooda. Natiijada lama filaanka ah ee doorashada Kenya, waxay siyaasiyiinta qaaradda Afrika u diraysaa fariin ah in la joogo xilligii isbeddalka, iyo isla xisaabtanka.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.