Thursday, September 21, 2023
Home Dib U Eegis Buug Salman Rushdie – Dhibbanaha Siyaasadda Isla-Weynida Galbeedka

Salman Rushdie – Dhibbanaha Siyaasadda Isla-Weynida Galbeedka

Jamhuriyadda

Waxaa la filayay in Islaan-nacaybka dawladaha qarbiga u yihiin horseed uu sii yaraado, balse kaddib iskudaygii dilka Salaman Rushdie ee August 12, 2022 ka dhacay gobolka New York, waxay haddana warbaahinta qarbiga si wadatay olole oo looga dan leeyahay inaan la siiddayn fursad kasta ee Islaan-neceebka oo la heli karo. Sidaas daraaddeed waxaan jeclaysannay inaan la socodsiinno akhristayaasha da’da yar ee wargeyskeenna meesha uu hayaanka Islaan-neceebka ah laga soo durduriyay loona yeelo lugo iyo baalal.

Axmed Salmaan Rushdie wuxuu ku dhashay 19 June 1947 Mumbay, Hindiya. Wuxuu ka dhashay qoys reer Kashmiir ah oo muslin ah, aabbihiis sida Axmed Salman uu sheegay wuxuu u doortay Rushdie xushmo uu qabay faylasuufka musklinka ah Ibn Rushd oo ku noolaa Andalusia, Spain iyo Maghrib.

Wuxuu waxbashadiisa hore ku qaatay Mumbay  kaddibna wuxuu dugsi sare ka dhigtay Rugby, Warwickshire, England iyo Jaamcadda Cambridge sida aabbihiisa oo qareen ahaa. Afar haweeney buu guur la galay laba wiilna wuu dhalay. Sannadka 2000 wuxuu degay Maraykanka, New York City.  Qoraaga intuusan caan noqon waxuu ka shaqayn jiray xayaysiinta badeecadaha.

Buuggiisa sheekada (Novel) ah ee 2ad Misdnight Children oo la xiriira Hindiya  ayuu ku galay adduunka buugaagta, wuxuuna helay abaalmarinta Brooker Prize. 1987 wuxuu ka qoray dalka Nicaragua bug aan sheeko ahayn The Smile of the Jaguar, a Nicaraguan Journey oo aad u wanaagsan.

Haddi buugga Midnight Chidren  uu ka dhigay qoraa can ah bugga The Satanic Verses (1988, Aayadaha Shaydaanka) , oo ahaa sheekada (Novel) ee 4aad,  wuxuu u soo jiiday carada adduunka Muslinka ah iyo fatwa dil ah  oo uu bixiyay Ayatullaah Khumeyni ee Iran (1989).

Fatwada kaddib Salman Rushdie wuu ka baxay nolosha caadiga ah  isagoo gaar laga hayo cabsina ka qabo in la fuliyo fatwada. Wuxuu noloshaas qarsoodi ah ku noolaa wax ka bada toban sano. Dhowr jeer ayaa laysku dayay in wax la gaarsiiyo. Waxaa ugu dambaysay bishan August 2022 oo la gaarsiiya dhaawacyo caloosha iyo surka oo naftiisa aad halis u gashay. Buugaagtiisa waxaa laga faafreebay waddamo badan,waxaana ugu horreyay dalka Hindiya. Qaar u tarjumay buugga afaf kale ama waa la dilay ama dhaawac haklis ah ayaa gaaray.

Intaanaan ka faalloon buugga Aayada Sheeydaanka, waxaan isku dayaynaa inaan ifinno habka qoraalkiisa. Run ahaantii akhriska buugaagtiisa ma aha mid sahlan. Wuxuuna qoray buugaag sheeko iyo shaahidba leh, qaar ka mid ah waxay ku salaysan yihiin ama u qoran yihiin qaab sheekoxariir,  qoraalkiisuna waa tiraab.

Salmaan Rushdie wuxuu wax ku qoraa afka Ingiriiska oo uu aad u yaqaan. Haseyeeshee, wuxuu qoraayaal fara badan kaga duwan yahay adeegsiga habab sito tabo badan.

Suugaanta Salmaan Rushdie waa mid sarbeeb aysan ka maqnayn kuguna duwaysa inaad aragtid ujeedka daahsoon oo ah murti, taariikh ama siyaasad. Waxaa kaloo qoraalladiisa aan ka maqnayn malawaal iyo in loo dhigo qoraalka wax laga badbadiyay oo xambaarsan dhaliil iyo saluugid ama ku maadaysi oo badanaaba loo adeegsado siyaasad ama siyaasiyiin waqtiga qoraalka  jira balse isaga uu adeegsaday xitaa waxyaabo taariikhi ah . Jilaayayaasha sheekooyinkiisaba qaarkood sida kuwa Aayadaha Shaydaanka waa dad ka fog dhabta, maangalka, una dhaw sheekabaraley.

Buugga Aayadaha Shaadaanka (The Satanic Verses, 1989)

Labada jilaa ugu mihiimsan dhalashadooda waa Hindi reer Biritin ah waxayna kala yihiin Jibriil Farishta  (Gibreel Farishta)  oo jilaa filim ah iyo Salaxdiin Chamcha (Saladin Chamcha) oo jilaa cod ah. Waxay  isku arkaya dayaarad London u socota oo cirka lagu qarxinayo misna  labadooda keliya ka badbaadayaan shilka. Jibriil waa nin maskaxda ka buka halka Salaxdiin uu aabbihii la diriray.

Shilka kaddib Jibriil wuxuu isu malaynayaa inuu malagga Jibriil yahay wuxuuna arkaya riyooyin. Dadka iyo sheekada buugga waa kuwa maldahan balse ma dhib badna in ujeeddadiisu ay tahay Nabiga CSS iyo Diinta Islaanka; magacyada uu adeegsadayna waa: Mohound  oo ah nin rabo inuu askumo diin Ilaaheedu hal yahay meeshana  waa  Jahilia  oo ah magaalo deggan yihiin dad ilaahya badan caabuda, iwm halka magacyada afooyinka Rasuulka la garan karo.

Riyooyinka Jibriil waxaa ugu daran midda hore oo la xiriirto in   Mohound loo fasaxayo in uu iska oggolaado saddex ka mid ah ilaahyada reer Jahilia ay caabudaan (Waa sanamyadii Lata, Cuzza, Manat oo ay Qureyshtu caabudi jireen).

Goor dambe ayuu garanayaa in taladan ay ka timid Iblays markaas ayuu Mohound ka noqonayaa isagoo ku adkaysanyo in Ilaah lala sharaakayn karin sanamyo iyo ilaahya kalo oo been ah. Waa halkan meesha uu ka yimid magaca buugga oo ah Aayadaha Shaydaanka.

Muddo kaddib Jahilia dadkeeda waxay raacayaan Mohound aan ka ahayn nin xertiisa ka mid ahaa.

Waxa kale oo laga caroodo oo buugga ku jira waa in magalada ku yaal guri naagaha jirkooda gata; kuwaasoo tiradooda iyo magacyadoo laga garan karo inay dhaajinayaan afooyinka Nabbigeenna suubbanaa. Ninka Mohound xertiisa ahaan jiray muxuu jeclaa inuu la tunto midda ugu da’ yar oo magaceeda alkhristaha ka garan karo qofka looga jeedo. Maaddaama reer Jahilia ay raaceen Mohound gurigaas waa la xirayaa.

Runtii buugga wxuu u qoran qaab iyo hab aan wanaagsanayn oo xitaa u ekayn qoralladiisa kale. Waa Satire [Qaamuuska Cawil A. Xaashi ku qeexay: foorjo laga saaro qof  oo doqonnimadiisa muujinaysa].

Waxaase la yaab leh in ruux ka dhashay qoys muslin ah misna ka soo jeeda wilaayad muslinkeeda la muquuniyo -waa Kshmiir- inuu sidaas ugu bareero inuu diinta Islaanka u jaa’ifeeyo. Wargeys toddobaad lah ah oo kasoo baxa Milan,  wuxuu soo tebiyay in buugga dadka Milan oo  gatay aysan badidooda akhrisan inta akhris isku daydayna 80% aysan dhammeyn.

Buugga ma aha mid akhristaha soo jiidanayo, waxa uu ka sheegaya Islaankana uma qorna hab asluub leh, balse waa hab ka baxsan anshaxa bani-aadanka oo idil.

Sidaasoo ay tahay buugga waxaa la siiyay abaalmarinno, welina waa lagu buunbuuniyaa dalalka qarbiga.

Waxa keliya la malaysan karo oo ku kallifay Salman Rushdie inuu qoro bugga laga yaabe inay tahay magac-doon, sababtoo ah wuxuu ogaa in  inta neceb Islaanka ay ka faa’idsan karaan oo isna dhexdooda ku yeelan karo magac iyo muuno. Waana waxa dhacay. Haddaad eegto waxa abaalmarin, magacyo, iyo billado la xambaarsiiyay Salmamn Rushdie  waa marka uu qoray buuggaas kaddib.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Soomaaliya: Qareen Dudaaye oo Qaawiyey Hannaanka Caddaaladda 

Jamhuriyadda   Maxkamada Gobolka Banaadir waxaa ka socda maxkamadeynta eedaysanayaal ka tirsanaa shaqaalaha waaxda maaliyadda, iyo socdaalka...

Recent Comments