Wednesday, June 7, 2023
Home Siyaasadda Maxaa Qabsoomay - Boqolkii Maalmood ee Dowladda Xasan Sheekh?

Maxaa Qabsoomay – Boqolkii Maalmood ee Dowladda Xasan Sheekh?

Jamhuriyadda

Xasan Sheikh Maxamuud oo noqdo hoggaamiyihii ugu horreeyay taariikhda oo mar labaad xilka qaranka qabta ayaa May 23, 2022 u buuxsantay boqolkii maalmood ee ugu horreysay xilhayntiisa.  Waxuu ballanqaaday inuu ka shaqayn doono fulinta toban qodob oo ay ka mid yihiin, sugidda amniga, xasillooni siyaasadeed, dib usoo kabidda dhaqaalaha, dhamaystirka Dastuurka, iyo shuruucda dalka looga baahan yahay.

Kolka hore, waxaa xusuus mudan in marka xukuumad hor leh ay talada la wareegto inay dadweynaha usoo bandhigto barnaamij faafaahsan oo taabanaya dhammaan waxay fulin doonto iyo habka ay u fulin doonto. Warbaahinta uma aysan suuraggalin inay aragto barnaamij dowladda Xasan Sheekh, waxayna u badan tahay inuusan jirin.

Marka la eego habka ay hawlaheeda u gudanaysay dowladda Xasan Sheekh, inta aan Ra’iisalwasaaraha uusan dhisin xukuumad, waxaa soo muuqanaysa inuu madaxweynaha ku dhaqmayay hab ah “ficil uusan la socon qorshayn (improvisation),” welina lagu socdo.

Waxaa maragmaddoonto ah in ficil kasta oo lagu dhaqaaqo yeelan karo falcelin. Waxaase la yaab leh in dowladda Xasan Sheekh aysan  habayaratee xal u doonin  falcelinta taban ay sababeen tallaabooyinka ay qaadday. Tusaale, socdaalka madaxweynaha ee Masar waxuu sababay in Itoobbiya oo aan shan sano soo farggelin dalka kala furfurto dawlad-goboleedyada iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa xusuus mudan in xiriirka maamul-goboleedyada iyo madaxweynaha uu ahaa malab iyo caano doorashadii kaddib. Dabcan ma cudurdaari karno in maamul-goboleedyada ay hoos galaan dal shisheeye kuna kacaan waxyaabo uusan u fasaxaynin Dastuurka dalka.

Xasan Sheekh wuxuu ballanqaaday inuu sixi doono dhaqankii madaxweynbihii hore, balse natiijada waa inuu maanta fadhiyo qurac ka har liita kii Maxamed Cabdullahi Farmaajo marka laga eego xiriirka gobollada.

Haddii arrinka maamul-goboleedyada oo xasillonida siyaasadeed door weyn ka cayaari lahaa uu jidkaas maray, waxaa iyaduna maragmaddoonto ah in weerakii Al Shabaab uu ku qaaday hoteelka Xayaat iyo sida loo maareeyay ay muujiyeen guuldarraada haysata amniga.

Waxaa la yaab leh in dowladda Xasan Sheekh si kedis ah u shaacisay dagaal dalka looga xuraynaayo Al Shabaab, iyadoo hoggaanka sare ee ciidamada uu sugayo goorta laga xayuubi doono xilka. Haddaba, sidee hoggaamiye rahman ugu guulaysan karaa dagaalka aragaggaxisada?

Intaba waxay muujinayaan in dowladda Xasan Sheekh ay ku liidato dabaggalka hawlaha qabyada ah iyo xallinta mashaakilka ay sababtay gabidhacyadeeda.

Arrimaha dhammaystirka Dastuurka, hawlaha diyaarinta doorashada Qof iyo Cod, dhammaystirka shuruucda dalka, iyo habaynta garsoorka, oo madaxweynaha ku magacaabay inay yihiin qabyadii mudda-xileedkiisi hore, iyo dibuheshiisiinta ah alifka halhayska “Soomaali Heshiis ah, Addunkana  Heshiis la ah”, iyo kuwa kale oo ay ka mid yihiin gurmadka abaaraha fari kama qodna mana muuqdo qoorshe loo diyaariyay.

Walow, aan laga filan karin in madaxweyne dib loogu doortay dal nugul uu boqol maalmood ku soo bandhigo guul dhammaystiran sida dunida hormartay, haddana Xasan Sheekh waxuu dhibco ku helay inuu wax ka beddelay habdhaqan siyaasadeedkii soo xulashada ra’iisulwasaarayaasha u gacan bidixayn jiray gobollada qaarkood.

Waxaa iyaduna u muuqda hidde suubban oo dib u soo laabtay in konton sanadood kaddib xukuumadda lagu dhiso wax u muuqda isbahaysi xisbiyo (UPD iyo Daljir), inkastoo taas lafteedu ay madaxda maamul-gobollada Galmudug iyo Koonfur-Galbeed u muujisay colaadin hor leh markii Golaha Wasiirada loo soo xulay siyaasiyiin ay takoorayn.

Waxay maanta warbaahinta dalka badideeda iyo waxgaradkaba isku raacsan yihiin in boqolka maalmood wax la taaban karo oo haakah lagu yiri aysan ka soo naasa-dhiiqin dowladda Xasan Sheekh Maxamuud, walow aan la qiimayn karin Xukuumadda Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre oo muddo yar ka hor la ansaxiyay.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Soomaaliya – Doorashada Dowladaha Hoose ee Puntland oo Xiisad Siyaasadeed Abuurtay!

Jamhuriyadda Shacabka ku dhaqan maamul goboleedka Puntland ayaa cashar siyaasadeed u dhigay qawlaysatada siyaasadda, kaddib markii ay u dareereen...

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Recent Comments