Wednesday, June 7, 2023
Home Gudaha Hangalleys Siyaasadeed - Socdaalkii Madaxweyne Xasan Sheekh ee Garoowe

Hangalleys Siyaasadeed – Socdaalkii Madaxweyne Xasan Sheekh ee Garoowe

Jamhuriyadda

Boqol maalmood kaddib xil la wareegistii ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud booqasho dhowr maalmood qaadatay ku tegay Garoowe Khamiistii August 25, 2022. Socdaalka oo aan warmurtiyeed rasmi ah ka soo bixin ayaa hadalhayn dhaliyay.

Safarka Puntland oo ahaa kii seddexaad ee uu madaxweynuhu dalka gudihiisa ku maro ayaa ku beegmay xilli maamul-goboleedyada u kala firxadeen Itoobbiya oo si toos ah ula gashay heshiis dhowris nabad soohdin, iyadoo aysan la socon dowladda dhexe.

Siciid Cabdullahi Deni oo doorashadii dalka ku musallifay – dhaqaale iyo shacbiyad ahaanba ayaan la xishoon caradiisii, garoonkana kaga tegay madaxweynaha oo salaamaya mas’uuliyiintii soo dhaweysay. Sidoo kale, saraakiil maamul-goboleedka ah oo ibagujeynaya dowladda dhexe ayaa si hordhac ah u faafiyay in wadahadalladii labada dhinac aan wax horumar ah lagu gaarin.

Laba maalin ku dhawaad ayuu madaxweynuhu ku jiray hangalleys mana la siin fursad uu ku qaabbilo dadka Deni ka aragtida duwan iyo xitaa isimada gobolka. Qodobbada loo malaynayo in laga wadahadlay waxaa ka mid ahaa:

b. Wadashaqaynta hay’adaha Dowladda Federaaliga iyo Dowlad goboleedka Puntland;

t. Samiqaybsiga kheyraadka sida Batroolka;

j. La dagaallanka argaggaxisada; iyo

x. Dhammaystirka Dastuurka.

Gaylan Media ayaa soo tebisay qodobbo ay ka mid ahaayeen, “Wax wada qaybsiga dheefta lagu helo magaca dawladnimo, mashaaricda caalamiga iyo awoodda dowladnimada – oo aan la shaacinayn.” Balse, qodobbada laysku aragtida dhawaa ayaa ahaa:

  1. Saxiixidda “qandaraasyo” sida kan shirkad gaar ah ee baaraysa macdanta buuraha “Bari iyo Woqoyi” [Bari-Sanaag];
  2. Shatiyada maraakibta kalluumaysiga iyo sharciyeenta heshiisyo horey oo aan haysan oggolaashaha Federaalka, sida dekedda Bosaaso ee DP World.
  3. Dheefta qaadka u socda deegaanka Puntland iyo Woqoy Bari.

Wadahadalladu waxay ahaayeen kuwa albaabbada u xirnaayeen oo cid sugi karta waxa lagu wadahadlay aysan jirin. Balse, sida uu qeexayo sharciga kalluumaysiga federaalka, maamul-goboleedyadu waxay awood u leeyihiin inay bixiyaan shatiyada biyaha badda deegaankooda ilaa 40 mile. Intaas wixii dhaafsan iyo heshiisyada maraakiibta kalluumaysigaba caalamiga ah waxay khusaysaa Dowladda Federaalka.

Halka, baarista birriga “Bari Sanaag” oo hore qandaraas ugu haysatay Agip (ENI Energy) welina ka bixin (relinquished) uu go’aankeedu ku xiran yahay ENI oo aagga hawlwadeen (operator) ka ah inay saami-qaybsi la gasho shirkad Siciid Deni u ololaynayo.

Arrinka waxaa adkaynaya mowqifka Somaliland ee gooni isu taaga. Waxaase la yaab lahayn arrinta dekedda Boosaaso oo uu Siciid Deni u cusboonaysiiyay DP World February 2022, walow Baarlamaanka Federaalka hore uga mamnuucay shirkadda inay ka hawgasho geyiga Soomaaliya.

Siciid Cabdullahi Deni oo ku hungoobay carrab u raaricintii Xasan Sheekh ee ra’iisulwasaaranimada ama u magacaabista ruux uu soo xushay ayaa ku beerlaxawsaday Puntland inaan lagu xushmeen xulashada xubnaha ku matalaya Golaha Wasiirrada, walow uu Xamse Cabdi Barre u diiday inuu la tashi ugu yimaad. 

Dhinca kale, dhammaystirka Dastuurka ayaan wax horumar ah laga gaarin. Mas’uuliyiinta Puntland ayaa ku doodaya in Dastuurka Federaalka uusan khusayn dowlad-goboleedkooda intuu ku meel-gaarka yahay.

Haddii aan la dhammaystirin Dastuurka aftina loo qaadin kama bixi karo ku meel gaarnimada. Afti lama qaadi karo inta Somaliland oo arrinkeedu u muuqdo mid aan xallismi karin muddo xileedka Xasan Sheekh uu taagan yahay. Dowladda Xasan Sheekh, sidaas daraadeed ma dhisi karto maxkamad Dastuuri ah oo dalka ka gudbisa fowdada siyaasadeed. 

Balse, sharciyaqaannada ku takhususay Dastuurka ayaa rumaysan in xalku ku jiro in dib loogu noqdo Dastuurkii 1961 oo afti kaamil ah soo maray, iyadoo lagu darayo wixii ka dhiman amase laga beddelayo waxaan loo baahnayn.

Si kastaba ha ahaatee, hoggaanka Puntland marnaba xiriir suuban lama yeelan Dowladda Federaalka marka laga reebo xilligii Cabdullahi Yuusuf Axmed. Shax siyaasadeedka ayaa ah in Xasan Sheekh lagu hayo hangalleys, halka isaguna wadashaqaynta uu doonayo muhimadeedu tahay in madasha Beesha Caalamka ee September 2022 u la hortago “Soomaali wax uun ku heshiis ah”.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Soomaaliya – Doorashada Dowladaha Hoose ee Puntland oo Xiisad Siyaasadeed Abuurtay!

Jamhuriyadda Shacabka ku dhaqan maamul goboleedka Puntland ayaa cashar siyaasadeed u dhigay qawlaysatada siyaasadda, kaddib markii ay u dareereen...

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Recent Comments