Wednesday, December 6, 2023
Home Caalamka Iskaashiga Afrika iyo Japan – Horumarin ay Hormuud Ka Yihiin Dalalka Afrika

Iskaashiga Afrika iyo Japan – Horumarin ay Hormuud Ka Yihiin Dalalka Afrika

Jamhuriyadda

Shirweynahii 8aad ee Iskaashiga Afrika iyo Japan, oo ay martigelisay dalka Tunisia ayaa ka furmay magaalada Tunis Jimcihii August 26, 2022 iyadoo ay munaasabadda ka qaybgaleen ilaa 30 madax dowladeed, wakiillada hay’adaha caalamiga ah, iyo urur-goboleedyo. Madasha waxaa kaloo iskugu yimid ilaa 5,000 qof oo ganacsatada gaarka ah. 

Xiisad ka dhex aloonsantay dalalka Tunisia iyo Marocco ayaa hakisay shirka. Marocco ayaa isaga baxay gogosha una yeertay danjirihiisii iyagoo dacwad ka ah in Tunisia madasha ku martigelisay Dhaqdhaqaaqa Madaxbannaanida Galbeedka Saxaraha “Western Sahara’s Polisario Independence Movement”.

Isagoo ka hadlaya mareegta muuqaalka fog ayuu Ra’iisulwasaaraha Japan Fumio Kishida, oo caabuqa Covid-19 aafeeyay, u ballanqaaday shir-madaxeedka 30 bilyan doolar oo iskugu dhafan maaliyad dowlad iyo mid gaar ah. Dadaallada Japan waxaa ka mid ah bilyan doolar oo lagu dhiiriggelinayo dibuhabaynta deynta.

Si loo hormariyo noolasha, waxuu ballanqaaday Ra’iisulwasaaruhu inay $5 bilyan ku taageeri doonaan hawlgallada Bankiga Horumarinta Afrika. Sidoo kale, waxuu carrabka ku dhiftay in Japan bixin doonto $300 malyan oo dayn ah si loo xoojiyo qaabka wax soo saarka cuntada.

Soomaaliya oo si aad ah u qiimaynayso fursadda diblomaasiyadeed ee shir-madaxeedka TICAD ayaa waxaa uga qaybgalay wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisulwasaare Xamsa Cabdi Barre. Tan iyo 2007, Japan waxay ku dheeqday Soomaaliya gargaar kor u dhaafay $500 malyan.

Sidoo kale, Ra’iisulwasaare Kishida waxuu ku dhawaaqay in dalkiisu u soo magacaaban doono ergay gaar ah Geeska Afrika, oo hay’adda cimilada Qaramada Midoobay ay ka digtay inay ka taagan tahay masiibo bini’aadantinimo oo aan horey loo arag.

Shir-madaxeedka waxaa la qabtay iyadoo sideed waddan oo Afrikan ah ay doorteen inay hirgeliyaan suuqa la wadaago (shared market) oo shisheeyuhu uu u soo geli karo sidii hal suuq oo xor ah. Balse, duullaanka diblomasiyadeed ayaa ku beegmay xilli Mareykanka, Shiinaha, Midowga Yurub, iyo Ruushka ay ugu xintamayaan qaaradda siyaabo la mid ah xifaaltankii dagaalkii qaboobaa.

Horumarkeeda waara ee qaaradda Afrika waxaa caqabad ku ah deymo gudcur ah iyo shuruudo ku xirka maalgelinta horumarineed. Sideedaba, maalgashiga toos ah ee ay ka hesho dunida waxaa lagu qiyaasay markii ugu badnaa 5.2% keliya. Halka midka ay ka hesho Japan oo maalgashigeeda caalamka lagu kor u dhaafay laba balyan doolar uu yahay 0.003% keliya. Rajadu waxay tahay, in iskaashiga gargaarka ee Afrika u rogi doonto mid dardargeliya maalgashi toos ah ee ganacsiga gaarka ah.

Seddaxda sano ee soo socota Japan waxay tababbari doontaa ilaa 300 kun shaqaale xirfad leh. Dhacdada saddex sanadoodka ah ee TICAD (Tokyo International Conference on African Development) ayaa waxay Japan billowday 1993 iyadoo addunka intiisa badan illoobay qaaradda. Iskaashiga waxaa ilaa haatan ku aflaxay 26 mashruuc oo laga hirgeliyay 20 waddan.

Shir-madexeedka sanadkaan ayaa halkudhiggiisu ahaa “Horumarinta Afrika oo ay hormuud ka yihiin dadka Afrika,” iyadoo diiradda la saaray saddex tiir oo kala ah: Dhaqaalaha; Bulshada; iyo Nabadda – Xasilloonida. Haseyeeshe, shirka waxuu ahaa mid loo adeegsaday in lagu qanciyo dalalka Afrika si ay u cambaareyaan Ruushka.

Madasha Tunis (Tunisia) ayaa ah tii labaad ee ka dhacada Afrika tan iyo markii Kenya ay shirweynihii 6aad ku martiggelisay Nairobi August 2016. Walow, maalgeshiga Japan uu ka yar yahay kan Shiinaha iyo Galbeedkaba, haddana hammigiisu waxuu yahay inay kaga hortago hindisaha Shiinaha ee “Belt and Road” maagashi toos ah oo ay ku beegsato dalalka Kenya, Mozambique, Somalia and Tanzania.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments