Thursday, September 21, 2023
Home Gudaha Hubeynta Qabaa’ilka Waa Soomaaliya oo Ciin la Daaqsiiyay! 

Hubeynta Qabaa’ilka Waa Soomaaliya oo Ciin la Daaqsiiyay! 

Jamhuriyadda

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo markii ugu horreysay weerarkii Hoteel Xayaad kaddib dadweynaha kala hadlay Television-ka Talaadadii August 23, 2022 ayaa ku baaqay in dagaal dhan walba leh u ku qaadi doono argaggixisada.

Laba toddobaad kaddib, September 2, 2022 ayay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) warsaxaafadeed ku sheegtay in argagixisada ay degaannada Maarsa-Mage, Qaayib, Dhuumodle, Cada-Kibir, Dhisaq-Shurufle iyo Cali Wayd ee gobolka Galguduud (Galmudug) ay ka burburiyeen ceelashii biyaha.

Ma aha markii ugu horreysay oo ay argaggixisada barakicisay dadweynaha degmooyin hoostaga Matabaan iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan (Hirshabeelle). September, 3, 2022 ayay Alshabaab sheegatay masuuliyadda xasuuqa in ka badan 15 qof laguna gubay sideed gaari iyo aqallo ku yaal deegaanka Afar-Irdood.

Dadka argaggixisada xasuuqday ma ahayn kuwo hubaysan, laakin Al Shabaab waxay ku eedeeysay Dowladda Federalka Soomaaliya inay abaabulayso qabaa’ilada Soomaaliyeed oo ay waddo qorshe dagaal oo ay iska kaashanayaan odayaal beeleedyo.

Hindisaha adeegsiga maleeshiyada rayid ka ah sida kuwa macawiisleyda oo aan ka mid ahayn ciidamada rigliga ah ee Dastuurka dalka oggol yahay ayaa aad u xogaysatay, wixii ka dambeeye kulankii Kampala ee dhexmaray August 2022 Madaxweyne Xassan Sheekh iyo dhiggiisa Uganda Yoweri Musaveni.

Madaxweynaha Ugandha, oo ay 4,500 askari ka joogaan Somaaliya,  ayaa, isagoo saluugayo Xoogga Dalka iyo dowladnimada Soomaaliyed, talo ku bixiyey in xukuumadda adeegsato ciidan aan mushahar u baahneyn, waxuuna yidhi “Haddii aadan dowlad lahayn ama aad leedahay dowlad daciif ah sidee u maarayn kartaa inaad lacag siiso tiro kugu filan?

Waxuu tusaale u soo qaatay Musaveni sidii jabhaddii uu hogaaminaye ugu suuraggashay inay gacanta ku dhigaan talada Ugandha. Waxuu yidhi “Waxay istiraatiijiyaddeennu ahayd in dadka taageersan fikirkeenna ay isu xilqaamaan inay dagaallamaan si aan awood u yeelanno. Sidaas ayay noogu suurtaggashay inaan dhisno ciidan xoog leh, mushaarna ma jirin.”

Indheergarad badan ayaa rumaysan in hadallada Musaveni yihiin kuwo si dadban loogu wiiqayo awoodda ciidamadda Soomaaliya, oo tiradooda iyo tayadoodaba ay soo hagaagaysay sanadba sanadkii ka dambeeyey, kadib markii ay heleen tababbarro ay bixinayeen saaxiibbo u hagarbaxaya dibudhiska dowladnimada Soomaaliya.

Adeegsiga maleeshiyada beelaha waxay kor u qaadaysaa doorka siyaasadda qabaa’ilka. Qaar ka mid ah aqoonyahannada ayaa ku doodaya in tani ay dhaawici karto dadaalka dheer ee lagu abuurayo qaran midaysan iyo nidaam xisbi siyaasadeed leh oo Soomaaliya u horseeda degenaansho siyaasadeed iyo mid amniba.

Waxaa intaas dheer, in hubeynta qabaa’ilka horseedi karto dagaallo lagu hoobto oo dhex mara beelaha ood-wadaagta ah ee horeyba ugu dagaallamayay biyaha iyo daaqa. Nidaamkii kalitaliskii Siyaad Barre ayaa eedsaday inuu hubeeyay jabhado qabaa’il oo uu kula dagaallamayay Itoobbiyadii Mengista Haile Maryama.

Dhaqan ahaan madaxda qabaa’ilka, waxay mas’uul ka yihiin mideynta beesha, iyo nabad ku wada-noolaanshaha beelaha ood-wadaagta ay yihiin. Waxay kaloo, dhexdhexaadiye iyo garsoorayaal ka yihiin mashaakillada beesha dhexdeeda ka dhasha, waxayna xalliyaan khilaafaadka kala dhexeeya beelaha deriska la’ah, iyagoo u kala dabqaada sheegashada hantida iyo magtaba.

In madaxda qabaa’ilka la siiyo dhaqaale iyo u madax-bannaani weyn oo ku aaddan maamulka aaggooda, si ay daacad ugu noqdaan dowladda waxay wiiqaysaa kalsoonida muwaaddinka iyo degenaanshaha dalka, waana xeelad uu adeegsaday gumaysiga si uu bulshada u kala qaybiyo.

Shaki kuma jiro, in dalal badan danaynayaan wiiqida awoodda dowladnimo sida abuurista khilaafaad bulsho iyo mid siyaasadeedba waxayna ka mid yihiin mashaariicda gurracan ee dalka ka socoda. 

Musaveni waxuu la dagaallayay ciidan rigli ah oo dowladeed oo leh sumad. Halka Al-shabaab uu yahay urur ciidamadiisu lahayn xarun iyo astaan toona, aaminsan afkaar xagjir ah oo qaldan, fuliyana ciqaab adag. 

Adeegsiga ciidamada Macawislayda waxay halis gelin kartaa nolosha shacabka ku heybta ah maleeshiyada, sida ka dhacday Afar Irdood. Hubka oo gacanta shacabka dib u galana waxuu caqabad ku noqonayaa cunaqabateenta ka qaadista dalka.

Tallo wanaagsan ma aha in shacab la diifaysan daruufaha nololeed iyo adeeg la’aanta dowladnimo in laga horgeeyo argaggixiso arxan la’aan ah oo ay u caalwaayeen ciidamo ka badan 20 kun oo heysta hubkii ugu dambeeyay iyo taageerada caalamka.

Maamulka Xasan Sheekh waa inuu la yimaadaa qorshe qaran oo lagu wajaho Al-Shabaab ciidamada Dastuurka ku qeexanna lafdhabar u yihiin difaaca dalka iyo dadka oo aan lagu beddeli karin meleeshiyo beleed iyo qabiil la siyaasadeeyay toona.

Qoorshahan waxaa lagama maarmaan u ah in 5,000 askari oo lagu tababbary Eritrea sida ugu dhakhso badan loo keeno. Kaasoo ah wacadkii Xasah Sheekh uu siyay Shacabka Soomaaliyeed markuu xukunka la wareegay.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Soomaaliya: Qareen Dudaaye oo Qaawiyey Hannaanka Caddaaladda 

Jamhuriyadda   Maxkamada Gobolka Banaadir waxaa ka socda maxkamadeynta eedaysanayaal ka tirsanaa shaqaalaha waaxda maaliyadda, iyo socdaalka...

Recent Comments