Jamhuriyadda
Xaflad lagu qabtay Talaadadii September 13, 2022 garoonka “Kasarani Sports Center” ee Nairobi kana qaybgaleen marti-sharaf uu ka mid ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa loogu caleemasaaray madaxweynihii 5aad ee dalka Kenya William Ruto oo si dirqi ah (50.49%) uga guulaystay Raila Odinga (48.85).
Doorashooyinka Kenya oo weligoodba ka marnaanin muran, ayay dalalka gobolka ku kala qaybsamayn wixii laga yeeli lahaa go’aanka Guddiga Doorashada dalkaas. Madax ay ka mid ahaayeen Yoweri Musaveni, iyo Abiy Ahmed ayaa markiiba si badheedh ah u degdegay inay ugu hambalyeeyaan William Ruto.
Madaxwyneyaasha Nigeria iyo Koonfur Africa ayaa iyaguna bogaadiyey guusha, inkastoo koox uu ka mid yahay Felix Tshisekedi-ga Democratic Republic of Congo ay sugeen ilaa Maxkamadda Sare kaga dhawaaqdo September 5, 2022 in musharraxii “Kwanza Alliance” William Samoei Ruto si sax ah loogu doortay madaxweynaha.
Ka qaybgalkii dhammaan madaxdii Bariga iyo Geeska Afrika munaasabadda caleemasaarka ayaa astaan u ahayd dareenka soo dhaweynta madaxtinimada William Ruto oo ay u badan tahay inuu wajihi doono xaqiiq cusub oo ka abuuranta gobolka. Sidoo kale, ka qaybgalka mugga leh ee gobolka waxuu ahaa baaq lagu diidayay siyaasadda reer galbeedka ee had iyo jeer doorbida hoggaamiye la maali karo sida Uhuru Kenyatta.
Munaasabadda waxay kulmisay Paul Kagame iyo Felix Tshisekedi oo dalalkoodu colaad ka dhexayso. Sidoo kale waxaa Nairobi ku wada baryay Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed oo wajigabax dhexmaray wixii ka dambeeyay caleemasaarkii Muqdisho.
Muran kuma jiro in Ra’iisulwasaaraha Itoobbiya uu qoonsaday la safashada Soomaaliya mowqifka Masar ee arrinka biyaxireenka Niil iyo weerarka Al Shabaab uu ku qaaday deegaanka Soomaalida Itoobbiya oo isagana aysan cambaareyn.
War uu Dr. Ruto soo dhigay bartiisa tweetterka ayuu ku sheegay in Xasan Sheekh ka wadahadleen xaaladda amni Soomaaliya iyo guud ahaan midda gobolka Geeska Afrika. Halka Madaxweyne Xasan Sheekh uu sheegay in Soomaaliya iyo Kenya ay mudnaan siin doonaan muhiimada ay leedahay iskaashiga diblomaasiyadeed, dhaqaale, ganacsi iyo bulsho.
Inkastoo, William Ruto ugu yeeray Abiy Axmed “my big brother”, haddana siyaasadda uu kula dhaqami doono arrimaha xasaasiga ah ee gobolka waxay u badan tahay inaan waxba ka duwanaan doonin tii soo jireenka ahayd sida wareysigii CNN ee Christiane Amanpour uu ku sheegay.
Madaxweyne Ruto waxuu durbadiiba u magacaabay Uhuru Kenyatta ergayga nabadda ee gobolka Harooyinka Waaweyn (Great Lakes) iyo Geeska Afrika, taasoo malaha ka sii caraysiisay Abiy Axmed oo si toos ah u aaday baabuurkiisii, isagoo aan gacan qaadin madaxdii Afrikaanka ahayd, (The Washington Post 13/09/2022).
Reer galbeedka ayaa aad uga baqaya isbeddel kasta oo halis gelin kara danahooda waxaana laga yaabaa inay Kenya ku cadaadiyaan qaantooda taasoo caqabad ku noqon doona fulinta ballanqaadyadii doorashada. Ruto waxaa laga filayaa inuu adeegsado isbeddel awoodeedka gorgortanka ee Shiinuhu u abuuray qaaradda Afrika, si uu uga helo deyn dabcin iyo heshiisyo dhaama kuwii hore.
Madaxweyne William Ruto oo la hadlaya CNN ayaa yiri, “Soomaaliya waa laws [miro] adag in la jibiyo,” waxuuna sheegay inuu horay ula soo shaqeeyay madaxweynaha dalka loo doortay “Xasan Sheekh”.
Isagoo taas maanka ku haya ayuu ballanqaaday inuu dardargelin doono guddiga iskudhafka ah ee labada dal “JCC – Joint Commission for Cooperation” oo uu Xasan Sheekh la gaaray Uhuru Kenyatta.
Balse, heshiiskii Xasan Sheekh uu la saxiixday Uhuru Kenyatta maalmihii ugu dambeeyay xilhayntiisa oo ay ka mid ahaayeen Fiisaha oo loo fududeeyo Soomaalida iyo xaduudka labada dal u dhexeeya oo la furo lama ogga in sidoodii loo fulin doono amaseba uu noqon doono waxba-kama-jiraan.
Falanqeeyayaasha siyaasadda gobolka ayaa aad uga walwalsan sida maamulka Ruto ula imaan doono maskax furna oo iswaafajisa xiriirka Dowladda Federaalka iyo midka maamul-goboleedka Jubbaland, inkastoo maamulkiisa ku qasban yahay inuu iska ilaaliyo iska horimaad la mid ah gardarradii Uhuru Kenyatta, si looga wadashaqeeyo arrimaha ganacsiga, maalgashigaba iyo amniga.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.