Jamhuuriyadda
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo socdaalkiisii ugu horreeyay, tan iyo markii dib loo doortay ku tegay magaalada Washington, ayaa Khamiistii September 15, 2022 Xoghayaha Gaashindhigga dalka Mareykanka Lloyd James Austin soo dhaweeyay.
Isbeddelkii hoggaanka dalka kaddib, ayuu Madaxweyne Joe Biden ka noqday go’aankii Donald Trump ee December 4, 2020 kuna amray in boqolaal ka tirsan ciidamada howlgallada gaarka ah dib loogu celiyo Soomaaliya.
Jack Sullivan, Lataliyaha Amniga Qaranka ee Joe Biden, ayaa Aqalka Cad ku martigeliyay Madaxweyne Xasan Sheekh si looga doodo xoojinta iskaashiga xooggan ee Soomaaliya iyo Mareykanka iyadoo dagaal saamayn uu ka taagan yahay qaaradda, gaar ahaan Geeska Afrika.
Washington waxay ka walaacsan tahay inay lumiso saamaynta ay ku leedahay gobolka. Waxaa faraheeda ka sii siibanaya dalalka Itoobbiya iyo Sudan iyadoo Eritrea, Koonfur Sudan, Uganda, Kenya iyo Jabuutiba ku jilan yihiin darka Shiinaha.
Qalalaasaha siyaasadeed, xasillooni-darro amni, gaboodfallo baahsan, iyo macluusha bini’aadantinimo ee ka taagan Itoobbiya, Soomaaliya iyo Sudan ayaa soo bandhigtay in maamulka Biden uusan ka lahayn Geeska Afrika siyaasad jiho iyo ujeeddo cad leh, si wax looga qabto waxa ay u arkaan inay yihiin mudnaan aad u culus ee ka jirta halkaas.
Kulanka Aqalka Cad oo ay goobjoog ka ahayd Dr. Elizabeth Sherwood-Randall Lataliyaha Amniga Dalka Mareykanka ayaa looga hadlay muhiimadda ay leedahay dib-u-heshiisiinta siyaasadeed, gaar ahaan wadashaqeynta dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada si loo maquuniyo argagixisada loona horumariyo adeegga bulshada iyo maamulka dalka.
Nidaamka maamul ee Washington iyo Brussels ay ku ijbaartay waddamada ku tiirsan kaalmadooda [sida Soomaaliya] ayaa ah mid qaldan. Waxay weligoodba kula dhaqmayeen Soomaaliya siyaasadda laba wajiilaha ah oo iska horkeentay dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada. Siyaasaddaas gurracan ayaa dowladdaha [Imaaraadka, Itoobbiya iyo Kenya] farageliya danaha Soomaaliya u fududeysa inay si toos ah ula macaamilaan dowlad-goboleedyada.
Dhanka kale, aragtida ay Dowladda Maraykanka ka qabto Soomaaliya tan 1960 waxaa lagu soo koobi karaa in dalku ku yaal meel aad iyo aad istratiiji u ah kuna aasan yihiin khayraad dahsan oo u ka mid yahay shidaalka iyo macdan xasaasi ah oo loo baahan yahay in isha lagu hayo – sida Yuraniyumka U, Titaaniyam iwm.
Waxaa weligoodba marin habaabin jiray fekred khaldan oo ay siiyaan dawladaha Itoobbiya, iyo Kenya oo ay kaga kalsoon tahay iyo mararka qaarkood Boqortoyada dalka Carbeed, kuwaasoo iyagaba dano gaar ah kaga jiraan Soonaaliya.
Qafna ma dafiri karo in Mareykanku uu door muhiim ah ka qaatay dib u soo kabashada dowladnimada Soomaaliya balse, taariikhda dhaqankiisa waxay ku koobneed wixii ka horeeyay 2010-yeedii: Geyiga Soomaaliya aniga ayuu xirmo ii yahay, qoorshana uma hayo haddeer ee ka bayra!
Inkastoo “siyaasadda xakamaynta” ee uu Al-Shabaab u aadeegsaday shan iyo tobankii sano ee la soo dhaafay la saluugsan yahay kana cagajiidayo inuu wax ka saxo haykalka maamulka federaalka ee qaldan, haddana Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dalkuba waxay doorka Mareykanku ugu jeedaan inuusan ahayn keliya mid aan looga maarmin taakulayn farsamo, dhaqaale iyo ciidan, balse iskaashigiisa laftiisu soo jidanaya dadaallada caalamka xulafada la ah.
Si kastaba ha ahaatee, maamulka Biden waxuu u baahan yahay inuu beddelo dhabbaha iyo jihada siyaasaddiisa Soomaaliya lana yimaad qorshe hawleed mustaqbal la wadaago haddii uu doonayo inuu ilaaliyo danaha Mareykanka iyo qiyamka dimuqraaddiga ah ee dalka. Badda Cas iyo Badweyneta Hindiya waa goob lagula tartami karo welibana lagu yareyn karo saamaynta Shiinaha oo aad ugu xoogowday Afrika.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.