Thursday, September 28, 2023
Home Diblomaasiyadda Yaa u Kala Dabqaaday Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed oo Kala Didsanaa?

Yaa u Kala Dabqaaday Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed oo Kala Didsanaa?

Jamhuriyadda

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa, markii ugu horreeysay tan iyo dib u doorashadiisii, ku tegay magaalada Addis Ababa booqasho hawleed labada maalmood ah Arabacadii September 28, 2022. Booqashada ayaa ku soo beegantay xilli xiriirka labada dal uu soo galay madmadoow.

Ajendaha ugu sarreeyay ee wadahadallada ayey warbaahinta Turkiga ku tilmaamtay inuu diirrada ku hayay ganacsiga, iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Labada dal ayaa wadagaaray heshiisyo kor loogu qaadayo xiriirkooda ganacsiga iyo dhaqaale ka sokow, iskaashigooda arrimaha gobolka waxaana lagu wadaa inay magacaabi doonaan guddi heer wasiir ah oo dhaqangeliya axdiga.

Horaantii toddobaadkan ayaa labada dowlad isku waafaqeen kor u qaadista iskaashiga sirdoonka si si wax ku ool ah ay uga hawlgalaan argaggaxisada ah cadawga mideeyay. Socdaalku waxuu ka turjumaya mudnaanta siyaasadeed uu Xasan Sheekh siinayo inaan gelin colaado calami ah lana wanaajiyo xiriirka deris oo fure u ah amniga iyo dhaqaalaha.

Labada mas’uul oo ka wadahadley caqabadaha is-dhexgalka iyo fursadaha guud ee ka dhalan kara iskaashi ayaa isku waafaqay, iyadoo la dhowrayo midnimada dhuleed iyo madaxbanaanida dal walba, in la kobciyo lana xoojiyo xiriirkii dalalka.

September 2018, dalalka Itoobbiya, Eritrea iyo Soomaaliya waxaa ka dhacday dabayl soo bandhigtay in xiriir hagaagsan oo dhexmaray dalalkaas uu dib ugu qaabeyn karo horumarka siyaasadda, bulshada, dhaqaalaha iyo amniga Geeska Afrika.

Walow, fagaare aan la isku dhaafsanin eedeymaha dal waliba ka tirsanayo midka kale, haddana si xushmad leh ayay madaxdu isku weydaarsadeen wixii ay kala tabanayeen.

Ragaadiddii booqashadii Xasan Sheekh ayaa dowladda Itoobbiya ku beertay welwel  iyo cabsi ah in uu dalka Masar ka helay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) taageero siyaasadeed, iyo saldhig militeriba. 

Taas waxaa dheer, in Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ololeynayay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee gobolka uu geesmaray Itoobbiya. Arrinkaas waxuu xoojiyay mala-awaalkii lahaa xiriirka labada dal waxuu gelini doonaa khalkhal isbeddelka hoggaanka dalka kaddib.

Falcelintii ugu horraysa ee Itoobbiya ayaa noqotay dibudhigiddii safarkii July 2022, uu ku tegi lahaa Xasan Sheekh, iyadoo ku marmarsiinyootay in jadwalka ra’iisulwasaaruhu uu aad u buuxo. Taas waxaa xigay ku xadgudubkii arrimaha gudaha Soomaaliya kaddib markii Addis Ababa ay gacansaar toos ah la yeelatay maamul-goboleedyo federal ah, iyadoo aan lagala tashan Villa Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, mala-awaalku waxuu u badan yahay in dalka Turkiga uu suuraggeliyay in Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed si fool-ka-fool ah arrimahooda uga wadaxaajoodaan si aan fursad loo siin shisheeyaha wax u dhimi kara nabadda iyo horumarka Geeska Afrika.

Diblomaasiyiinta gobolka qaarkood ayaa rumeysan aragti kale oo leh, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka odoyeeyay khilaafka kaddib markii labada madax oo ku wada baryay Nairobi is-bariidin waayeen.

Labada aragti waxaa barbar yaal mid ka wada duwan oo qabta in kacdoonka shucuurta qawmiyadda Amxaaradu uu walbahaar hor leh ku riday taliska Addis Ababa. Halka, Villa Somalia ay ka hoyo la’dahay in maamul-goboleedyadii federaalka ay ka wada siiban rabaan faraheeda.

Waxaa xaqiiqa ah in Itoobbiya ay kala daadan doonto haddii reer Galbeedka iyo Masaaridaba u adeegsadaan Xasan Sheekh hangool ay iskaga qabtaan Abiy Axmed iyo Isaias Afwerki. Halka Xasan Sheekh uusan dalka u heli doonin xisillooni siyaasadeed iyo mid amniba ilaa uu iska soo oodo faragelinta deriska – Itoobbiya iyo Kenya.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Soomaaliya: Qareen Dudaaye oo Qaawiyey Hannaanka Caddaaladda 

Jamhuriyadda   Maxkamada Gobolka Banaadir waxaa ka socda maxkamadeynta eedaysanayaal ka tirsanaa shaqaalaha waaxda maaliyadda, iyo socdaalka...

Recent Comments