Friday, December 1, 2023
Home Gudaha Warqadda Aqoonsiga – Wax Ma Ku Kordhin Kartaa Xakamaynta Khatarta Amaanka?

Warqadda Aqoonsiga – Wax Ma Ku Kordhin Kartaa Xakamaynta Khatarta Amaanka?

Jamhuriyadda

Soddonkii sanadood ee tegay, xukuumadihii dalka isku beddelay awood uma helin inay dib u soo celiyaan nidaamkii diiwaangelinta joogtada ahaa ee dowladaha hoose ku uruurin jireen xogta dadwaynaha, sida diiwangelinta dhacdooyinka muhiimka ah ee nolosha qofka – dhalashada, dhimashada, guurka, ubadka, iyo furiinkaba.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku marayay Washington ayaa September 16, 2022 kula kulmay xarumahooda David Malpass Guddoomiyaha Bankiga Adduunka iyo Kristalina Georgieva Agaasimaha Guud ee IMFta si uu dib ugu xaqiijo in xukuumadiisa ay ka go’an tahay inay xoojiso iskaashiga ay la leedahay joogtaysana dibuhaynta maaliyadda iyo dhaqaalaha dalka.

Balse, kulanka oo ku beegnaa munaasabadda “World’s Identification Day,” ayuu Xasan Sheekh kaga faa’iidaystay inuu Bankiga Adduunka u bandhigo dhibaatada dalka ka haysta nidaamka la’aanta diiwaangelinta madaniga ah iyo sida aqoonsi shakhsi la’aanta u dabrayso ololahiisa la dagaallanka dhaqaalaha argaggaxisada.

Inkastoo, diiwaangelinta madanigu tahay xuquuq asaasi ah oo furo u ah kor u qaadista bixinta adeegyada bulshada, yaraynta wax isdabamarinta maaliyadda, iyo diiwangelinta doorasho sugan, haddana Afrika waxay hoy u tahay qiyaastii in ku dhow kala barka 2.4 bilyan qof oo aan lahayn aqoonsi rasmi ah.

Baaris cilmiyeed Bankiga Adduunka uu sameeyay sanadkii 2010, waxaa lagu ogaaday in xiriir toos ah uu ka dhexeeyo aqoonsi shaqsi la’aanta iyo dib u dhaca horumarka. Bankiga oo taas ka shidhaal qaadanaya ayaa uruuriyay dhaqaale dhan ilaa hal biylan iyo bar doolar oo lagu taageero mashaariicda diiwaangelinta madaniga ah ee 45 waddan.

Sanadkii 2020, maamulkii Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Xasan Cali Khayre ayaa isku dayay inuu dhaqangeliyo aqoonsi diijitaal ah. Hamigaas qaran waxaa qoonsaday maamul-goboleedyo u arkayey tiro koob aafeen kara awood-qaybsigooda qaran, inkastoo dalku leeyahay nidaam labo isku diidanayn oo muwaaddiniintu ku helaan baasaboor.

Markii Golaha Shacbiga uu ansixiyay sharciga Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed lana dhisay hay’adda DADSOM oo sugta hab lagu uruuriyo aqoonsiga dadka degan dalka iyadoo farsamo ahaan kaashnaysa shirkad Bakistaan ah, ayaa hamiga si ulakac ah loo fashiliyay si aan loo qaban doorasho qof iyo cod ah.

Si kastaba ha ahaatee, waxgaradka dalka ayaa walwal ka muujinaya dadaalka iyadoo dalku uusan lahayn siyaasad dhamaystiran oo lagu dhisayo hab sugan oo la isku hallayn karo si loo xaqiijiyo qofka laguna ilaaliyo xogta u gaarka ah shakhsiga.

Dhinaca kale, dadweynuhu waxuu u baahan yahay wacyigelin ku saabsan muhiimadda diiwaangelinta madaniga ah u leedahay iyaga iyo qoysaskooda. Waxay ku habboon tahay in olole wacyigelin mudnaanta aqoonsiga madaniga ah si degdeg ah loo hirgeliyo.

Sidoo kale, waxaa laga maarmaan ah in bulshada laga dhaadhiciyo waxtarka arrintaani u yeelan karto la dagaallanka argagixisada hortaagan amniga dalka. Taasi waxay yarayn kartaa shakiga maamul-goboleedyada ay ka qabaan aqoonsi madani ah oo federaal ah.

Sharciga dhaqangelinta diiwaangelinta madaniga ah waa inuu dhammaan muwaaddiniinta iyo dadka deggan dalkaba awood u siiyo helitaanka warqadda aqoonsiga federaalka marka ay soo gudbiyaan xogtooda sida sawirka, faraha, iwm.

Shaki kuma jiro, in aqoonsi la’aan muwaaddiniinta heli kerin xuquuqahooda aasaasiga ah dalkuna ka hirgeli karin dimuqraadiyad qof iyo cod ah oo loo siman yahay,

Marka meel la iska dhigo laqdabada, caqabadda ugu weyn ee hortaagan hal aqoonsi qaran waa ilaalinta xogta shakhsiga. Si taas looga gudbo, waxaa haboon in maamulka Xasan Sheekh uu dhammaystiro shuruucda loo baahan yahay si dalka loogu dhiso hay’ad madax bannaan oo si fiican loo maalgeliyo oo maamusha xogta dhaqangelisana sharciyada lagu ilaalinayo.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments