Wednesday, November 30, 2022
Home Gudaha SOOMAALIYA – Maxaa Ka Qaldamay La Dagaallanka Argaggaxisada?

SOOMAALIYA – Maxaa Ka Qaldamay La Dagaallanka Argaggaxisada?

Jamhuriyadda

Maanta oo bartamaha Oktoobar la joogo, dagaalkii kama dambaysta noqon lahaa oo lagu ciribtirayay argaggaxisada Al Shabaab misna dalka Soomaaliya oo isku tashaday uu tusi lahaa adduun weynaha arrin ugub ah oo ah in waddan sabool ah oo cunaqabatayn hub ay saran tahay uu dagaal aan soo noqosho lahayn ku qaaday ururka Al Shabaab oo xubin weyn ka ah Al Qaacida, guushiisii lama gaarin.

Dagaalkaas wuxuu joogaa in calankiisa uu si  geesinnimo leh u sido gobolka Hiiraan oo qur ah, kuna taagan yahay wacadka uu u qaaday dadweynihiisa iyo dalkaba. Ballantii Beelihii kale oo iyagana wacadka ku qaaday in taakulaynayaan kuna dayanayaan waxay maanta ka yihiin dagaalka daawadayaal dhaliil mudan.

Affeeftii Hiiraan ee ahayd inaan laga adkaan karin argaggaxisada, haddii gobol qura ah oo aan taageera haysan uu dagaalka ka socdo guushana ceel ku dhacdayso, waa waxa dhacay kaddib markii Al Shabaab xooggeeda oo idil isu geysay gobolka Dowladda Federaalkana aad u gaabisay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu iclaamiyay kaddib markuu kasoo noqday safarkiisii ugu horreeyay ee dalka Turkiga inay jirto hal waddoo qur ah oo lagu wajahi karo Al Shabaab, taasoo ah qori caaraddiisa. Isagoon diyaarin qoorshe ebyan ayuu misna dhawr jeer ku celceliyay in xukuumaddiisa uusan ka qaadanaynin muddo ka badan hal sano.

Sida muuqata hadalka Madaxweynaha waxaa dhab u qaatay Al Shabaab oo hub aruursi iyo tabaabusho ku dhaqaaqay kalana soo degay Xaradheere oo gacanta ugu jirta September 3, 2022 doonyo hub ka buuxa iyadoo maraakiibta sharcidarrada ah ee Midowga Yurub “Ataltatis” ay daawanayaan.

Maalmo dhawr ah kaddib, waxaa dhacday xasuuqii Afar Irdood (Maxaas, Hiiraan) ee arxan darrada ahaa oo ku kalliftay Shacabka Hiiraan inuu gaaro go’aanka iska-caabinta ee uu  welina ku taagan yihiin.

Dowladda Xasan Sheekh oo arrinxumo iyo qorshe la’aan haysay ayaan iska lumin fursaddaan, siduu u lumiyay Farmaajo, xamaasadii  ka dambaysay qaraxii Soobbe.

Waxgaradka Soomaaliyeed meel waliba ay joogaan, ayaa uga digay dowladda cawaaqib xumada ka iman karta hub muunad-xulasho la’aan (Randomly)faraha loo geliyo dadweyne kacdoomay. Balse, waxay taageereen inay dawladdu siiso kacdoonka taakulayn, iyadoo lagama maarmaan tahay in dagaalka looga dambeeyo Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Xildhibaan Cabdirasaaq A. Warsame Xusul, wuxuu si mandhaqi ah uga digay cawaaqibxumadaas isagoo soo qaatay tusaale taariikhi ah. Nasiibdarro, waxaa ka xumaaday tilmaanta markii uu isbarbardhigay Al Shabaab iyo Macawisleyda kuna tilmaamay inay noqon karaan kuwa ka daran kuwa lala dagaallamayo oo noqotay intay sugayeen siyaasiyiin fursad raadis ah.

Cawaaqibta qoorshe la’aanta weli way muuqataa waxayna halis ku tahay guusha. Dagaalgelinta Macawislayda iyo taakulaynta la siinaayaba waxay noqdeen wax laablakac ku yimid.

Beelihii Galmudug iyo Shabeellada Dhexe ee ballanqaaday inay dagaalka wadi doonaan, ma dhaboobin. Dagaalka Galmudug wuxuu durbadiiba ku dhiiqday damaca hoggaanka beelaha  iyo khilaaf beeleed keenay in beelaha qaarkood aysan ka qayb qaadan dagaalka  qaar kalena cagajiid ay muujiyeen ilaa uu ka hakado.

Dowladda oo xoogga saartay beelaynta dagaalka waxay ka gaabisay heshiisiinta maamullada gobollada waxayna u bareertay inay dagaal gasho iyadoo Shirka Wadatashi Qaran aysan ka gaarin go’aan loo dhan yahay.

Runtii waxaa lays wediin karaa haddii dagaal uu iclaamiyay madaxweyne aad mooddo in hawshiisa kowaad ay tahay safarrada dalka dibaddiisa ah guul ma laga gaari karo. Ugaanda ayuu xitaa ka doorbiday Cadale oo malahaa sababtay in ciidama beeleedkii xoreyn lahaa Shabeelada Dherxe ay weli far taagin. Dowladda Xasan Sheekh waxay ku najaxday inay dagaalka beelayso kaddibna ay beelayso ciidamada XDS. 

Ciidamada saldhig  Cadale laga abaabuli lahaa  dagaalka horreyntiisana qabsan lahaa  degaannada Ceel Guduud iyo Aadan Yabaal oo ah deegaan gebigeedba mudda dheer ugu jirta gacanta Al Shabaab, maanta waxba kama soo xaasilin. Tani waxay sii yaraanaysa kalsoonida dadweynuhu ku qabi karo dowladda inay ku hagaysa dagaalka dhabbaha guusha.

Ciidamada Macawislayda gobolka Hiiraan oo culayska dagaalka kusoo dhacayo waxaa ka maqan taakulaynta ay mudnaayeen. Ciidamada Haramcad ee gobolka Hiiraan ku sugan waxau u baahan yihiin qudhooda taakulayn iyo saad halka  ciidamada Danab ay maqan yihiin gobolka.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Midowga Afrika oo Ku Boorinaya Soomaaliya Dibudhigidda Bixitaanka Ciidamada ATMIS

Jamhuriyadda Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika (PSC) ayaa Arbacadii November 24, 2022, ka codsatay Soomaaliya in dib loo...

Maxay Kenya iyo Imaaraadka Uga Safteen Soomaaliya?

Jamhuriyadda Golaha Amniga Qaramada Midoobay (QM) ayaa November 18, 2022, dib u cusboonaysiiyay muddo sanad ah (November 15,...

Honduras vs El Salvador: The Football Match That Kicked off a War

By Toby Lukhurst In 1969, El Salvador and Honduras fought a four-day conflict that cost thousands of lives...

World Faces Worst Food Crisis in Modern History

By Kerem Alkin The interconnection of the two global crises is defined by a ‘crisis triangle’ in which...

Recent Comments