Saturday, March 25, 2023
Home Ciyaaraha iyo Dhaqanka Guul Taariikhi ah – Ciyaartii Kubbada Cagta ee Dib u Curisay Soomaalinimada

Guul Taariikhi ah – Ciyaartii Kubbada Cagta ee Dib u Curisay Soomaalinimada

Jamhuriyadda

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da’da yar (17-jirka) ayaa, tartankii isreebreebka koobka kubadda cagta Bariga iyo Bartamaha Afrika (CECAFA), kaga badiyay Sabtigii October 15, 2022 Koonfur Sudan 3-1. Ciyaartoyda oo garoonka Abebe Bikila Stadium ee Addis Ababa ku soo bandhigay ciyaar loo qushuucay ayaa dib u soo curisay Soomaalinimada.

Balse, daawadayaasha kubadda cagta ee gobolka iyo kuwa qaaraddaba ma filayn in xiddigyada Soomaaliya oo ka mid ahaa xulalka ugu liita qaaradda Afrika kaga adkaan doonaan gurigooda – garoonka Abebe Bikila Stadium xulka Itoobbiya 1 – 0.

Sidoo kale, ma garawsan curashada koox mucjisooyin yaab leh ku soo bandhigi doonto ciyaaraha kubadda cagta ee 2022-2023, ilaa ay rigoorayaal 8 – 7 kaga naxsadeen xulka Uganda oo ugu cadcadaa isreebreebka CECAFA, difaacanayayna koobka horyaalka gobolka.

Xulka Soomaaliya waxuu iska caabiyey si kastoo looga badin karay, islamaarkaasna soo bandhigay qaab ciyaareed soo afjaray sanado badan oo guuldarro ahaa.

Tartankii isreebreebka 17 jirada ee Rwanda (2019) oo lagu soo gabagabayn lahaa Morocco (2020) ayaan la qaban caabuqii Covid-19 dartiis. Bisha Abril 2023, Soomaaliya waxay wareegga AFCON ee ka dhici doono Aljeeriya (Jasaa’ir) ku wajihi doonta imtixaano adag.

Garoonka Addis Ababa waxaa laga bartay haddii ciyaartoyda laga daayo musuq-maasuqa, eexda, iyo qof jeclaysiga, laguna soo xusho ciyaaryahanka tayada xirfaddiisa, kartidiisa iyo aqoontiisaba, iyadoo aan loo eegin hal-qaybsiga 4.5, in Soomaaliya loo barbardhigi karin. Weliba marka ay helaan macallin u hagarbaxay sida Nuur Maxamed Aamiin.

In ku dhaw afartan sanadood, ayay ciyaartoyda Soomaaliya ka maqnaayeen masraxa guusha kubadda cagta gobolka (CECAFA). Guusha taariikhiga ah ma siinayso dalka fursad ay Soomaaliya kaga qaybgalaan wejiga labaad ee ciyaaraha CECAFA keliya ee waxay baaqa u diraysaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee dunida daafaheeda ka ciyaarta inay u saftaan qarankooda.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Laas Caanood – Caalamka Ma ka Hortagi Doonaa in Soomaaliya Ka dhacdo Xasuuq?

Jamhuriyadda Xiisadda ka aloosan gobolka Sool ayaa u muuqata mid maalinba maalinta ka dambaysa ka sii dheeraanaysa soo...

Diblomaasiyaddii Sanadka – Riyadh iyo Tehran oo Si Lama Filaan ah u Heshiiyay Toddoba Sanadood Kaddib

Jamhuriyadda Wadahadallo aan loo kala kicin shan maalmood kaddib, ayay Boqortooyada Sacuudiga iyo Iran ku dhawaaqay Jimcihii March...

Xagee Soomaaliya Loo Wadaa – Dimuqraadiyad Xisbiyo Siyaasadeed Lahayn

Jamhuriyadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay March 8, 2023, munaasabadda saxiixa sharciga Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman,...

Toban Bilood Kaddib – Madaxweyne Xasan Sheekh oo Booqasho Ku tagay Qadar Markii Ugu Horreysay

Jamhuriyadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo aan booqannin dalka Qadar tan iyo dib u doorashadiisii, ayaa toban bilood kaddib...

Recent Comments