Tuesday, November 29, 2022
Home Dacwada Badda & Shidaalka Dib Ula Heshiinta Coastine Exploration Ma Soo Dabi Doontaa Shirkadaha Waaweyn ee Shidaalka?

Dib Ula Heshiinta Coastine Exploration Ma Soo Dabi Doontaa Shirkadaha Waaweyn ee Shidaalka?

Jamhuriyadda

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii October 21, 2022, ansixiyay heshiiskii muranka dhaliyay ee lagu sahamin lahaa toddoba xirmood ee ku yaal biyaha qotada dheer ee Soomaaliya. Wasiirka Betroolka iyo Macdanta Cabdirizak Cumar Maxamed oo aan faafaahin dheeri ah ka bixin arrinka ayaa yiri, “heshiisku waxuu ahaa dhammaystirka heshiis hore loo saxiixay.”

Wasiirkii hore ee Betroolka iyo Macdanta Cabdirashid Maxamed Axmed oo May 12, 2020 daahfuray tartan shati bixin (SP GLOBAL) sahamin toddoba xirmood (152, 153, 164, 165, 177, 178 iyo 204), balse aan ku dhawaaqin ku guuleysteyaasha qandaraaska ayaa si shaki dhalisay ugu saxiixay heshiis shirkadda Coastline Exploration.

Garyaqaanka Guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Afgooye ayaa ka qaaday tallaabo sharci ah dhinacyadii ku lugta lahaa qandaraaska. Wasaarkii hore ee Arrimaha Dibedda Cabdisaciid Muuse Cali oo tixraacaya eedaymaha ayaa Aprill 2022, ku booriyay Coastline Exploration inay dowladda Soomaaliya la shaqayso.

Dowladda ayaa ka shakiday inay shirkadda adeegsatay musuqmaasuq si ay ugu guulaysato qandaraas hawlahii saldhigga u ahaan bixintiisa dhammeystirnayn. Lama oga xaqiiqada balse, shirkadda ayaa 2014kii lug ku lahayd sahminta kheyraadka badda Soomaaliya iyadoo sidatay magac Soma Oil and Gas. 

Inkastoo, Soomaaliya ay horumar ka samaysay dhismaha hay’adaha shidaalka iyo horumarinta sharciyada la xiriira, haddana waxaa caqabad ku noqday amni xumo, xasillooni darro siyaasadeed, iyo dano qaran (federal) iyo kuwo heer gobol oo is haysta. 

Hay’adda IHS Markit oo khabiir ku ah “Petroleum Economics and Policy Solutions – PEPS” ayaa heerka halista Soomaaliya ku tilmaamtay 107 darajo marka la barbardhigo halbeegga 119 dhulal oo ay hore u qiimaysay fursadaha maalgashigooda.

Taas micnaheedu waxuu yahay in Soomaaliya aysan si sahlan u soo jiidan doonin kalsoonida maalgashadayaasha leh karti iyo awood maaliyadeed ilaa shirkadaha gaddisleyda ee halista u bareera oo iibiya xuquuqda baarista (asset flippers) ka helaan bar macaan (sweet spot) biyaha dalka.

Walow, Soomaaliya ay ka mid tahay dhulalka aan weli la sahmin ee ku yaal biyaha diirran oo shirkadaha waaweyn ee shidaalka isha ku hayaan, haddana ilaa hadda Shell iyo ExxonMobil oo 2019kii dib u soo ceshatay xuquuqdoodii dalka lama imaan tub tansaasulaadyadii hore u jiray loogu rogo heshiisyo waafaqsan sharciga badroolka ee 2020. 

Dowladda Federaalka faahfaahin ka bixin halka lagu furay eedayntii taagnayd. Ha ahaatee, in Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo kaashanaya garyaqaanno ka socda Bankiga Adduunka oo ku takhasusay qandaraasyada wax-soo-saar wadaagga shidaalka ay dib u saxaan shan qodob oo shaki ku jiray waxay muujinaysaa in dhabbaha loo xaarayo jawiga ganacsi Soomaaliya. 

Haddii la eego mustaqbalka shidaalka, oo waayahan dambe baahidiisa sii kordhaysay, waxaa la saadaalinayaa in isticmaalka ugu sarreeya gaaska iyo saliidda caalamka aan weli la gaarin. Taas waxay muujinaysaa in dalka Soomaaliya uu ku jiro waqtigii ugu habboonaa ee uu la soo baxi lahaa kaydka shidaal dihan.

Kobaca baahida adduunka ee shidaalka dareeraha ah oo sii kobcaya ka sokow, waxaa laga yaabaa in fursadda maalgashiga sahaminta shidaalka biyaha qotoda dheer ee Soomaaliya dib u soo noolaado dhowr arrimood oo isku aaday awgood:

 IMFta oo March 25, 2020, ansixiyay tubtii lagu gaari lahaa  deyn cafin aan dib u soo noqosha lahayn;

 Maxkamadda ICJ oo go’aan ka gaartay murankii soohdinta badda Soomaaliya iyo Kenya;

 Qiimaha shidaalka maanta oo aan la filayn inuu hoos u soo dhaco dhawaanahaan;

 Dalalka Yurub oo go’aansaday inay ka aalaan shidaalka Ruushka oo dantu ay ku khasbayso helaanna beddelkiisa.

 Dowladda Federaalka oo mudnaan siinaysa la ganacsiga dalalka gobolka;

 Shiinaha iyo Ruushka oo laga yaabo inay soo hunguriyeyaan shidaalka Soomaaliya; iyo

 Kenya oo ku hungowday baariistii shidaalka badweynta Hindiya;

Ilaa hadda daraasaadka sahaminta biyaha qotada dheer ee Soomaaliya waxay muujinayaan rajo kayd saliid iyo gaas ugu yaraan dhan 30 bilyan foosto. Khayraadka oo aan laga bixin saami munaasab ah, iyo canshuuraha oo lala baxsado waxay sababaan saboolnimo, caddaalad-darro, iyo colaad sokeeye oo aan xal lahayn. Rajadu waxay tahay in tani noqoto mid baraka leh oo uu dalku ku barwaaqoobo.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Midowga Afrika oo Ku Boorinaya Soomaaliya Dibudhigidda Bixitaanka Ciidamada ATMIS

Jamhuriyadda Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika (PSC) ayaa Arbacadii November 24, 2022, ka codsatay Soomaaliya in dib loo...

Maxay Kenya iyo Imaaraadka Uga Safteen Soomaaliya?

Jamhuriyadda Golaha Amniga Qaramada Midoobay (QM) ayaa November 18, 2022, dib u cusboonaysiiyay muddo sanad ah (November 15,...

Honduras vs El Salvador: The Football Match That Kicked off a War

By Toby Lukhurst In 1969, El Salvador and Honduras fought a four-day conflict that cost thousands of lives...

World Faces Worst Food Crisis in Modern History

By Kerem Alkin The interconnection of the two global crises is defined by a ‘crisis triangle’ in which...

Recent Comments