Jamhuriyadda
Qaraxyo mataana ah ayaa Sabtidii 29 Oktoobar, 2022 ka dhacay meel u dhaw isgoyskii lagu hoobtay ee Zoobbe. Ma cadda bartilmaameedka saxda ah ee argaggaxisada balse, goobta waxay ahayd meel uu ku yaal hotel yar iyo dugsi oo ku dhaw Wasaaradda Waxbarashada.
Eelka qaraxa oo aan ilaa haddeer la qiimayn cidinana sheegan, ayay u badan tahay inaysan argaggixisadu sheegan doonin walow, uu watay saxiixooda. Aalaaba Al Shabaab ma sheegato marka masiibadu tahay mid weyn, sida aysan weli u sheegan xasuuqii Zoobbe ee Oktoobar, 2017kii.
Haseyeeshee, sawirka hor u dhac ah oo ay warbaahinta soo bandhigtay waa mid aad muruga u leh. Dadka geeriyooday ayaa u badnaa arday maalintaas shahaado u doontay Wasaaradda, ciidamada boliiska, shacbi isaga gooshayay waddooyinka isgoosku isku xiro.
Waxaa beerka dad xanuujiyay ilmo dhawr bil keliya jira ah oo hooyadii ka geeriyootay isagana dhaawac soo gaaray, aabbe goor dhaw gabadhiisa ugu deeqday kellideeda si uu u noolaado, iyo weriye Maxamed Ciise Koonaan ( M24, Goobjoog) oo qaraxii hore ka warbixiyay balse, kii labaad ku geeeriyooday horeyna xabbadda Xamar ay u dishay labadiisii waaliid, walalkiisana lagu dilay Koonfur Afrika.
Waxaa la isweyddiinayaan, sideebay gawaari walxa qarxa ku raran yihiin usoo dhaafeen baraha faraha badan oo lagu baaro, xilli dowladdu ay kula jirto aragaggaxisada dagaal dhan waliba ah?
Inkastoo laga warqabo in ciidamada amniga dalka aysan tanaad ku ahayn qalab khatarta looga hortaggo, iyo tababbarba, haddana waxaa lays weyddiinayaa haddii lagu sameeyay barista caadiga ah gawaarida jidadka ku telteelan.
Si kastaba ha ahaatee, wargeyska Defence Web ayaa qoray in shirkadda Allen-Vanguard oo khabiir calami ku ah teknolojiyada qalabka ka hortagga khatarta qaraxyada inay heshay maalgelin malaayiin doolar (Canadian) ah si ay Soomaaliya ugu qalabayso ka hortagga qaraxyada.
Dadaalka waxuu u muuqdaa mid lagu xaqiijinayo isku filnaashaha ciidanka amniga Soomaaliya. Shirkadda Allen-Vanguard ayaa sheegtay in maaliyadda ku filan tahay qalabka lagama maarmaanka ah iyo tababbarka ka hortagga khatarta qaraxyada.
Ma aha markii ugu horeysay ee qalabka noocaas ah la keeno dalka, balse ciidanka Soomaaliya weligood lama siiyo, inkastoo ilaalada Qaramada Midowbay iyo AMISOM loogu soo iibiyay hanti loogu yaboohay dalka si ay u badbaadiyaan kooxda Xalane.
Qalabka cusub ayaa isugu jira mid lagu rakibi karo gaadiid nooc kasta leh, iyo mid qotomo oo la dhiggi karo xarumaha. Bishii September 2022, ayaa tababbarayaal soo gaareen dalka si loo carbiyo askarta ku hawlgeli doonto. Qalabkaas waxaa ka mid ah teknolojiyada (software and hardware) lagu arbusho xakamaynta iyo isku xirka diyaaradaha dronka ah (UAV).
Dhinaca kale, wixii ka dambeeyay duullaankii Al Shabaab sida ba’an ugu jabtay ee deegaanka Soomaalida Itoobbiya waxaa soo yeeraya far isku fiiq warbaahinta maxalliga ah ay ku tilmaameen “loollan awoodeed,” xilli dagaalka ku furan kooxdu uu yahay mid dhan walba leh.
War ka soo baxay Waxda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in shan xubnood oo hor leh, jagooyinna ka haya hoggaanka Al Shabaab lagu daray liiska argagixisada Caalamiga ah.
Wargaysyada dalka Mareykanka ka soo baxa qaarkood ayaa sheegaya in hoggaanka kooxda ka sokow, isha lagu hayo ganacsatada iyo dadka la macaamila argaggixisada. Madaxweynaha iyo golaha Wasiiradduba waxay si joogta ah uga diga ganacsata inay la macaamilaan argagixisada.
Horraantii October 2022, ayaa duqeyn diyaaradeed (drone strike) oo ay iska kaashteen ciidamada Soomaaliya iyo Mareykanka lagu dilay hoggaamiye madaxeed Cabdalla Naasir oo malaha ahaa dhaxalsuga hoggaamiyaha argagixisada Axmed Diiriye (Abuu Cubeyda) oo la sheegayo inuu nafdhoor yahay.
Dagaalladii ciidanka dalka u kaashanayeen beelaha ayaa u muuqda kuwo dhabbe toosan qaaday. Hiirraan iyo Galgaduud mooyee, waxaa la filayaa inay ku soo biirto Bakool oo xuduud la leh, si aysan ugu soo burqan deegaankaas argaggixisada naflacaariga ah.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.