Jamhuriyadda
Hoggaamiyeyaasha Carabta ayaa maalintii Arbacada November 2, 2022, ku soo gabagabeeyay magaalada Aljeris ee dalka Aljeeriya (Jasaa’ir) shir madaxeedkii 31aad ee Jaamacadda Carabta. Shirku wuxuu ahaa kii ugu horreeyay oo Boqorrada, Amiirrada, Madaxweyneyaasha iyo Ra’iisulwasaareyaasha ku kulmaan tan iyo 2019kii.
Kulanka oo socday laba maalmood ayaa madaxda uu ka midka ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxay kaga wadatashteen dhibaatooyinka ka taagan dalalka Liibiya, Lubnaan, iyo Yaman, inkastoo aysan soo bandhigin hab caawina.
Sidoo kale, waxay isku dayeen inay mawqif midaysan ka yeeshaan xiriirka diblomaasiyadeed ee Israel oo xubnuhu ku kala qaybsan yihiin, iyo walaaca guud ee ka taagan in gobolku noqdo goob colaadeed.
Arrinka muranka dhaliyay ayaa ahaa isku daygii dib u soo celinta xubinnimada Suuriya oo toban sano ka hor la hakiyay. Dalal badan oo galbeed ah ayaa rumaysan in dib ugu soo celinta Suuriya ururka ay u danaynayso Ruushka.
Shirka oo loogu magac daray “Shirkii Falastiin” ayaa lagu tilmaamay inuu astaan u ahaa dib ugu soo laabashada Aljeeriya safka hore ee diblomaasiyadda Carbeed. Aljeeriya ayaa ku guulaystay wadahadallo lagu dhexdhexaadinayay dhinacyada iska soo horjeeda ee Falastiin.
Dhinaca kale, Jamacadda Dowladdaha Carbeed oo la aasaasay 1945tii ayaa u muuqata mid aan lahayn isku-xirnaan dowlad-goboleedyo. Qadiyadda Falastiin oo weligeedba ahayd qodobka lagu mideysan yahay ayaa jahawareer gashay iyadoo hoggaanka Israel ay ku guulaysteen xisbiyada midigta xagjirta ah.
Ururka oo horey u la’ aa awood uu ku dhaqangeliyo waajibaadkiisa ayaa waxaa ku adkaatay inuu isku aragti ka noqdo heshiiska “Abraham accords.” Dalalka diidan ayaa qaba in heshiis aysan la socon qaranimo la taaban karo oo Falastiin uusan ahayn wadiiqo looga bixi karo dhibaatada toddobaatan sanadood ka taagneed gobolka.
Madaxda dalalka xubnaha ka ah Iskaashiga Khaliijka ayaa badankooda ka soo qaybgelin shir madaxeedka. Madaxda Imaaraadka Mohammed bin Zayed iyo Boqorka Morocco Mohammed VI oo si gooni gooni ah uga yeelay xiriirka Israel caadi ayaa malahaa madasha uga baaqday inaan laga cambaareyn xiriirkooda.
Shir madaxeedka Carbeed waxaa kaloo diiradda lagu saaray dhibaatada cuntada iyo tamarta oo ka sii dartay dagaalka Yukrain iyo Ruushka kaddib. Ku dhawaad dhammaan dalalka Carbeed ayaa arrinka Yukrain ka qaatay mawqif dhexdhexaad ah, taasoo ka turjumaysay xaqiiqada ka jirta gobolka.
Warmurtiyeed la soo saaray dhammaadkii shirka ayay madaxdu ku baaqeen in xal loo helo dhibaatada Liibiya. Waxay diideen “faraggelinta shisheeye,” iyagoo si dadban ula jeeday Iran iyo Turkiga. Waxayse isku waafaqeen inay door ka qaataan dadaallada loogu doonayo xalka siyaasadeed Suuriya, iyadoo aan la kala qaybin dalkaas. Waxay ballanqaadeen inay Falastiin la raadin doonaan xubinnimo buuxda ee Qaramada Midoobay (QM).
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.