Saturday, September 30, 2023
Home Diblomaasiyadda Heshiis Nabadeed - Dowladda Itoobbiya iyo Fallaagada TPLF oo Ku Baaqay Xabad...

Heshiis Nabadeed – Dowladda Itoobbiya iyo Fallaagada TPLF oo Ku Baaqay Xabad Joojin Shuruud La’aan ah

Jamhuriyadda

Wadahadalladii dowladda Itoobbiya iyo jabhada TPLF uga socday magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika ayaa November 2, 2022, ku dhammaaday guul kaddib markii lagu heshiiyay in si joogta ah loo soo afjaro colaaddii arxan la’aanta ahayd. Muddo labo sanadood ah ayay colaad ka dhalatay is-qoonsi siyaasadeed dhextiil maamulka Ra’iisulwasaare Abiy Axmed iyo qawmiyadda Tigrayga.

Ergayga Midowga Afrika Olusegun Obasanjo oo si kooban war uga bixiyay heshiiska ayaa yiri, “waxaa lagu heshiiyay hub ka dhigis isku dubaridan iyo inaan la horistaagin gargaarka bini’aadantinimo”. Getachew Reda oo matalayay jabhada Tigrayga oo khasaare aad u weyn ka soo gaaray colaadda ayaa yiri, waxaanu sameeynay “tanaasul xanuun badan”.

Ismaandhaafka ayaa waxaa loo aanaynayaa inuu salka ku hayay dhowr arrimood oo isbiirsaday. Hanaankii Meles Zenawi uu u qaabayey awood qaybsiga dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada ayaa xisbiga qowmiyadda Tigreega (TPLF) awood u siinayay qaab ay ku hoggaamiyso talada EPRDF.

Ra’iisulwasaare Abiy Axmed oo dibuhabeyn isbaheysi aan tixgelin mudnaantii nidaam siyaasadeedkii ka horeeyay dardargeliyay ayaa khatar u muuqday. Furfurnaantii siyaasadda iyo oodda ka qaadistii maxaabbiista oo la filayay inay ku badbaadi doonto wadajirka Itoobbiya ayaa waxba lagu dheefin. Balse, xiisadda waxay cirka isku shareertay kaddib markii maamul-goboleedka Tigraygu ku gacan sayray dib u dhigistee doorashadii August 2020.

Doodda qaran oo ay ku kala aragti duwanaayeen Prosperity Party-ga Abiy Axmed iyo EPRDF-tii Meles Zenazi kuna saabsanayd ilaalinta xuquuqda – qofka amase qowmiyadda, lana filayay in codbixinta doorashada kala saari doonto ayaa isku rogtay dagaal kaddib markii November 2020, ciidamada maamul-goboleedka Tigraygu duullaan ku qaadeen fariisin ciidamada federaalka ku lahaayeen Mekelle.

Cadaadinta Addis Ababa ee reer Galbeedka ayaa sii dhiiriggelisay falalka fallaagada TPLF. Jabhadu waxay ku duushay deegaanada Amxaarada iyo Cafartaba, waxayna carqaladaysay nidaamka kala dambeynta federaalka Itoobbiya, iyadoo aan loo hayn qaab u wada cuntami kara dadweynaha Itoobbiya.

Si kastaba ha ahaatee, in jabhadda TPLF maanta gaarto heer ay tanaasul u samayso maamulka Abiy Axmed ayaa muujinaya inay fahmeen inuu reer Galbeedka oo ku guubaabiyay colaadda uu meel cidla ah uga tegay qadiyadii qowmiyadda Tigray, wixii ka dambeeyay dagaalkii Yukrain. Su’aasha muhiimka ah ayaa ah, hoggaanka TPLF inteebuu ixtiraami doonaa heshiiska.

Heshiisku waxuu ku qasbayaa labada dhinacba inay u hoggaansamaan Dastuurka Federaalka Itoobbiya. Balse, waxaa laga shaki qaba sida jabhadda TPLF oo gacmaha uga xiran reer Yurub ugu heli doonto xuriyad ay ku fuliso axdiga, iyadoo xubnaheeda qaarkood si fudud u carqaladayn karaan heshiiska ay u “arkaan bahdil”.

Inkastoo, dhexdhexaadinta Midowga Afrika ay ka dhabaysay “xallinta Afrika dhibaatooyinka Afrika,” haddana dunida waxay isha ku haysaa sida looga dhabayn doono go’aamada soo afjaraya colaadda lagu hoobtay, iyadoo reer Galbeedku ciilkambiyi.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments