Jamhuriyadda
Shirweynaha 27aad ee Isbeddelka Cimiladda (COP27) oo November 7, 2022, ka furmay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar ayaa looga doodayaa siyaabaha lagu dhimi karo saamaynta taban ee isbeddelka cimilada iyo la qabsiga cawaaqibkeeda. Wufuud ka kala socotay ku dhawaad 200 waddan oo uu ka mid ahaa Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isugu tegay magaalo loo dalxiis tago oo ku taal Badda Cas.
Shirka sanadlaha ah ee Qaramada Midoobay oo markii hore la filayay inuu dhaco November 2020, ayaa caabuqii Covid-19 dartii dib u dhacay. Dalalka qaniga ah oo warshadahooda adeegsadaan shidaal iyo dhuxul dhalisa qiiq loo yaqaan “Greenhouses gasses” oo hawada ku xabbisa kulka, keenana inuu kordho heerka kulka ayaa sababaa masiibada haysata dalalka saboolka ah.
Sanadkaan shirka oo socon doono 13 maalmood, ujeeddadiisuna tahay in lagu heshiiyo bartilmaameedyo cusub oo lagu dhimayo qiiqa (qaaca) sababa isbeddelka cimilada ayaa mawduuca ugu muhiimsan uu yahay khasaaraha ka dhasha cimilada daran.
Dalalka warshadahooda sababaan dhibaatada ma oggola inay dhimaan adeegsiga shidaal iyo dhuxusha dhalisa qiiq mana aha kuwo ay dhab ka tahay falcelinta cimilada faa’iido iyo hunguri awgeeda. Tan iyo markii wadahadallada isbeddelka cimilada bilawdeen dadalka horumaray ee Galbeedka iyo Barigaba waxay ka baqayeen in lagu qasbo qaab magdhow furan.
Haseyeeshee, shir madaxeedka ayaa ku billowday guul kaddib markii dalalku isku waafaqeen in laga hadlo dhaqaalaha wax ka qabadka isbeddelka cimiladda. Waddamada soo koraya oo aan ka soo kabsan karin masiibooyinka ka soo gaarta isbeddelka cimilada ayaa dalbaday magdhow gaar ah oo lagu talagalay khasaaraha u nugulaanta kor u kaca heerka biyaha badda, waxyeelada duufaanta, fatahaada webiyada, daadadka roobka iyo abaarahaba.
Dhowr bilood ka hor, daadad baaxad leh oo ka dhacay Pakistan iyo Nigeria ayaa sababay balaayiin khasaare ah. Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah ayaa abaartii ugu darnayd afartankii sanadood ee la soo dhaafay ku dhufatay ka dib markii afar xilli roobaad baaqdeen. Ilaa 20 malyan qof oo 3.7 malyan oo ka mid ah yihiin Soomaali ah ayaa abaaro barakaciyeen.
Xaallada isbeddelka cimiladu waa halis muuqata marka la eego adduunka oo si degdeg ah u kululaanaya. In quwadaha waaweyn ee dunida (US, Yurub, Shiina, Ruushka, Hindiya, Brazil, Indonesia, iyo Koonfur Afrika) ka fogaadaan dhuxusha oo ah tan ugu wasakhda badan shidaalka, waa lama huraan. Balse, Soomaaliya waxaa u muhiim ah sidii uga faa’iideysan karto kheyraadkeeda si dadkeedu u hormaro una xoojiso dhaqaalaheeda.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.