Saturday, April 1, 2023
Home Diblomaasiyadda Xasan Sheekh oo Mar Labaad Booqday Ciidamada Lagu Tababaro Dalka Eritrea

Xasan Sheekh oo Mar Labaad Booqday Ciidamada Lagu Tababaro Dalka Eritrea

Jamhuriyadda

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqashadiisii labaad, tan iyo markii dib loo doortay, ku tegay Eritrea Khamiistii November 1o, 2022 ayaa mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee socdaalkiisu ahayd sidii dib loogu soo celin lahaa  ciidamdii seddaxda sano tababarka gaarka ah ku qaadanayay dalka jaarka ah.

Wasiirka Warfaafinta Yemen Gebremeskel ayaa November 11, 2022 ku sheegay tweeter in labada madaxweyne ay kormeereen Kulliyadda Duulista (Aviation College) ee dalka Eritrea, halkaas oo dufcad dhan 200 layli lagu tababarayo.

Cutubyo ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ka tirsan ayaa tababaro khaas ah ku qaadanayay dalka Eritrea ilaa 2019. Xogta ciidamadaas ayaa in muddo ah ku xeernaa sir.

Madaxweynihii hore, Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo si rasmi ah May 2022 ugu wareejiyay Xasan Sheekh Maxamuud xilka ayaa munaasabada ka sheegay in bartimihii 2021, askar lagu qiyaasayo in ka badan 5000 tababar saddex sanadood ah ugu dhammaday dalka Eritrea.

Wax yar kaddib markii Soomaaliya, Itoobbiya, iyo Eritrea ku heshiiyeen Iskaashi Seddax Geesood ah ayay Eritrea ugu deeqday Soomaaliya inay ka taakulayso la dagaallanka argaggixisada una soo tababbarto ciidaan ku xeeldheer dagaallada jabhadaynta (guerrillia warfare).

Balse, dadaalka waxaa isku dayay inay kala daadiyaan shisheeye aan marnaba doonayn in Soomaaliya ay yeelato ciidan cudud leh, kaddib markii ay faafiyeen kutiri-kuteen leh in Eritrea ay si qarsoodi ah u gelisay layliyada Soomaaliyeed dagaalka Tigrayga.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xaallada Soomaaliya wadahadallo ballaaran kala yeeshay dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki ayey isku afgartay iskaashi dhinacyo badan, iyagoo isla gorfeeynayay isbeddelka ka dhacaya gobolka. Booqashada ayaa ku soo beegantay xilli argagixisada looga gacan sareeyo dagaal dhan walba leh, jabhaddii TPLFna lagu qasbay inay isku dhiibto maamulka Addis Ababa.

Dowladda Xasan Sheekh ayaa la daalaadhacaysa caqabado waaweyn sida la tacaalidda abaaro daba dheeraaday oo barakaciyay dad kor u dhaafay ilaa 3.7 malyan, xakamaynta argagixiso arxan la’aan ah oo dadka iyo duunyada abaarta ku habsatay ka burburinaysa ceelashii biyaha, iyadoo weliba isku  dayaysa inay isku hayso dal burbursan.

Si kastaba ha ahaatee, Xasan Sheekh waxuu dardargelinayay iskaashi heer goboleed ah oo wejiyo badan korna u qaadi kara xiriirka dalku uu la leeyahay dalalka jaarka ah, si gobolku ugu wada noolaado nabad, amni iyo horumar waara.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Five Tips for Cardiovascular Patients Fasting During Ramadan

By Daily Sabah Those who suffer from cardiovascular diseases can fast during Ramadan with the approval of their...

Laas Caanood – Caalamka Ma ka Hortagi Doonaa in Soomaaliya Ka dhacdo Xasuuq?

Jamhuriyadda Xiisadda ka aloosan gobolka Sool ayaa u muuqata mid maalinba maalinta ka dambaysa ka sii dheeraanaysa soo...

Diblomaasiyaddii Sanadka – Riyadh iyo Tehran oo Si Lama Filaan ah u Heshiiyay Toddoba Sanadood Kaddib

Jamhuriyadda Wadahadallo aan loo kala kicin shan maalmood kaddib, ayay Boqortooyada Sacuudiga iyo Iran ku dhawaaqay Jimcihii March...

Xagee Soomaaliya Loo Wadaa – Dimuqraadiyad Xisbiyo Siyaasadeed Lahayn

Jamhuriyadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay March 8, 2023, munaasabadda saxiixa sharciga Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman,...

Recent Comments