Jamhuriyadda
Shirweyne maalgashi oo kulmiyay ganacsatada dalka, qurbo-joogta iyo martisharaf ka kala socdaday dalal kala duwan ayaa November 29, 2022, lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho. Shirka waxaa wada qabanqaabiyay Dowladda Fedraalka Soomaaliya iyo ganacsatada dalka waana kii ugu horreeyay oo noociisa ah ee ka dhaca dalka gudihiisa.
Walow, Soomaaliya weli si habboon uga soo kabsan colaaddii sokeeye ee dibudhigay, haddana waxaa jira astaamo horumar (kobac dhaqaale oo dhan 2.9%) oo ka turjumaya hirgelinta dibuhabaynta maaliyadda iyo dhaqaalaha dalka.
Warbixin uu kol dhow soo bandhigay Bankiga Adduunku ayaa saadaalisay in kobaca dhaqaaluhu (GDP) gaari doono 3.6% sanadka 2023, iyadoo la filayo inuu sanadka xiga (2024) uu noqdo 3.7%.
Toddobaadyo ka dib markii uu Xasan Sheekh Maxamuud xilka la wareegay ayaa Bankiga Dhexe ee Soomaaliya (BDS) bixiyay shatiyadii ugu horreeyay oo la siiyo bunuug aajnabi ah.
Maamulkiisa ayaa rumaysan in dalku uusan la dagaallami karin faqri ilaa uu dibedda ka helo raa’sumaal dhaqaajiya dhaqaalaha si uu ula jaanqaado waddamada soo koraya.
Hay’adda “British technology research firm Cable” oo sahmin ku sameeysay 2020kii 228 dal ayay Soomaaliya ka gashay doorka 7aad jabanaanta adeegga “mobile internet” ee qaaradda Afrika. Dhaqanka halis u bareeridda bulshada Soomaaliyeed ayaa dalka u horseeday isha fikrado dhiirrigeliyay curinta xal cusub.
Qaabka lacag bixinta teleefoonnada gacanta (EVC Plus) oo uu Bankiga Dhexe ee Soomaaliya sharciyeyay February 2021 ayaa kor u qaadday kalsoonida lagu qabo nidaamka (mobile phone-based transactions).
Waxaa si joogta ah u adeegsada isdhaafsiga lacagta moobillada teleefonnada gacanta dalka in ka badan 79% dadka qaangaarka ah. Xawaaladaha qurba-joogta oo kor u dhaafaya 2 bilyan doolar sanadkii ayaa kaalin weyn ka qaatay in dalku ka badbaado masiibooyinkii uu soo maray.
Si kastaba ha ahaatee, dalka waxuu ku wajahan yahay 2023 inuu u gudubo halbeegga barnaamijka deyn cafinta dalalka saboolka ah oo loo yaqaan “completion point.” Waxaa lama huraan ah in maalgashi micno leh loo helo dibudhiska kaabayaashiisa dhaqaalaha si dalka ugu fududaato (gingimo) suuqgeynta khayraadkiisa dabiiciga ah.
Soomaaliya waxay ka mid tahay dhulalka aan weli la sahmin ee ku yaal biyaha diirran oo shirkadaha waaweyn ee shidaalka isha ku hayaan, balse aan lahayn kaabayaal dhaqaale oo casri ah.
Sidoo kale, waxaa kaalmo dhaqaale iyo khibradba u baahan ganacsatada dalka si suuqooda gobolka uu u ballaarto. Balse dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa looga baahan yahay inay ka digtoonaato saamaynta xun ee maalgashiga shisheeyuhu ku yeelan karo hantida curdunka ah.
Halbeegga “completion point”waxuu dabada ku sitaa xoreynta ganacsiga. Dalku uma diyaarsana shuruuc ka difaacda dhaqaalaha soo karaya cilladaha maalgashiga shisheeye, amaseba ka ilaaliysa inuu lumiyo madaxbannaanidiisa go’aan qaadashada dhaqaalaha.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.