Thursday, June 1, 2023
Home Ciyaaraha iyo Dhaqanka Koox Cajiib ah - Morocco Ma Ku Guulaysan Doontaa Koobka Adduunka ee...

Koox Cajiib ah – Morocco Ma Ku Guulaysan Doontaa Koobka Adduunka ee 2022?

Jamhuriyadda

Xulka Qaranka Morocco ayaa guul taariikh samayay kaddib markii uu noqoday kooxdii ugu horaysay ee Afrika oo u gudubta semi-finalka Koobka Kubadda Cagta Adduunka. Maalintii Sabtida December 10, 2022, ayuu weeraryahan Youssef En-Nesyri daqiiqado ka hor waqtigii nasashada dhaliyay goolka keliya ee looga badiyay kooxda Portugal.

Khubarada koobka cagta ayaa isku raacsan in xulka qaranka Morocco ka mid yahay kooxaha ugu difaaca fiican Koobka Adduunka ee 2022. Labada kooxood ayaa ciyaarta ku bilaabay si qurux badan. Xulka Portugal oo kubad haynta ku badnaa ayaa awoodi waayay inuu jebiyo difaaca kooxda Morocco.

Morocco oo ay barbaro ku kala baxeen Spain kaddib markii labada koox midkoodna u suurtagelin inuu gool dhaliyo waqtigii caadiga ahaa ayaa seddaxa iyo eber gool ku laad (penalty shootout) kaga badisay kooxdii Madrid, una gudubtay wareega sideeda koox (quarter-finals) ee dhammaadka Koobka Adduunka.

Xulka Morocco ayaa noqdey kooxda ugu cajiibka badan ee tartanka. Waxay isdabadhigeen kooxihii “Ronaldo iyo Neymar” oo ka mid ah ciyaaryahanada ugu tayada ficnaa dunida. Ciyaaraha Dooxa ayaa ku bilawday la yaab kaddib markii Libaaxyada Morocco si geesinimo leh iskaga difaaceen xulka Croatia oo 2018kii gaaray semi-finalka Koobka Adduunka.

Morocco ayaa hoggaanka u qabatay kooxihii wareegga F, kaddib markii ay labo iyo hal kaga badisay Canada una soo baxday wareegga 16ka kooxood ee Koobka Adduunka markii labaad tan iyo 1986. Kulankeedii labaad ee ay Libaaxyada Morocco ku ciyaaraan Dooxa (November 27, 2022), ayay kaga badiyeen kooxda Belgium labo iyo eber. FIFA ayaa kooxda Belgium ku qiimaysay inuu yahay xulka ugu sareeya Yururb.

Qaaradda Afrika oo aan weligeed ku soo bixin dhammaadka Koobka Adduunka ayaa maanta u muuqata in cidna ka xigin guusha. Waxay dunida indhaha kala furtay markii uu ciyaaryahankii Cameroon – Roger Milla ku niikiyay Italia 90.

Si kastaba ha ahaatee, casharka laga bartay kooxda Morocco oo ciyaaryahanadoodu 14 ka mid ah 26ka ku dhashay qurbaha (Spain, Canada, France, Netherlands iyo Belgium), ayaa ah in haddii ciyaaryahanadu ku midaysan yihiin qiiro qarannimo ay ka guulaysan karaan cid kasta.

Tababaraha xulka Walid Regragui oo xirfadiisa tababarenimo bilaabay keliya sideed sanadood ka hor ayaa caddeeyay in kooxi ka soo dhalaali karto tartanka u xiran xulalka qaaraddaha Yurub iyo Koonfur America, iyadoo aan hanti fara badan la hayn.

Waa guul cajiib ah oo aan la rumaysan karin. Waxaase dhabanaha lala haystaa xulka Morocco ma ka badin doonaa midka France!

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Iftin: The Band that Soundtracked Somalia’s Golden Age

By MEE Correspondent Iftin Band defined an era of post-independence positivity and spread messages about public health and...

Recent Comments