Saturday, June 3, 2023
Home Caalamka Natiijada Hubal La’aanta - Shir-madaxeedka Carabta iyo Shiinaha Saamayn Ma Ku Yeelan...

Natiijada Hubal La’aanta – Shir-madaxeedka Carabta iyo Shiinaha Saamayn Ma Ku Yeelan Doonaa Maraykanka?

Jammhuriyadda

Shir-madaxeedkii ugu horreeyay ee Carabta iyo Shiinaha ayaa Jimcihii December 9, 2022, ka furmay Riyadh. Shirka oo ay ka qaybgaleen tobaneeyo madax Carbeed iyo Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa looga baarandegayey sidii loo hormarin lahaa iskaashiga labada dhinac, inkastoo galbeedku dareen uu ka muujiyay.

Shirweynaha looma qaban in looga caraysiiyo Maraykanka, walow uu ku soo beegmay xilli xasaasi ah oo xiriirka Riyadh iyo Washington uu soo galay madmadoow. Riyadh iyo Abu Dhabi ayaa bishishii Oktoobar 2022, ku raacay Ruush go’aanka dhimista waxsoosaarka saliidda.

Biden wuxuu si toos ah ugu goodiyay Sacuudiga aargoosi. Kongareska Mareykanka ayaa ansixiyay sharci (NOPEC) u fasaxay Xukuumadda Washington in la tiigsato maxkamad dembiga si uklakac ah kor loogu qaado sicirka saliidda. Khaliijka Carbeed oo uu ka mid yahay Sacuudiga ma doonayaa inay kala doortaan xiriirka Washington iyo Beijing, inkastoo Beijing tahay lammaanaha ugu weyn ee ganacsiga gobolka. 

In ku dhow labaatan sano ayaa ganacsiga xorta ah ee dalalka Khaliijka iyo Shiinaha laga wadaxaajoonayey. Waxuu dhaafi la’yahay fikrad, waxaana lagu kala tagay dhowr jeer, haddana ganacsiga laba-geesoodka ah ee Khaliijku la wadaago Shiinaha waxaa lagu qiyaasay inuu 2021kii gaaray ku dhawaad 2 iyo bar trillion doolar. 

Shir-madaxeedka ayaa laga yaabaa inuu dardargeliyo gorgortanka daba dheeraaday. Diblomaasiyiin Carbeed ayaa rumaysan in danaynta gobolka xiriirka Shiinaha ay ka dhalatay shakiga laga qabo sii jiritaanka iskaashiga Khaliijka iyo Mareykanka, inkastoo Beijing xiriir soke la leedahay Tahran.

Dhinaca kale, Riyadh ayaa xiriirka la ganacsi Shiinuhu u aragta inuu udub dhexaad u yahay qorshaheeda 2030 ee ka fogaanshaha dhaqaalaha ku tirsan dakhliga shidaalka keliya. Riyadh iyo Beijing waxay marar kala duwan isku soo qaadeen in qandaraasyada shidaalka saldhig looga dhigo lacagta “yuan”. Haddii taasi dhacdo, lacagta Shiinuhu waxay noqon doontaa mid caalami ah oo doollarka kula tartanta ganacsiga shidaalka.

Tani iyo 70yadii ayay dowladda Shiinaha ku dadaashay in lacagta Maraykanka aysan noqon karin lacag caalami ah sababto ah Maraykanku wuxuu u adeegsan karaa “Doollarka” hub uu ku ciqaabo ciddii uu rabo. Taas waxay si cad usoo muuqatay kaddib marka uu madaxweyne Turmp uga baxay Iran heshiiskii lala saxiiday, dalalka Yurubna ay awoodi waayeen inay  iibsadaan shidaalka Iran, maadaama uu cunaqabatayn saaray Tehran.

Shirkadaha Shiinaha ayaa dhismooyin kaabayaal dhaqaale ka wada Cumaan, Masar, Kuwait iyo Sacuudiga. Iskaashiga labada dhinac waxaa ka mid ah horumarinta qaybta farsamada sare (high-tech sector) iyo isku-gudbinta teknolojiyada (technology-transfer) oo sahlaysa horumarka. Gobolka qaniga ah ayaa dib uga dhacsan ka faa’iidaysiga aqoon-wadaaga (knowledge-sharing) caalamka.

Dadka dhaliila dhaqanka la ganacsiga Yurub iyo Mareykanka ayaa rumaysan in reer galbeedku u ka horistaagay dalalka Carabta, gaar ahaan Khaliijka qaniga ah inay la wadaagaan aqoonta casriga ah, amaseba ka iibiyaan qalabka iyo teknolojiyada muhiimka u ah horumarkooda dhaqaale iyo cududba.

Si kastaba ha ahaatee, dowladdaha Carbeed waxay aad ugu baahan yihiin horumarka teknolojiyada iyo ciidamada ee dalka Shiinaha. Waxay hamminayaan inay Shiinaha ka helaan hubka uusan u oggolayn reer galbeedka, amase uusan qabin sida difaaca cirka ee Turkiya ku kalliftay inay ka gadato Ruushka. Khaliijku oo arkay horumarka Iran, Israel iyo Turki ayaa dhiirrada saaraya dabajoogga danahiisa qaran, xitaa marka laga yaabo in danahaas ka fogeynayaan xulufaysigii galbeedka.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Iftin: The Band that Soundtracked Somalia’s Golden Age

By MEE Correspondent Iftin Band defined an era of post-independence positivity and spread messages about public health and...

Recent Comments