Monday, June 5, 2023
Home Caalamka Shir-Madaxeedka Washington – Mareykanka Ma Ka Dhabbaa Inuu Afrika Siiyo Waxay Doonayso...

Shir-Madaxeedka Washington – Mareykanka Ma Ka Dhabbaa Inuu Afrika Siiyo Waxay Doonayso Mise waa Dabin Hor Leh?

Jamhuriyadda

Madaxweyne Joe Biden ayaa Washington DC ku soo gunaanuday December 15, 2022, Shir-madaxeedkii labaad ee Afrika iyo Mareykanka. Siddeed sano ka hor (2014kii), ayuu martigeliyay Barack Obama, tan iyo wixii ka dambeeyayna waqti looma helin shir-madaxeed kale.

Donald Trump ayaa ka weecday dhabbihii Obama, muwaadiniinta qaaradda qaarkoodna ka mamnuucay geyiga Mareykanka isagoo diiradda saarayay dalkiisa, halka uu door hoggaamin ka qaadan lahaa adduunweynaha.

Biden wuxuu ku casumay madasha 49 hoggaamiyeyaal, waxaana si ula kac ah looga tagay Giini (Guinea), Suudaan, iyo, Burkina Faso, oo uu afgembi ka dhacay iyo dalal aan u nuglayn siyaasadda Maraykanka sida Eritrea iyo Mali. Afgembi, iyo xuquuqda aadanaha, waxay dalalka Galbeedka u adeegsadaan hab ah “Lajoojiyaan Bannaan La Jiifshaana Bannaan.”

Waa fara-kutiris madaxweynayaasha loo yeertay ee ku fadhida kursi doorasho xalaal ah ama dhawra xuquuqda aadanaha. Waxaa tusaale nagu filan Cabdilfataax Siisi oo kursiga kaga xayuubay afgembi madaxweyne dadweynuhu doortay.

Doodda shirka ayaa diiradda lagu saaray hirgelinta Xeerka Kobaca iyo Fursadaha Afrika (Africa Growth and Opportunity Act) ee Bill Clinton iyo dadaalkii Barack Obama (2018) ee tamar (kornonta) gaarsiinta malaayin Afrikaan ah, iyo kordhinta ganacsiga labada dhinac. Balse, hindiseyaashu anfac uma yeelan ganacsiga Afrika ee Mareykanka oo ka hooseeya 1%, una badan shidaalka Angola iyo Nigeria. 

Shirka waxaa looga dhawaaqay 55 bilyan doolar oo lagu bixin doono gargaarka dhaqaalaha Afrika seddaxda sano ee soo socda. Kuwaasoo ay ka mid yihiin 350 milyan oo loo qoondeeyay fududaynta dhaqaalaha Afrika ee adeegsada isgaarsiinta casriga ah (digital economy) iyo 75 malyan oo loogu talaggalay: daahfuridda xukuumadaha, diiwaangelinta codbixiyayaasha, iyo toosinta dastuurrada oo shuruudahoodu laga yaabe inay ka fudud yihiin 2 bilyan ee gargaarka gurmadka ah, iyo 11 bilyan ee amniga cunnada. 

Shirka saddexda maalmoodka ayaa ahaa tallaabo dib u hagaajin karta kalsoonida qaaradda. Madasha Ganacsiga Mareykanka iyo Afrika oo ay ka qaybgaleen madax ka socotay in ka badan 300 shirkadood ayaa iyana looga dhawaaqay heshiisyo dhan 15 bilyan doolar.

Su’aal waxay ka taagan tahay, ballanqaadyada cusub ee Aqalka Cad ma ka badbaadi doonaan cillada siyaasadaha maamullada isbeddela ee Washington. Wargeyska New York Times ayaa December 15, 2022 soo tebiyay in madax Afirikaan ah oo magacyadooda aan la shaacin ay yiraahdeen “ballanqaadkan waxuu mari doono jidka kii waagii Obama ee mari waayay Congreska.

Dhinaca kale, dadaalka dib u soo noolaynta xiriirka labada dhinaca ayaa waxaa u sabab ahayd mawqifkii dhexdhexaadka ahaa ee dowladaha Afrika ka qaateen colaadda Yukrain iyo Ruuska. Wargeyska The Hill oo wax ka qora xogaha “Congreska iyo Dowladda Maraykanka” ayaa December 15, 2022  ku tilmaamay ujeeddada shirka inuu yahay “xoojinta xiriirka Maraykanka uu la leeyahay Afrika iyo ishoristaga saameynyta Shiinaha iyo Ruushka.”

Labaatankii sano ee la soo dhaafay Shiinuhu waxuu dardargeliyay shirar saddex sanadle ah ee horumarineed. Ganacsigiisa laba geesoodka ah waxuu gaaray 254 bilyan doolar, iyadoo sannadkii 2020 maalgashiisa toos ah dhammaa 43.4 bilyan, halka Mareykanka ganacsigiisa uu ahaa 64 bilyan doolar keliya.

Kaalmada reer galbeedka waxaa mar waliba la socota shuruurdo ku adag dalalka Afrika oo ay ka mid yihiin: nooca xukuumadaha ay  u oggol yihiin qaaradda, ku dhaqanka buuxa ee suuqa  xorta ah, dhawrista xuquuqda aadanaha, iwm., halka dhanka kale aysan ku xirnayn shuruudo farggelinaynna arrimaha gudaha ee dalalka kale.

Qaaradda waxay u baahan tahay in la iska kaashado maalgashiga kaabayaasha dhaqaalaha, ganacsiga yaryar iyo tacliinta casriga ah oo muhiim u ah barwaaqeynteeda, Mareykankuna waxuu si joogta ah diiradda u saaraa amniga iyo horumarka aan muuqan.

Dad badan ayaa rumeysan inuu shirka aflaxi lahaa, haddii uu ku ekaan lahaa inuu noqdo lamaane la isku halayn karo, ee uusan qaaradda u adeegsdeen loollan salka ku hayaa:

b) In Afrika ay ku nool yihiin hal billion iyo 300 milyan qof oo baaxadda suuqooda dhaqaale kor u dhaafiyo 3.4  trilyan dollar;

t) In Afrika ay ku dihan yihiin shidaal ka fara badan 10% kaydka adduunka, qanina ku tahay macdan fara badan ee teknologiyada casriga iyo kuwa qaaliga ah sida maaska, dahabka cad iyo kan casba, iwm; iyo

x) In dhanka beeraha, biyaha, iyo kaymaha Afrika ay yihiin kuwa weli dihan oo adduunka ugu badan.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Soomaaliya – Doorashada Dowladaha Hoose ee Puntland oo Xiisad Siyaasadeed Abuurtay!

Jamhuriyadda Shacabka ku dhaqan maamul goboleedka Puntland ayaa cashar siyaasadeed u dhigay qawlaysatada siyaasadda, kaddib markii ay u dareereen...

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Recent Comments