Sunday, January 29, 2023
Home Diblomaasiyadda Waxii Been Laga Sheegaba Waa Kuwaan Ciidamadii Lasoo Daadgureenayo

Waxii Been Laga Sheegaba Waa Kuwaan Ciidamadii Lasoo Daadgureenayo

Jamhuriyadda

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu December 21, 2022,  bilawday qorshihii dib u soo celinta cutubyada ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ee tababbar gaar ah ku qaadanayay dalka Eritrea.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo tan iyo markii dib loo doortay, booqasho laba jeer ah ugu tegay cutubyada, ayaa maalmo ka hor  u sheegay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnisota in daadgurayntooda ay billaabmi doonto bishan dhammaan doontana  bisha January 2023. Xogta ciidamada ku sugnaa dalka jaarka ah tan iyo 2019 ayaa ahayd mid ku xeernayd sir iyo muran la siyaasadeeysan.

Wasiirka ayaa sheegay inay ka qeybgeli doonaan hawlgallada dalka looga xuraynayo khawaarijta. Dib u soo celintooda ayaa ku soo beegantay xilli argaggixisada looga gacan sareeyo dagaal dhan walba leh. Cutubyada oo cudud taya leh ku soo biirinaya Xoogga Dalka ayaa damaanad qaadi doona ammaanka dalka iyo soohdimihiisaba. 

Wax yar kaddib markii Soomaaliya, Itoobbiya, iyo Eritrea ku heshiiyeen Iskaashi Seddax Geesood ah ayay Eritrea ugu deeqday Soomaaliya inay ka taakulayso la dagaallanka argaggixisada una soo tababbarto ciidaan ku xeeldheer dagaallada mileteriga ka sokow, kuwa  jabhadaynta.

Ilo wargaleen ah ayaa sheegaya in socdaal hawleed aan hore loogu sii dhawaaqin oo uu Madaxweynaha Kenya William Ruto ku tagay dalka Eritrea December 9, 2022, sabab u ahayd walaac uu dalkiisa ka qabo ciidamada Soomaaliya loo tababbaray iyo saamaynta ka dhalan karta dagaalka Muqdisho iclaamiyay ee argaggixisada.

Booqashadu waxay ahayd isku day lagu kala dhilqin lahaa xiriirka Muqdisho iyo Asmara. Kenya waxaa dareen geliyay in u dagaallamayaasha Al-Shabaab ay usoo firxan karaan deegaannadda ay joogaan ciidamadooda. Waxuuse war ka taagan yahay inteebuu weerarka diblomaasiyadeed ee William Ruto xallin doonaa ku kala aragti duwanaanshaha Asmaha iyo Nairobi arrimaha “geopolitical” ah ee gobolka.

Tan iyo duullaankii (October 2011) dowladda Kenya ku qabsatay gobolka Jubbaland ee dalka Soomaaliya xiriirka Eritrea iyo Kenya ma fiicnayn. Nairobi waxay ku eedaysay Asmara inay hubayso Soomaalida, waxayna u ololaysay welina dabada ka waddaa cunaqabateynta Eritrea iyo Soomaaliya.

Dadka indhaha ku haya siyaasadda gobolka ayaa rumaysan in ujeeddada ka dambaysa diblomaasiyadda Kenya ay tahay xeelad lagu dheellitarayo awoodda sii kordheysa ee ciidamada Soomaaliya.

Waxay u aragta heshiiska Iskaashi Seddax Geesood ah ee Geeska Afrika ee waqtigii Farmaajo inuu yahay tab Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobbiya ku go’doominayaan, xadgudubna ku ah mabda’ urur goboleedka IGAD.

Inkastoo, Xasan Sheekh uu hagaajiyay xiriirkii diblomaasiyadeed, kuna dadaalay inuu mudnaan siiyo iskaashiga Soomaaliya iyo Kenya, haddana Nairobi waxuu ula muuqdaa qof sii wadi doono iskaashiga qowmiyada “Cushitic”.

Kenya oo taas maanka ku haysa ayaa si bareer ah uga soo horjaysatay diidmadii Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika ee dib u cusboonayntii cunaqabateynta hubka. Waxay u aragtaa taag darrada Soomaaliya dheef ay ku sii joogi karto Jubbaland oo ah maamul-goboleed hayin u ah.

Waxaa marag maddoonta ah in madaxweyne Xasan Sheekh uu dadaal fara badan ku bixiyay soo celinta ciidamada kana cudurdaartay fallooyinkii uu ka bixiyay xiriirka Soomaaliya iyo Eritrea markuu musharraxa ahaa. Waagaas kooxaha mucaaradka waxay abaabulayn dacaayado runta ka fog oo meelkadhac ku ahaa guud ahaanba qaranimada Soomaaliyeed.

Maanta oo ay runtii bannaanka taal, dadweynuhuna uu ujeedo wacnaanta ciidamaada raad weyn ku reebi doonto dagaalka lagula jiro argaggiisada iyo sugidda difaaca dalkaba, waxaa qaan ku ah haddii ay leeyihiin “qiyam- moral values” inay saxaan qaladkoodii sharciyeeyaana xuduuda ku xadgudubka hay’adaha qaranka.

Warbaahinta Soomaaliyeed waxay dhammaan isku raacday in siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay ku dhaliilan yihiin inaysan kala sooci karin danaha qaran ee lama-taabtaanka ah iyo danahooda shakhsi ee saldano ku gaaraan ah. Maanta qoomamayn bay taagan yihiin siyaasiyiintii dacaayadahaas shalaytoole faafinayay ileen, “Hadal Waxuu Leeyahay Daan La Qabto, Daba La Qabtose Ma leh.”

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Laas Caanood Ma Go’aamin Doontaa Masiirka Ummadda Soomaaliyeed oo Idil?

Jamhuriyadda Toban iyo shanti sano (2007) oo ay Somaliland maamulaysay waxaa ka dhacayay Laas Caanood dilal lagu beegsanayay...

Laas Caanood: Kacdoonka Buluugga Fariin Caynkee ah ayuu Sidaa?

Jamhuriyadda Odoroska waa saadaalin ama malayn waxa dhici kara mustaqbalka, iyadoo sal looga dhigayo xisaabin cilmiyeed, ama isu geynta xaaladaha...

Xaaladda Koonfur Galbeed – Shirka Dibuheshiisiinta Siyaasiyiinta Gobolka

Jamhuriyadda Xaaladda kacsan ee Koonfur Galbeed (KG) ma aha mid haddeer billaabtay.  Runtii waxay billaaabatay bishii Diseembar 2018,...

No More – Diblomaasiyadda Midowga Yurub ee Xasarado Abuurka ah 

Jamhuriyadda Warbixin hoosaad Midowga Yurub uu ku baadiggoobayay xiriirka Afrika oo ay ka qaybgaleen diblomaasiyiinta waddamada Yurub u...

Recent Comments