Jamhuriyadda
Sida horeyba ay u saadaaliyeen dadka ku xeeldheer siyaasadaha waxaa saqdhexe habeenkii 28ka Diseembar 2022, fashal ku dhammaaday Shirkii Wadatashiga Qaran (SWQ) ee Dowladda Federaalka iyo Maamul-goboleedyada.
Jawiga uu shirka ku qabsomay ayaa ahayd in caasimadda ay la kulantay bandoo curyaamiyay isu-socdka magaalada kaddib markii ay marti ka kala timid Jamhuuriydda Jabuuti oo uu hoggaaminayay Madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle, dalka Kenya oo uu u matilayay Wassirka Gaashaandhigga Aadan Barre Ducaale, iyo Madaxa Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Itoobbiya Mustafe Maxamuud Cumar Cagjar.
Wuffuuddu waxay u yimideen inay ka qayb galaan: Daahfurka Akadeemiye-Goboleedka Af Soomaaliga (AGA). Waxaase kaloo kulanka Muqdisho weheliyay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dhexdhexaadinayo dalalka Jabuuti iyo Eritrea, iyadoo dhacdooyinka Laascaanood ay ayaamahanba ahaayeen wararka dhegta loo taagayay.
Warbaahinta rasmiga (SNTV) ee Dowladda Federaalka ayaa shaacisay warmurtiyeed yaab leh oo nuxrirkiisa ahaa in la falanqeeyay ajeenda ka kooban 5 qodob oo kala ah:
- Federaalaynta Garsoorka;
- Astaynta Awoodaha Heerarka Dowladda;
- Sugidda Amniga;
- Dimuqraaddiyayanta; iyo
- Dhacdadii Baydhabo.
Shirku waxuu isku raacay arrimahaas oo idil, balse waxaa la sheegayaa in Maamulaha gobolka Puntland uu diiday inuu saxiixo labada qodob ee ugu horreeya oo ahaa kuwii ugu muhiimsanaa gogosha.
Waxaa la yaab leh sida loo hirgelin doono qodobbo aan laysku raacin sida Federaalaynta Garsoorka iyo qodobka kala saari lahaa awoodaha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboboleedyada xubinta ka aha oo aan waxba laga sheegin nuxrurka khilaafka.
Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macallin Maxamed oo ay warbaahinta dowladda miciin ka doontay inuu dadwaynaha u ifiyo waxa lagu heshiiyay iyo sida xaaladdu ay tahay, waxba ma uusan caddayn, balse wuxuu sheegay in hadda wax waliba lagu heshiiyay oo wixii hadda ka dambeeyana ay Soomaaliya leedahay Dastuur lagu heshiiyay oo afti lala hortagi karo.
Waxaba waxan oo idil kasii yaab badan sidee ay u heshiinayaan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ay ka mid yihiin Koonfur Galbeed, Galmudug, iyo Jubbaland oo la og yahay khilaafka u dhexeeyo iyaga iyo Muqdisho meesha uu gaarsiisan yahay.
Waxaa kaloo ka socday caasimadda shir ku soo beegmay kii Wadatashiga Qaranka una dhexeeya Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo koox lagu sheegay Wadatashiga Musharraxiinta Koonfur Galbeed.
Shirku waxuu daba jooga dadaal uu waayahan dambe waday Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo kusoo fashilay Baydhaba markuu Cabdulcasis Xasan Maxamed Laftagareen cagta mariyay wixii laysla gaaray. Dadaalku waxuu markii horeba u muuqday mid dhantaalan oo uu u gudoomiye Madoobe dhan la safnaa.
Shirka Wadatashiga Qaranka waxaa laga sheegay in arrinka Koonfur Galbeed uu duco iyo talo u baahan yahay si khilaafka wadahadal loogu dhameeyo.
Taas waxay ka markhaati kacday inaan meel laysla dhicgin arrinka oo maalintii hore ay shirka dood adag ka dhacday kaddib markii Laftagareen uu ku hadlay inuu dhibbane uu yahay siyaasad lagu takoorayo, sababtoo ah mudda kordhinta Koonfur Galbeed oo qur ah ma saamayn.
Sida muuqata shirka kama hadlin muddo kordhin xileedka ay sameesteen maamul-gobooleeedyada aan ka ahayn Puntland. Xasan Sheekh marna ma uusan caddayn mawqifkiisa dhabta ah ee uu ka qabo kordhinta muddo xileedka goboleedyada diidmo iyo oggolaasho toona.
Dad badan ayaa qaba inuu u oggol yahay muddo kordhinta Jubbaland keliya, taasoo marna ah wax is-diidayo mar kalena kasoo horjeedda diidmada uu u diiday Farmaajo muddo kordhinta markuu mucaarid ahaa.
Waxaa kaloo meesha lagu hungoobay taageeradii iyo ballanqaadkii uu Xasan Sheekh ka doonayay maamul-goboleedyada inay siiyaan dagaalka lagula jiro argaggaxisada, gaar ahaan saddexda gobol oo ka maqan dagaalka: Koonfur Galbeed, Jubbaland, iyo Puntland.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.