Jamhuriyadda
Sanadkii tegay (2022) waxuu ku bilawday fowdo siyaasadeed oo aan laga lug bixin ilaa doorashadii madaxweynaha. Hoggaamiyuhu ha ahaado qofkuu doonee, ma barwaaqeyn karo dal ilaa dibuhabeyn ballaaran uu ku sameeyo nidaamyada siyaasadda iyo dhaqaalaha.
Inta badan barlamaankii 10aad waxuu meel mariyay sharciyadii lagama maarmaan u ahaa horumarinta maamulka maaliyadda federaalka, balse wacyiga canshuur bixinta muwaaddiniinta oo liita iyo jawiga u guuritaan nidaam federaal ah oo aan dhameystirneyn ayaa hakinaya in hore loo tillaabsado.
Canshuurta badeecadaha dibedda laga keeno oo ah isha dakhliga ugu badan ee dowladda, ayaa iyana abuurtay ku tirsanaanta dakhliga furdooyinka, mana ku filna in lagu bixiyo adeegga bulshada iyo mashaariicda horumarineed ee degdegta ah toona.
Maqnaanshaha canshuur uruurin hufan oo federaal iyo goboleedba leh caqabad kuma aha kaliya dib-u-soo-kabashada dhaqaalaha oo waxay sidoo kale khatar ku tahay rajada laga qabo in loo gudbo halbeegga dhammeystirka deyn cafinta (completion point).
Koritaanka dakhliga canshuuraha amase dhimmidda kharashka waxay astaan u yihiin isku tashiga dalka. Malaha taas ayaa ku qasabtay xukuumadda Xamsa Cabdi Barre inay soo bandhigto ololaha lagu baadigoobayo ilaa iyo 3.500 shaqaale cirfiid ah oo leh “biometric data” bil kastana la lunsado mushaaradooda.
Dalku ma laha warshado, waxsoosaarka beeraha iyo xoolahana waxaa hortaagan argagixiso iyo abaaro. Dalba dalka uu ka canshuur uruuris badan yahay ayuu ka kabasho dhow yahay, kana hanasho og yahay kalsoonida maalgashatada caalamka. Hawsha hortaal dowladda Xasan Sheekh Maxamuud aad ayay u adag tahay.
Walwalka waxuu yahay, haddii dalka gaaro halbeegga “completion point”, iyadoo aan laga hirgelin qaab-dhismeed la is-waafajiyay ee canshuur ururin, deeqaha dalka helana guraan amaseba lagu beddelo deymo si kor loogu qaado dakhliga dalka, si taxaddar aan lahaynna loo maareeyo halkii dib loogu noolayn lahaa dhaqaalaha, waxaa ka dhalan karta cawaaqib xumo la eedo.
Heerka canshuur uruurinta Soomaaliya waxuu ka hooseeyaa kii looga bixi lahaa faqriga. Taas waxaa u sabab ah dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin:
(b) dadweynaha oo qaba in deeqda dowladda ka hesho dibedda dalku horumari karo;
(t) muwaadiniinta qaarkood oo ka caga jiida bixinta canshuuraha iyagoo u arka inay culays ku tahay kol haddii aysan helayn adeeg bulsho oo hufan;
(j) Qaab-dhismeedka canshuur uruurinta dowladda heer kastaba oo ay leedahay oo midaysnayn iyadoo kan gobollada uusan hufnayn; iyo
(x) dhaqangelinta liidata ee xeerarka canshuuraha iyo daahfur la’aanta nidaamka.
Marka laga soo tago cillada wacyigelinta dadweynaha, maamul-goboleedyada dalka midkoodna isma bixin karo. Dakhliga canshuuruha waxuu ka caawimi karaa kor u qaadista bixinta adeegyada bulshada, balse kutiirsanaanta xooggan ee deeqaha iyo dakhiga gobolka Banaadir ayaa keenay inay mudnaan siinin adeegyada canshuur uruurinta degaankooda.
Si kastaba ha ahaatee, si loo soo celiyo kalsoonida dadwaynuhu uu ku qabo nidaamka dowladnimada (federaal iyo gobolaydba) loona kordhiyo dakhliga ka soo xerooda canshuuraha waxaan laga maarmin in la hagaajiyo daahfurnaanta lana abuuro xiriir ka dhexeeya adeegga dadweynaha iyo u hoggaansanaanta canshuur bixinta.
Dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada oo aan wadashaqeyn misna u dhaqma sidii kuwo kala madaxbannaan waxay dhiiriggelinaysaa oo keliya maamulxumo, caddaalad darro, musuqmaasuq, iyo is-dabammarin. Muwaaddin kasta oo raba inuu gacan ka geysto horumarka dalkiisa si faqriga looga baxo waxaa lama huraan u ah bixinta canshuurta.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.