Jamhuriyadda
Taniyo waagii la hirgeliyay dibudhiska Dowladda Soomaaliyeed misna la doortay nidaamka Federaaliga xiriirka Maamulka Dowladda Federaalka ah (DFS) iyo Maamul-goboleedyada marna ma noqon mid shaqeeya. Saddexda bukaan oo si daran uga muuqda ayaa ah:
1. In hoggaanka sare ee federaaliga uu isku dayo in Maamul-goboleedyada ay noqdaan kuwa hayin u ah dowladda dhexe;
2. In Maamul-goboleedyada ay u dhaqmaan sida jamhuuriyado ka madaxbannaan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo waliba heshiisyo la gala dowladaha adduunka kol ay tahay Gaashaandhigga. Waxaa tusaale cad u ah in Mamul-goboleedka Puntland oo toddobaadkii dhawaa si hal dhinac ah u caddeeyay inuu ka madaxbannaan yahay Dowladda Federaalka shardina ku xiray dib ugu soo noqoshadiisa. Mana aha markii ugu horraysay oo arrin caynkaas ah uu dhaco;
3. In xiriirka dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyadu uu caqabad hortagan ku yahay dhismaha dowlad shaqaynaysa oo dimuqraaddi ahoo qabata doorasho Qof iyo Cod ah oo uu Shacabku ku doorto hoggaankiisa.
Waxaa hubaal ah in Dastuurka kumeelgaarka ah ee qabyada ah iyo jiritaan la’aanta Maxkamad Dastuuri ah ay yihiin marmarsiinyada ugu weyn. Laba arrimood ayaa muujinaayo arrinkaas:
1. Hoggaanka dalka heer dhexe iyo heer gobokleedba wuxuu ka fog yahay wax lagu tilmaamo hoggaan hufan, dimuqraaddi ah, daacad ka muuqata. Habka ay u dhaqmaan waxuu yahay mid ku dhisan danahooda gaarka ah oo wax waliba ka sarreeya. Runtii, sida ay u muuqdaan waa mid aan ka duwanayn kii Kacaanka oo ku silcan yihiin danaha dalka iyo dadweynahaba. Waxaa tusaale u ah in madaxweynaha talada haya sannadkii lasoo dhaafay dowlado iyo hay’ado caalami ah lasoo galay heshiisyo, haseeyeeshee, dadweynaha iyo baarlamaanka Soomaaliyeed aysan waxba ka ogeyn. Heshiisyada waxaa ka mid noqon kara kuwa saameyn kara xiriirka dibedda iyo gaashaadhigga dalka oo aan laga warqabin waxay sababayaan. Eeg heshiiska Masar iyo dalka Imaaraadka lala galay oo dadweynaha iyo waxgarad fara badan ay welwel ka qabaan. Sidaasoo kale waxa aan la ogayn hesshiisyada maamul- goboleedyada dhammaaantooda ay la galeen dowlado shisheeye oo shacabka uusan ka warqabin.
2. Si kastoo Dastuurku uu qabyo u yahay haddii niyad sami ay jirto waxuu hoggaanka dalka (Dhexe iyo Gobolba) u duuban lahaa si iskaashi iyo daacad ku dheehan tahay inay dhamaystiraan qabyada. Qabyo loo duuban yahay daacadna laga yahay goormay masiibo noqotay? Dadkii horaaba yiri: Daacadi ma Hungowdo, Dadaalna ma Qado.
Waxaa isweydiin mudan mar haddii:
1. Maamul-gobolleed ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya uu ku dhawaaqi karo inuu xirrirka u jarayo Dowladda Soomaaliya;
2. Maamul-goboleedka uu xiriir la yeelan karo dalal kala duwan oo shisheeye ah;
3. In muwaaddinka iyo madaxda DFS aysan tegi karin aagga dowlad goboleedyada qaarkood caadana noqotay in hawlwadeenno iyo kuwa ka sarreyaba garoonka dayooradaha laga soo celiyo;
4. Maamul-goboleedyada qaarkood –inta la og yahay- ay dowlado shisheeye la leeyihiin xiriir joogta ah oo heshiis dhexmaray sida Kenya (Laba Maamul-Gobol), Itoobbiya (Saddex Maamul-Gobol), Imaaraadka (Laba Maamul-Gobol).
5. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Gobolladaba aysan ka muuqan hirgerlinta doorsashada Qof iyo Cod iyo ka sarraynta dalka iyo dadweynaha danaha gaarka ah;
6. Dowladda dhexe aysan Shacabka ku wargelineyn xaaladda dalka ee dhabta ah;
7. La dagaallanka argaggixisada aysan muuqan inuu daacad ka yihiin hoggaanka dalka.
Maxaa la dhihi karaa waa ka hirgalay dibudhiska dowladnimada Soomaaliya? Shacbiga wuxuu ku taamayaa inuu helo: Maamul dowladeed hufan oo hormarinaya danaha masiiriga ee Dalka iyo Dadweynaha oo hirgelinaya sinnaan iyo cadaalad. Maanta taasi waxay u muuqataa in riyada Shacabka ay hungowday.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.