Saturday, June 3, 2023
Home Diblomaasiyadda No More - Diblomaasiyadda Midowga Yurub ee Xasarado Abuurka ah 

No More – Diblomaasiyadda Midowga Yurub ee Xasarado Abuurka ah 

Jamhuriyadda

Warbixin hoosaad Midowga Yurub uu ku baadiggoobayay xiriirka Afrika oo ay ka qaybgaleen diblomaasiyiinta waddamada Yurub u fadhiya Addis Ababa ayaa muujineysa inay dagaalka Yukrain ku lumiyeen quluubta qaaradda Afrika.

Brussels waxaa niyad jab ku riday mowqifkii dhexdhexaadka ahaa ee dalalka qaaradda ka qaateen colaadda Yukrain iyo Ruuska ka sokow, inaan laga casumin wadahadalladii Pretoria (Koonfur Afrika) ee dowladda Itoobbiya iyo fallaagada TPLF ku heshiiyeen, iyadoo ka mid ah deeq bixiyayaasha ugu weyn ee Midowga Afrika. 

Dagaalka sokeeye ee Itoobbiya waxuu daaha ka qaaday caqliga gumaystaha reer Yurub, halka midka Yukrain-na uu xaqiijiyay iskaashi aan loo sinnayn. Sumcad xumadii ka raacday ololihii “no more” ee Geeska Afrika ayaa ku dhalisay Midowga Yurub inuu toddobaadkii dhawaa 2 malyan oo Yuuro u qoondayo sumcad dhayiddiisa Soomaaliya.

Midowga Yurub waxuu muunad beel ku dhacay markii ay joojiyeen gargaarkii miisaaniyadda dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobbiya, si loo ciqaabo maamulladii Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Abiy Axmed. Cadaadiskaas waxuu soo bandhigay in gargaarka Yurub marna uusan ka madhaneyn laqdabo halis geliysa jiritaanka dowladaha hayin diidka ah.

Inkastoo, Brussels ay sheegto inay dowlad wanaagga iyo dimoqraaddiyeynta Geeska Afrika xal u raadiso, haddana siyaasaddeeda laba wajiilaha ah ayay ahayd tii ay ku qaaddacday kormeerkii doorashadii Itoobbiya kuna hor-istaagtay himiladiiqof iyo cod” ee shacabka Soomaaliyeed uu ku naawilayay inuu ku helo madax u idman talada dalka. 

In muddo ah, Soomaaliya waxay “dhibane” u ahayd faraggelin shisheeye dantooda ku xaqiijinaya dowlad Soomaaliyeed oo nugul. Yurub oo taas ka marnayn kana walaacsan inuu doorashada “qof iyo cod” ku soo baxo musharrax hela awood dhab ah ayaa ka faa’iidaysatay khilaafka siyaasadda bulshada aan bislyn.

Dhinaca kale, kooxaha xuquuqul aadanaha ayaa ka marqaati kacaya tacadiyada dalalka Yurub kula kacaan qaxootiga Afrika. Waxaa la rumeysan yahay in dhibaatada sicirbararka cunnada ay sabab u tahay saamaynta cunaqabataynta Midowga Yurub ee Ruushka oo aan si taxaddar leh loo qiimayn, iyo kabitaanka ay siiyaan beeralayda Yurub oo qiima tirto dalagyada Afrika laga dhoofin karo. 

Si kastaba ha ahaatee, dagaalka sokeeye ee Itoobbiya iyo cabsida laga qabo isfidinta Shiinaha waxay si weyn u beddeleen muhiimada Soomaaliya. Washington oo aan malaha tixgelin Brussels ayaa digarrogatay siyaasadeedii Geeska Afrika, si ay uga qaybqaadato horumarinta nabadda, kobaca dhaqaalaha, iyo isbeddellada dimuqraaddiyad-doonka ah ee gobolka.

Kuma cusba Soomaaliya in jahawareerka awood qaybsiga qaab-dhismeedka federaalka loo adeegsado hakinta doorasho dimuqraadi ah, iyo qabyatirka Dastuur qeexa xuquuqda muwaaddinka, madaxbannaanida, iyo midnimada dalka. 

Xasan Sheekh Maxamuud waxuu haystaa fursad taariikhi ah oo uu ku saxo hab-dhaqameedka siyaasadda dalka. Hadda oo uu maamulkiisa ku guulaystay dagaalkii argagixisada, waxaa muhiim ah in dibuhabayn ballaaran lagu sameeyo siyaasadda si looga gudbo fowdada doorashada dadban. 

Doodda Maamul-goboleedka Puntland ee ah inay xiriirka u jartay dowladda dhexe waa mid muhiim ah, balse cilladaysan oo ujeeddadeedu tahay marmarsiinyo iyo ka marinhabaabin dalka arrimaha dhabta ah ee ka taagan Puntland. Maamulku waxuu xaq u leeyahay gorgortan siyaasadeed iyo wax soo dhacsiba. Soddonkii sano ee la soo dhaafay, Somaliland uma suuraggelin aqoonsi sharciga caalamka awgeed.

Marka meel la iska dhigo doodaha “dhan dabaggaalle” ee aan ku qotomin sharciyad, dalka waxuu ku dhisan yahay Dastuur soo maray afti 1961kii. Inta laga dhammaystirayo Dastuur ka duwan oo ku dhisan nidaamka federaaliga ah, dalku waxuu ku dhaqmayaa DASTUURKII HORE (1961) oo oggol in gobollada ismaamulaan.

Tan iyo burburkii dowladdii kelitaliyahii sida sharci darrada ah u laaliyay Dastuurkii Dalka kuna beddelin mid afti maray, Soomaaliya waxay u afduubaneed shisheeye dhabqiya hannaankeeda dowladnimo, si aysan u gaarin horumar dimuqraadiyaddu horseed ka tahay.

Caddaalad aan la gilgili karin iyo doorasho loo siman yahay ayaa ah baahida koowaad ee xasilloonida siyaasadeed ee dalka. Taas ayaa shaki la’aan qaabayn karta xisaabtanka quwadaha ku loollamaya Geeska Afrika.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Iftin: The Band that Soundtracked Somalia’s Golden Age

By MEE Correspondent Iftin Band defined an era of post-independence positivity and spread messages about public health and...

Recent Comments