Jamhuriyadda
Xaaladda kacsan ee Koonfur Galbeed (KG) ma aha mid haddeer billaabtay. Runtii waxay billaaabatay bishii Diseembar 2018, oo ahayd:
- Waqtigii la dooran lahaa Maamulaha sare ee Dowlad Goboleedka;
- Waqtigii la xiray Mukhtaar Roobow Cali iyadoo loo adeegsaday ciidamada AMISOM ee Itoobbiyanka ah ee Baydhabo ku sugan;
- Waqtigii lagu cabburiyay rasaasta dadweynihii sida nabdoon u bannaanbaxayay lagana dilay shan iyo toban (15) ruux; iyo
- Waqtiigii Madaxweynihii hore Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu ku fariisiyay kursiga ugu sarreeya maamul-goboleedka KG shakhsi hayin u ah siyaasaddiisa.
Sannad ka hor, kolkuu ku jiray Xasan Sheekh Maxamuud ololahaha doorashada, waxuu ka hadlay dhacdadaas gaar ahaan xarigga musharrax Roobow inuu ahaa gardarro wuxuuna ballan qaaday inuu xurriyaddiisa siin doono. Wuuna fuliyay ballantiisa. Kaddib xaaladda gobolka mar yar ayay qabowday, balse mashaakilka waa taagnaa.
Sida qoorshubu ahaa, Cabdulcasiis Xasan Maxamed Laftagareen wuxuu kusoo baxay nin aad ugu dhaw madaxweynihii hore, balse dadweynaha waxuu ku noqday keligiitaliye. Maamulkiisa wuxuu ka dhigay mid “qoysaysan” oo ku tiirsan koox yar oo saaxibbo uu ku kalsoon yahay ah oo uu ka mid yahay Jeneraal Shub.
Gobolkan wuxuu ka dhigay xirmo isaga u xiran oo xarig iyo cabburin ay yihiin hab wax lagu xalliyo. Sida laga warqabo kooxda Midowga Musharrixiinta, Madasha Samatabixinta KG, iyo dhammaan siyaasiyiinta kaleba ma aysan tegi karin Baydhabo maaddaama garoommada dayaaradaha amar lagu siiyay inaysan kasoo degi karin siyaasiyiin mucaarad ah.
Waxay dadka aad u xusuustaan inuu qaar badan oo ay ka mid yihiin Maxamed Cusmaaan Jawaari iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan loo diiday inay cagaha soo dhigaan Baydhabo. Doorashadii xildhibaannaa waxay ahayd mid Laftagareen uu u xiray shakhsiyaad dhammaan uu gacantiisa kusoo xushay si ay u fuliyayaan rabitaankiisa.
Dhanka kale, dadweynaha waxuu u afduuban yahay ururka Al shabab. Ku dhawaad toban sano, dhammaan degmooyinka Bay iyo Bakool way kala go’doomsan yihiin, badidoodana gaari xamuul raashin waddo sooma galo. Raashinka waxaa lagu soo geliya dameero ama dumarka dhabarkooda. Beeraha abuurkooda waxay Al Shabaab ku xirtay lacag la hormariyo iyo in dalagga qayb laga bixiyo.
Midowga musharrixiinta oo soo gaaraan Bayshabo waxaa goor dhaw fursad siiyay Xasan Sheekh Maxamuud. Waxay 19kii Jannaayo ee mudda xileedka Laftagareen uu dhammaanayay dhoollatus kasoo horjeeda ku sameeyaeen Baydhabo.
Laftagareen ayaa 21kii Diseembar 2022 ku shaaciyay warsaxaafadeed in, “badbaado Koonfur Galbeed wax la yiraahdo aysan jiraan. Badbaadada Koonfur Galbeed ninka rabo Shabaab ayaa haystee haka badbaadiyo ee furunta intuu kasoo baxo Baydhabo yuu imaanin..”
Waxaa xigtay, in 23kii Diseembar la weeraray guriga musharrax Maxamed Aadan Ibraahim Fargeeti oo ka yimid Australia horey wasiir u ahaan jiray. Dadweynaha kalsooni kuma qabaan labada koox oo isku haysato kuraasta iyo dano gaar ah.
Sheekh Aadan Madoobe oo ay Villa Soomaalia usoo dirtay inuu dhexdhexaadiyo siyaasityiinta gobolka isku haysta wuxuu taniyo bartamihii bishii Diseembar 2022 ku sugan yahay Gobolka isagoo socodkiisa kasoo bilaabay Bakool oo ah gobolkiisa dhalasho.
Cid waliba wuu la kulmay, maalinna ma nasan si uu guul uga gaaro ismariwaaga taagan. Guushaasoo la filayo inay qancinayso Villa Soomaaliya iyo Laftagareen, laakin waxaa weli shaki weyn qaba Midowga musharraxiinta oo cabsi weyn ka qaba inay Baydhabo ka dhici karto doorasho intuuba joogo Laftagareen.
Run ahaantii Xasan Sheekh oo 17kii Jannaayo furay shirka, wuxuu ku dadaalay inu abuuro jawi dejiyay xiisada kaddib markuu ka jeediyay khubdad diblmomaasi ah oo dhan waliba dejinaysa. Haseyeeshee, dadka arrimaha gobolka u kuur gala waxay ka akhristeen isbeddelka uu muujiyay madaxweynaha oo ah inuu Laftagareen sii dhammaysto halka sano oo uu kororsaday. Waana sida ay u dhammaan doonto. Haddii Aadan Madoobe uu qancin waayo Mucaaradka waxay malahaa ku dhammaanaysaa inuu Laftagareen uu sii joogo lix bolood keliya.
Madaxweynaha wuxuu muujiyo safarkiisii dhammaadkii bisha Mey 2022 inuu jeclaan lahaa inuu ka takhalluso Laftagareen. Midowga musharrixiinta waxay ka mid ahaayeen warqadihiisa dagaal. Haddase, uu ku dhawaaqay dagaalka ka dhanka ah Al Shabab oo nasiib wanaag kacdoonka dadweynaha iyo go’aan adeegga ciidamada qaranka ka dhigeen mid guulaysan kara, Xasan Sheekh wuuxuu doorbiday inuusan ku kicin tallaabo dhicisin karta dagaalkaas.
Laftagareen ma dayicin kubbadda halkiisa soo gaartay, wuxuu durbadiiba ku dhawaaqay inuu hal bil qur ah uu ku maquunin karo Al Shabaab! War waxuu ka taagan yahay, dadaallada Aadan Madoobe ma ku qanci doonaan mucaaradka inay oggolaadaan Laftagareen.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.