Wednesday, December 6, 2023
Home Gudaha Laas Caanood: Kacdoonka Buluugga Fariin Caynkee ah ayuu Sidaa?

Laas Caanood: Kacdoonka Buluugga Fariin Caynkee ah ayuu Sidaa?

Jamhuriyadda

Odoroska waa saadaalin ama malayn waxa dhici kara mustaqbalka, iyadoo sal looga dhigayo xisaabin cilmiyeed, ama isu geynta xaaladaha abuuran iyo akhrinta sheekooyinka dhex jiifa maskaxda aadamaha, balse dibnihii tabin lahaa dareenka maanka ka guuxaya ay aamusiyeen daruufaha ku xeeran. 

Waxaa jiray qaar ka mid ah suugaanleyda Soomaalida oo odorisi jiray waxa dhici doona mustaqbalka, iyagoo meerisyo ay tiriyeen la arko xilli dambe, lana garwaaqsado in maskaxda abwaanku aheyd mid ujeedday waxa aan dadka u wada muuqan.

Tix maanso odoros ayuu tiriyey Abwaan Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim), goortii calanka bluugga ah astaan looga dhigay labaddii gobol (Waqooyi iyo Koonfur) ee ku hoos jirtay gumaystihii Ingiriis iyo Talyaaniga kawaasoo qayb u helay dhul Soomaaliyeed kaddib shirkii Barlin 1884 ee lagu qaybsaday qaaradda Afrika.

Abwaan Axmed Qaasim, ma aheyn nin loo waaxyoodo ama aqoon u leh cilmiga xiddigiska, balse waxaa u muuqatay in kuwa talada dalka hayaa iyo shacabka ismaandhaafsiisan yihiin. Waxaana uu yidhi;

“Casha aan fogeyn waxays beddeli ciidan fara weyne

Caaddaa rag koray buu nabsigu hoos u soo celinne

Caanuhu dhawaan way ka quban ciil dar loo qabaye

Inay Curaddo khayr lihi kacaan ciidan la arkeeye”

Isla sanadkaas (1969kii) ayey aheyd kolkii ay ciidanku afgembiyeen Xukuumaddii rayidka aheyd!

Haddaba, waxaan qormadan ku saadaalin doona mustaqbalka soo wajahan, iyo odorsida waxa ka dhex guuxaya maanka dhallinta Soomaalida!

Sida taariikhda ina barayso, dhamaan kacaamaddii iyo kacdoonnadii dunida soo maray, waxay ahaayeen, kuwo shacabka ay ku dalbanayay  isbeddel nololeed, gobonnimo, iyo qab (sharaf).

Haddaba, maxaa ka soo ligligsan Soomaaliya?

Korodhka tirada dhallinyarada iyo  fursadaha shaqada oo yar, ayna weheliso musuqmaasuqa ka dhex jira xafiisyadda bixiya adeegga bulshada, iyo amni-xumada, waxay da’yarta u horseedday inay ka  qancaan inuu ka horreeyo maalmo wacan. 

Waa tan keentay inay ka tahriibaan dalka, halka qaar kaloo bandanna uu doorbiday inay isticmaalaan maandooriye si nafta u maaweeliyaan. Daruufahaas ku xeeran noolaha dhallinyarada ayaa ah “bambo” aasan, balse moogayaasha (hoggaamiyeyaasha) arrimiya dalka mar uun ku qarxi doonta.

Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye ayaa jeer hore tiriyey maanso qeybta odoros ka ah, taasoo ka sii warramaysay xaaladda imminkadan ka cukan gobolka Sool! Waxuuna yidhi;

“Dharaar baa iman doonta Dadka Sool iyo Awdal ee Aadanoow Hagrateen Raacdadoodu adkaatoo Lagu raadsho Ilays”

Indheergaradka ayaa saadaalinaya in “Kacdoonka buluugga ee ka curtay Laas-caano” oo ay hoggaaminayaan da’yarta uu ku fidi doono guud ahaan Soomaaliya, halka dadka qaar rumaysan yihiin inuu u tallaabi doono Jabuuti, halkaasoo aysan ka jirin fur furnaan siyaasadeed iyo xorriyadda hadalka.

Ilo xog oggaal ah, ayaa warinaya in ergadda UK ee fadhida Soomaaliya ay u farriimeen Maamulka Muuse Biixi, inuusan xoog u adeegsan kacdoon wadayaasha Laas caanood, maadaama reer Sool ay sheegeyn in ciidamada maamulka Somaliland ee kaalmada ka hella UK, ay yihiin kuwa rasaasta la dhacaya shacabka gadoodsan. 

Kacdoonka bluuga ee Laas caano ka curtay ayaa helay taageerada shacabka Soomaaliyeed, kaddib markii ay sheegeyn hoggaamiyaasha kacdoonka in ujeedku yahay mid lagu ilaalinayo midnimada Soomaaliya. Taas waxay ka dhigan tahay, in Laas caano fariin cad u dirtay Hargeysa iyo Garoowe. Halkaas waxaa ku gablamay rabitaankii shisheeyaha ee ahaa in la kala dhantaalo midnimada Soomaaliya. 

Inkastoo hogaanka dhaqanka ee Sool sheegeyn inay ku shaqeynayaan rabitaanka shacabka, haddana “ faanoole fari kama qodna,” ilaa iyo inta dhalinyaradda marti ka yihiin siyaasadda dalka. 

Haddaba su’aasha taagan ayaa ah, horjoogayaasha Soomaalida ee xukunka ku yimid nidaamka qabiilka iyo nin-tooxsinimada ee aan la jaan qaadi karin dowladnimada casrigan iyo maanka da’yarta, ma daadka ayaa qaadi doona mise intaanu daadka ku soo rogmin ayey ka hor leexan doonaan hanka iyo himilada shacabka?

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments