Jamhuriyadda
Toban iyo shanti sano (2007) oo ay Somaliland maamulaysay waxaa ka dhacayay Laas Caanood dilal lagu beegsanayay haldooryada deegaanka. Tirada dadka la dilay boqol kor ayay u dhaaftay lamana oga cidda ka dambaysa. Taliska Muuse Biixi Cabdi waxuu ku fashilay inuu baaro oo uu caddaaladda hor keento dembiilayaasha falalkaas geystay.
Habeenkii December 26, 2022 dad aan haybtooda la garan ayaa dilay Cabdifatax Cabdullaahi Hadraawi isagoo soo tukaday salaaddii cishaha. Marxuumka wuxuu ka tirsanaa xisbiga Waddani ee mucaaradka ah.
Maalintii xigtay aaska kaddib waxay isku dhacay boliiskii Somaliland iyo dhallinyada oo abaabulay bannaanbax. Boliiska waxuu adeegsaday rasaas nool si uu u kula didiyo waxaana halkaas ku nafwaayay toban ruux. Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay maalintii xigtay in Xukuumaddu ay bixinayso magta dadkaas dhintay.
Reer Laas Canood oo karka ka batay ayaa ku dhaqaaqey inay bannanbaxa joogteeyaan. Dhallinyarada waxay naf ka dayaan dhagxtuur markii boliiska oo aan u aaba yeelin uu kala horyimid cabburin. Xiisadda markay ka dartay, bannaanbaxyada waxaa astaan u noqoday calanka Soomaaliyeed ee buluugga ah.
Ugu dambayntii taliska Muusa Biixi wuxuu muujiyay inuusan hayn xal aan ahayn cabburin iyo rasaas, geeridana labaatan (20) ayay kor u dhaaftay. Jawaabta Laas Caanood waxay noqotay inay dalbato in ciidamada Somaliland ka baxaan deegaanka.
Sannadka cusub waxaa lagusoo dhaweeyay bannaanbaxyada hirka buluugga leh. Warbaahinta dalka badideed waxayba yiraahdeen waa diraacdii Soomaalida iyagoo saadilinaya in la gaaray waqtigii dhallinyadara u horseedi lahayd ummadda isbeddel iyo ka dhiidhiinta maamulxumada iyo cabburinta ka taagan guud ahaan Soomaaliya.
Saafiirrada Maraykanka iyo Biritin war ay soo saareen waxay ku muujiyeen inay “ka welwelsan yihiin dhimashada iyo dhaawaca dadka rayidka ah” ee Laas Canood. Sidaas oo kale hoggaamiyaha xisbiga Waddaniga ee Somaliland Cirro wuxuu cambaareeyay taliska oo ku fashilay inuu sugo amniga Laas Caanood inay amakaag ku noqotay inay dileen “dad ka badan toban ruux”.
Cabburinta, rasaasta nool iyo isku dayga in shacabka la kala qaybiyo oo laysku diro beelaha wada dega ayay noqotay jawaabta keliya ee Muusa Biixi uu u hayo bannanbaxyada dadku ku weydiisanayeen caddaaladda oo sababbay in xiisadda cirka ay isku shareerto ilaa ay gaarto: Ma rabno Somaliland.
Dhallinyadarada waxay u baaqen hoggaan dhaqameedyada aagga, aqoonyahannada, iyo dhammaan waxgadradka gobolka inay muujiyaan doorkooda oo ay cabburinta iyo xasuuqa wax ka qabtaan.
Laas Caanood waxaa kusoo qulqulay garaadyada, waxgaradka, ganacsatada, culummada iyo qaybaha bulshada rayidka ee gobolka oo asmacay baaqa. Garaad Jaamac Graad Ismaaciil oo ku sugnaa degaanka ayaa wax ka abaabulay guddiga 30-ka qof ah ee soo jeediyay talooyin xalwaara keeni karo.
Waxaa xusuus mudan in garaadka guud Garaad Jaamac Graad Cali oo 15 sano ka maqnaa aagga uu cagaha soo dhigay Laas Caanood Isniintii 23kii Jannayo. Garaad oo lagu soo dhaweeyay calanka buluug ah ayaa taageeray rabitaanka dadweynaha Sool oo kasoo horjeestay gooni-u-goosashada Somaliland, waxuuna go’aansaday inuu ka madaxbannaanado Puntland kana tashado aayatinka aagweynaha Bariga Somaliland.
Ciidamada Somaliland oo kuwo hor leh lagu soo kordhiyay ayaa la dhoobay duleedka Laas Caanood, iyadoo maalmaha foodda nagu soo hayo uu furmi doono Shirka Aaya ka talinta gobollada SSC.
Laas Caanood waxaa meel waliba ka muuqda calanka buluugga ah. Sidaas oo ay tahay taliyaha ciidamada Somaliland Nuux Ismaaciil Taani waxuu ku dhawaaqay in ciidamadiisu sugi doonaan shirka qudhiisa, taasoo ka qosolsiisay warbaahinta.
Garaadyada waxay ku dhawaaqeen inay diyaar u yihiin wax waliba oo dhici kara. Gobolka waxaa soo galay ciidamo fara badan oo Jabhad sheegtay, qaar la socday graadyada, iyo ciidamo iyo saraakil kasoo faquuqmay ciidamada Somaliland, iyo Puntland.
Waxaa isagana Laas Caanood soo gaaray garaadkii ugu dambeeyay: Garaad Maxamed Garaad Abshir oo ah caalim caan ah misna imam ka ah dalka Boqortoyada Carbeed. Ruuntii reer Sool waxaa aadu dhiirrigeliyay Dadweynaha Soomaaliyeed oo la saftay qadiyadooda xaqa ah.
Waxaa kaloo door ka cayaaray macangagnimada hoggaanka Somaliland oo dembiyeey muujinta calanka bulluugga ah iyo tegitaanka Soomaaliya. Haddii shacbiga Somaliland dhabtii uu isku raacsan yahay gooni-u-goosashada looma baahnaan lahayn in la dembiyeeyo calanka buluugga ah iyo tegitaanka Soomaaliya toona.
Saadaashu waxay tahay in Somaliland oo loo malaynaayay inay waan waan adag kusoo noqonayso, laga yaabaa in gooni-u-goosashada gudaha ka burburo doonto haddii goballada bari oo la eg 50% dhul ahaan ay gadoodeen, Awdalna jabhad dagaal ka furan tahay lana og yahay halka uurkooda uu jiro. Sideebu u heli karaa aqoonsi caalami ah aagga dhexe oo gooni-u-gooshada ku adkaysanaya?
Kacdoonka SSC waa mid saameyn ku yeelan doono Soomaali oo idil. Gobollada Bari ee Somaliland waxay weligoodba ku taamayeen inay ka mid noqdaan Soomaaliya. Haseyeeshee, SSC waxaa looga baahan yahay feejignaan weyn sababtoo ah aagga beelo kale ayaa la wadaagaa oo loo baahan yahay in la kasbado.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.