Axmed Q. Cali
Mary Harper, waa Iskudubbaridaha wararka Afrika ee BBC-da (BBC World Service-African Editor), waxay ka qalin jabisay Jaamacadda Cambridge, UK . Mary Harper waa aqoonyahan afaf badan taqaan oo ay ka mid yihiin Faransiis, Burtiqiis, iyo Wolof oo looga hadlo Senegal, Gambia iyo qayb ka mid ah Mauritania.
Taniyo burburkii Soomaaliya (1990-yadii horraanteeda) waxay wax ka qoraysay kana qortaa Soomaaliya iyadoo kasoo tebinaysa wararka ama baaris samaynaysa misna waxay qortaa maqaallo la xiriira dalal ay ka mid yihiin Sudan, J. D. Kongo, Liberia iwm.
Bogga BBC World Service iyo BBC Somali waxaa laga heli karaa maqaallo fara badan oo ay ka qortay Soomaaliya oo la xiriira xaaladda dalka, siyaasadda, faaqidaadyo iyo baarisyo la xiriira ururka Al Shabaab oo waqti badan ay baaris ku samaynaysay.
Qoraaga waxay Shabakada ku leedahay bog (Blog) o cinwaankiisu yahay: http://mary-harper.blogspot.com oo ay ku muujiso maqaallada ay qortay oo kusoo baxa bogga BBC W.S. iyo BBC Somali.
Qoraalladeeda qaarkood waxay ku tarjuman yihiin af Soomaali. Waa kuwa kusoo baxa BBC Somali. Beryahan waxaad ka heli kartaa boggeeda link kugu xirayo maqaalkan: Life After Al-Shabaab: Driving a School Bus instead of an Armed Pick-up Truck. Misna waxay kugu xiraysaa maqaalka oo af Soomaali u tarjuman.
Waxaad kaloo bogga BBC World Service ka heli kartaa maqaal kale oo cinwaankiisu yahay: The struggle to defeat the militants oo soo baxay 24 August 2022.
Qoraaga hawsheeda qoraal kuma koobna kelya BBC-da, balse waxa wax ku qortaa wargeyso waaweyn oo ay ka mid yihiin Washington Post iyo Economist.
Buugaagta ay qortay oo la xiriira Soomaaliya waxaa ka mid ah:
-Getting Wrong Somalia, Zed Books, London 2012 oo ah buug goor dhaw ay falanqaystiisa kusoo bixi doonto JAMHURIYADDA; iyo
-Everything You Have Told Me Is True (Wax waliba aad i tiri waa run) The Many Faces of Al Shabaab (Wejiyada fara badan ee Al Shabaab), Oxford University Press, 2019 oo ah bug la xiriira barista ay ku samaysy ururka Al Shabaab.
Qoraalladeeda iyo buugaagteeda la xiriira Soomaaliya waxay ku qoran yihiin asluub ka duwaan qoraayaasha shisheeye oo aad qoraalkooda ka dhadhamin kartid sida dad caro iyo ciil qaba ama dakana u qaba dalka iyo dadkiisa mararka qaarkoodna – gaar ahaan kuwa da’da weyn- laga arki karo aragtida gumeystayaasha.
Malahaa Mary Harper waa jiil hor leh oo aan ku milmin aragtida quursiga leh ee qoraayaasha galbeedka badidooda lagu arko. Tusaale ahaan qoraayaasha buugaagtooda lagu habo dadka ku hor leh Soomaaliya inay hawl ka qabtaan ama ay wax ka qoraan sida I. M. Lewis oo ah aqoonyahan Cilmi Aadanaha –Anthropology- oo ka mid ah dadka uu gumeystaha uu u carbiyay inay uga talabixiyaan Dhiisiyada gumeysiga sida loo maareeyn karo dadka la gumeysto.
Mary Harper waa qof ka fog jiilkaas qoraalladeedana waa kuwa caaggan quursi iyo aflegaaddo, balse waaqici ah kuna salaysan dadaal run-raadis ah. Haddii aan qiimeeyno qoraagan waxaan ku sidki lahayn bogga ay ku qoran yihiin W.B. Andzejewski iyo John Drysdale iyo kuwa kale oo aan qoraalladooda godob ka gelin dadka iyo dalka Soomaaliyeed.
Waxaad filataanba waa falanqaynta buuggeeda: Getting Worong Somalia.