Saturday, April 1, 2023
Home Diblomaasiyadda Maxuu Shir Madaxeedka Dalalka Deriska Kusoo Kordhin Doonaa Dagaalka Argaggaxisada?

Maxuu Shir Madaxeedka Dalalka Deriska Kusoo Kordhin Doonaa Dagaalka Argaggaxisada?

Jamhuriyadda

Shir afar-geesood ah oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud shir-guddoomiyey kana soo qaybgaleen Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, kan Kenya William Ruto, iyo Ra’iisulwasaaraha Itoobbiya Abiy Axmed, ayaa maalintii Arbacada February 1, 2023, ka dhacay Muqdisho caasimadda Soomaaliya. Shir-amniyeedka oo noociisa aysaan hore Soomaaliya ugu suurtaggelin ayaa ka dhashay guulaha laga soo hooyay dagaal dhan walba leh oo lagu qaaday khawaarijta.

Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo bilawday 2007kii ayaa gabbaad ka dhigtay magaalooyinka waa-weyn taasoo argaggixisada awood u siisay inay ka taliyaan miyiga dalka badankiisa. Haseyeeshee, ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) oo kaashanaya maleeshiye beeleedyada ayaa guulo degdeg ah ka soo hooyay gobollada Hirshabeelle iyo Galmudug, iyagoo ku fool leh Koonfur Galbeed hawlgalkaas oo ka miisan batay kii ATMIS.

Ujeeddada shirka oo ahayd in la sahamiyo waxqabad laysku waafaqsan yahay oo wax ku ool ah ayaa Taliyeyaasha Ciidamada afarta dal uga doodeen saamaynta ka dhalan karta dagaalka ku soo siqaya soohdimaha deriska. 

Shir-madaxeedka gobolka oo ugub ah ayaa astaan cad u ah in dagaalka argaggixisada uusan ku koobnaan doonin Soomaaliya, balse uu noqon doono mid dhan walba leh oo uu gobolka ku soo afjarayo dhaqdhaqaaqa argaggixisada arxan la’aanta ah. 

Shirka Muqdisho oo ujeeddadiisu ka mid ahayd in la yareeyo kala warqab la’aan deriska ayaa daba socda cunaqabatayn Mareykanku ku soo rogay shakhsiyaadka uga hawlgala shabakadda Bariga Afrika. Madaxda dalalka deriska ah waxaa loo bandhigay sidii loo carqaladayn lahaa maalgeliyayaasha iyo taageerayaasha firfircoon ee argaggixisada Al-Shabaab. 

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa markii ugu horraysay bishii November 2022, ku guulaystay inuu xannibo dhaqaalaha shabakadda argaggixisada ee xawaaladaha iyo bankiyada dalka. Lacago lagu qiyaasay ilaa 100 malyan doolar ayaa sanadkii ka soo gashaa ilo kala duwan, iyadoo rubac ka mid ah (24 malyan) ku baxdo hub. 

Inkastoo aan la shaacin tirada lacagta Bankiga Dhexe ka xannibay argaggixisada, haddana waxyaabaha laga filayo dalalka deriska ah, gaar ahaan Jabuuti iyo Kenya ayaa waxaa ka mid ah cuuryaaminta ilaha dhaqaalaha Al-Shabaab ku leeyihiin banuugtooda.

Madaxda shirka ka qaybgashay waxay soo dhaweeyeen in ciidamada dowladda Soomaaliya la qalabeeyo oo laga qaado cunaqabateynta hubka si kor loogu qaado awoodda hubka. Cutubyo tababbarro khaas ah ku qaadanayay dalka Eritrea ilaa 2019 oo qaarkood dib ugu soo laabtay dalka ayaa cudud taya leh ku soo biiriyay Xoogga Dalka.

Iskaashiga madaxda gobolka waxaa keenay dhibaatooyinka argaggixisada ee aafeeyay deriska. Guusha dagaalka ka sokow, diblomaasiya Xasan Sheikh Maxamuud waxaa suurtaggeliyay isbeddelka siyaasadda Mareykanka ee Geeska Afrika, iyo malaha iyadoo la gaaray waqtigii la soo gebagebayn lahaa qasqashaada lagu hayay Soomaaliya.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Five Tips for Cardiovascular Patients Fasting During Ramadan

By Daily Sabah Those who suffer from cardiovascular diseases can fast during Ramadan with the approval of their...

Laas Caanood – Caalamka Ma ka Hortagi Doonaa in Soomaaliya Ka dhacdo Xasuuq?

Jamhuriyadda Xiisadda ka aloosan gobolka Sool ayaa u muuqata mid maalinba maalinta ka dambaysa ka sii dheeraanaysa soo...

Diblomaasiyaddii Sanadka – Riyadh iyo Tehran oo Si Lama Filaan ah u Heshiiyay Toddoba Sanadood Kaddib

Jamhuriyadda Wadahadallo aan loo kala kicin shan maalmood kaddib, ayay Boqortooyada Sacuudiga iyo Iran ku dhawaaqay Jimcihii March...

Xagee Soomaaliya Loo Wadaa – Dimuqraadiyad Xisbiyo Siyaasadeed Lahayn

Jamhuriyadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay March 8, 2023, munaasabadda saxiixa sharciga Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman,...

Recent Comments