Thursday, September 28, 2023
Home Dib U Eegis Buug Falanqaynta Buugga: Getting Somalia Wrong

Falanqaynta Buugga: Getting Somalia Wrong

Axmed Qaasim Cali

Buugga Mary Harper oo aan kalkan ku falanqaynayno [Getting Somalia Wrong: Faith, War, Hope in a Shattered State, Zed Books Ltd, London UK 2012, 201 bog], marka laga tago ararta iyo gunaanadka buugga, wuxuu ka kooban yahay lix (6) cutub oo kala ah: Qabiil iyo Qaran, Taariikh kooban, Islaamka xagjirka ah, Dowlad fashishay?, Burcadbadeed, iyo  Soomaaliya iyo Dunida.

Runtii buuggan waa mid akhriskiisa kusoo jiidanayo kuna buuxaan dhacdooyin iyo tusaalooyin xoojinaya aragtida ay ka  qabto dalka, dadkiisa, hoggaankiisa, iyo saameynta dunida, gaar ahaan dalalka reer  Galbeedka oo uu ugu horreeyo Mraykanka, ay ku leedahay.

Ujeeddada dambe ee buugga waa caddayn in aragtida laga fidayay Soomaaliya ay tahay mid gef ah oo aan ka tarjumaynin dhabta iyo xaqiiqda. Waa aragti ka dhalatay garasha-xumada dalalka daneeya Soomaaliya gaar ahaan dalalka reer Galbeedka. Taasoo sababtay in dalalkan ay qaatan go’aanno ujeeddadoodu ahayd samatabixin, illowse sababay in  gurmadkooda uu noqdo hal bacaad lagu lisay misna hakiyay horumarkii iyo xalkii dalka uu iskiisa u gaari lahaa.

Qoraaga waxay is barbar dhigaysaa Somaliland (iyo ilaa heer Puntland) iyo Koonfurta Soomaaliya. Halka Somaliland laga bayray loona  daayay masiirkeeda Koonfurta waa loo gurmaday, la  kor degay, lagu shubay kaalmo, lagu khasbay habab iyo talooyin hor leh si loo samatabixiyo. Natiijada waxay noqotay in Somaliland ay gaartay xasillooni iyo horumar halka Koonfurta ay gaartay xaalad ah: Ka dar oo dibi dhal.

Qoraaga waxay ka dhiidhinaysaa sumadda lagu dhejiyay dalka oo ah “Dal fashilay”. Waxay cutubta afaraad tusaale ahaan usoo tebinaysaa waxa ay aragtay iyadoo joogta rugta buugaagta Dusgsiga Daraasadaha Bariga iyo Afrika ee London. Waxay indheheedu qabteen canaawiinta buugagta meesha tuban: Soomaaliya: Dowlad dakeeda la dagaallamaysa, Dowlad dhacday, Siyaasad-xumo fowda keentay, Somaliya oo la furfuray, La-haystayaal: Shacabka isaga is-adfuubay, Waddada Eberka.. iwm.

Sawirka ugu weyn oo laga bixiyay dalka ayaa ah iunuu yahay “Dal Fashilay”  oo dadkiisa ay “ka luntay si ay maareeyaan masiirkooda, meel wax waliba ay dumeen, xoogsheegasho iyo gaajo ka taliyaan”. Wixii ka dambeeyay dhacdadii 9/11 ee Maraykankana waxaa loogu daray in dalka uu halis u yahay inuu gabbaad u noqdo ururrada argaggaxisada ah iyo xagjirka adduunka. Waxaa la yiri Soomalliya waa “Ciraaqda Afrika”, iyo “Afqaanistaanka Afrika”, iwm.

Mary Harper ma mooga in saxaafadda ay tahay waxa arrinkan   buunbuuniyay  sababtoo ah maqaallada caynkaas u hadla waa kuwa xiisa u leh akhristayaasha, haseyeeshee, waxaa dhacday Dowladihii reer galbeedka halka ay ka samayn lahayeen baaris  cilmiyeed si ay u ogaadaan dhabta mashaakilka dalka dhaankaas ayay raaceen oo waxay qaadeen wadda fudud oo geysay inay khalad u fahmaan waxa ka dhacayo Soomaaliya.

Qoraaga waxay leedahay waxaa wax-guud laga dhigay wax aag ku kooban sida Xamar. Halka ay jireen aagag dadka ay dadaal iyo halgan ugu jireen sida ay u badbaadi lahaayeen. Waxay kaloo tusaale usoo qaadanaysaa ganacsiga, isgaarsiinta iwm in ay horumar xoog leh ay sameeyeen. Somaliland iyo Puntland waa iayagana tusalle in Soomaalidu, haddii fursad la siiyo ay xal keeni karaan. Balse waxaanoo idil indhaha aya laga qabsaday. Shirarka dibuheshiisiinta faraha badanna  waxay noqdeen wax dalka kor looga keenay.

Qoraaga waxay baaris ku samaysay Midowga Maxaakiimta Islaamka (UIC) dhalashadooda ilaa la dagaallankoodi dagaal oogayaashii. Waxay leedahay kaddib burburkii dowladda maxaakiim islaami ah ayaa dhashay kuwasoo markii hore ka dhashay ollogyo yar yar kaddib u gudbay xaafad ugu dambayntiina isbahaysi weyn sameeyay.

Maxaakiimta waxay suuraggelisay in dadka maxkamadooda  ay cadaalad ka doonaan waxayna sameeyeen nidaam iyo kala dambayn, taasoo gaartay in meelaha ay ka taliyaan sida caasimadda dadka uu waddooyinka ku maro cabsi la’aan

Reer galbeedka, oo madaxa ku haya dhacdadii 9/11 dhegtana ku haya qayladhaanka dalalka dersiska la ah Soomaaliya (Itoobbiya), waxay iska  qanciyeen maxaakiimta inayba matilaan Islaamka xagjirka ah. Maraykanka oo kaddib guuldarradii ka raacday askartiisa ka fogaanayo inuu askar dambe usoo diro Soomaaliya waxuu  doorbiday inauu adeegsado Itoobbiya. Waxuu Maraykanka sidaas ku kafaalaqaadday in ay taageeraan duullaankii Itoobbia ee 2006dii ay ku qaadday Soomaaliya.

Markii la jabiyay maxkamadihii waxaa dhacday in waxa ay dalalka reer Galbeedka saadsnayeen ay dhaceen waxaa 2007 dhashay ururka Al Shabaab. Kasoo 2010-kii ku dhawaaqay inuu daacad u yahay Al Qaacida. Soomalliya sida dhabta ah waa dal laga arki karo fashalka siyaasad dibabeedka Maraykanka ay ka yihiin horseed sida Ciraaq iyo Afghanistan.

Qoraaga waxay leedahay inay ahayd khalad in Soomaaliya la geliyo shaxda la  dagaalka argaggaxisada. Soomalidu waxay leedahay aqoonsi (identity) iyo taariikhdeeda oo ay weheliyaan himilo xooggan oo u gaar ah oo aan la dhayalsan karin.

Waxaa xusuus mudan barista qoraaga ay ku samaysay burcad badeedka waxayna baaristeedaas kusoo koobtay cutubka shanaad oo runtii istaahilo in la akhristo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Soomaaliya: Qareen Dudaaye oo Qaawiyey Hannaanka Caddaaladda 

Jamhuriyadda   Maxkamada Gobolka Banaadir waxaa ka socda maxkamadeynta eedaysanayaal ka tirsanaa shaqaalaha waaxda maaliyadda, iyo socdaalka...

Recent Comments