Saturday, September 30, 2023
Home Gudaha Gacan Eed Leh Khilaaf Kuma Xallismo - Ileen Soomaalidu Colaad Wax Kama...

Gacan Eed Leh Khilaaf Kuma Xallismo – Ileen Soomaalidu Colaad Wax Kama Barato?

Jamhuriyadda

Dagaal aan loo aaba yeelin birmagaydada ayaa tan iyo Isniinta February 6, 2023, ka socda magaalada Laas Caanood. Walow, khasaaraha aan si rasmi ah loo faafaahin, geeridu waxay kor u dhaaftay ilaa iyo 70 ruux oo carruur ku jirto, halka dhaawaca uu ku dhaw yahay boqollaal. Dadweynaha oo  garowsi la’aan karka dhaafiyay ayaa January 28, 2023, iska soo xulay guddi 33 qof ka kooban oo ka arrimiya masiirkooda. 

Afhayeenka guddiga oday-dhaqameedyada Cabdirisaaq Maxamed Xasan (Falaalug) oo maalintii Isniinta la hadlay warhaantinta ayaa sheegay in maamulka Somaliland uu weerar kusoo qaaday Laas Caanood, si uu u carqaladeeyo gabagabeynta shirkii looga arrinsanayay masiirka dadweynaha (Ceyn, Sanaag, iyo Sool). Dadka falanqeeya arrimaha gobolka ayaa rumeysan in maamulka Muuse Biixi oo loo sii dusiyay natiijada shirka uu isku dayayo inuu cudud ku hor-istaago rabitaanka dadweynaha.  

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo markii ugu horreysay fagaaro uga hadla arrinka Laas Caanood ayaa ugu baaqay dhinacyada inay qoryaha iska dhigaan kuna celceliyay in khilaaf siyaasadeed “qori lagu xallin karin.” Toban iyo shanti sano (2007) oo ay Somaliland maamulaysay Laas Caanood waxaa ka dhacayay dilal taliska Muuse Biixi Cabdi uu ku fashilay inuu caddaaladda horgeeyo. 

Isku milanka siyaasadda iyo qabiilka ee soo kordhayay tan 2015kii ayaa hoos u dhac ku riday xamaasadda reer Laas Caanood u qabeen Somaliland. Cali Khaliif Gallaydh oo xambaarsanaa dareenka dadweynaha ayaa la geeriyooday, iyadoo hoggaamiyayaasha Somaliland – muxaafid iyo mucaaradba ka hoos qaadin talo garawsi u baahnayd.

Muuse Biixi oo aan joojin duullaankii ayaa ku baaqay wadahadal nabdoon, isagoo dilka qorshaysan ku eedeeyay argaggixisada Al-Shabaab si uu u wiiqo dhaqdhaqaaqa siyaasadeed. Midda la yaabka leh ayaa ah in tan iyo 2009, argaggixisada dadka si qarsoodi ah ugu laynaysay Laas Caanood oo keliya, falkaas oo aan dhaqan u ahayn. Ugu yaraan ilaa 109 qof ayaa dhibbane u ah beegsiga haldooryada deegaanka kaasoo salka ku haya isir cabburin. 

Edna Aadan Ismaaciil oo aan ka dhiidhin dhiiggaa qubanaya ayaa sheegtay in haddii Laas Caanood ay burburto dib loo dhisi doono, taasoo barta “tweetterka” ka dhalisay dood kulul. Wakiilka Sare ee Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay (QM) Volker Türk ayaa ku baaqay in la sameeyo baaritaan madaxbannaan, si loo xaqiijiyo cidda mas’uulka ka ah dadka lagu laayay Laas Caanood. Waxaa laga yaabaa in QM ay furto dacwad caalami ah.  

Somaliland ayaa dagaalka iyo halbeegsigaba ku tilmaamay mid ay ka dambeeyeen argaggixiso. Balse, Duqa Magaalada Laas Caanood, Cabdiraxiin Cali Ismaaciil oo Arbacadii February 8, 2023, ka hadlay fagaaro ayaa ku eedeeyay ciidamada Somaliland duqaynta goobaha rayidka kuna tilmaamay in dagaalka uu yahay mid u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo Shacabka Laas Canood. 

Cabdirisaaq Falaalug ayaa diiday dhexdhexaadin uu ku baaqay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, sheegayna in wadahadallo bilaaaban karin iyadoo ciidamada Somaliland ay dulfadhiyaan Laas Caanood. Oday-dhaqameedyo reer Hargeysa oo ka dhiidhiyay dhiigga qubanaya ayaa iyaguna ugu baaqay labada dhinac in xabbadda la joojiyo. Waxay kaloo codsadeen in la joojiyo durbaannada dagaalka ee kaga sii daraya dhiillada. 

Taliska Muuse Biixi waxuu dadweynaha ku noqday keligiitaliye cabburin, xarig, iyo dil ay yihiin hab wax lagu xalliyo. Waxaa la isweydiinayaa maxuu kaga  duwan yahay taliyihiisii hore “Siyaad Barre,” kol haddii madaafiic uu la dhacayo maatida. Ileen Soomaalidu Cashar Ka Baran Colaad Sokeeye!

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments